Haddaan qaribnaanta.
Qilaafka ku qaabnay .
Dhexdeenu si qaab xun.
Is qoonsi qollaysi .
Maanso,Haddaan Qarnkeeni Qabyaald U loognay.
Haddaan Qarankeeni
Qabyaalad u loognay .
Qaraarna ku gaaray .
Innaan qalab siino .
Haddaan qumanaanti .
Qurnimo sharafteeda .
Qowmiyadnimadeeni
Quraanka Quwiile .
Qaynuunkiyo xeerka .
Ka qaalib ahaanay
Haddaynnu isquursi.
Dhexdeena qalboobtan .
Annaa qolladaasaa .
Annaa quturtaaya .
Ku qaayib ahaanay .
Haddaan qaribnaanta.
Qilaafka ku qaabnay .
Dhexdeenu si qaab xun.
Is qoonsi qollaysi .
Qurbaano qoffeeda .
Qabuurta u gaynay.
Qollooyin kaleeto .
Ayaa na qalaadshay .
Maxaan ugu qaylin .
Qarniga afartiisa .
Qamaamka dadkeena .
Qaxooy ku abaaday.
Sirqooyin quluulsan .
Dhalaan qufacaaya .
Mid qaaxaddu hayso .
Kuween qarqaraayo .
Inteen qaraqaada .
Qubaddo qalibaada .
Baddaa ku qur beelay
Caruuro qalfoofsan .
Qatooyo jirkoodu .
Kuwuu qalalaayo.
Walaashaya qaali .
Qurxoon Gabadheena.
Qadarin Mudan hooyo
Sucuudi ha qaado .
Dib how qabadsiiyo
Kenyaan ha qafaalo .
Ha soo qaqabtaano .
Qol yare haku qoolo .
Illayn quruxdeeni .
Qabkiyo qaradkeeni .
Quwaysi ahaanti .
Waxaa naga qaadatay .
Kolkaynu qorshaynay .
In aan qollo baaska .
Hab qayro ahaano .
.
Mid aan la qashaafay .
Qalboobtamahaagan .
Midkaagan ku qowlay .
Ma qaadan karaayo .
Haddii qastigaaga .
U qiirashaddaadu .
Waddaniyad quseeyo .
Shisheeyahan qaydar.
Qarkii wajibigeena .
Dhulkeen qulqulaaya .
Dadkeena qalaaya .
Ku qowracanaaya
Miyaan qalbadaadu .
Midaas ka qashuucin .
Waxaan qormayddaydan.
Ku soo qalin duugi .
Intay qalbigiina.
Qabyaaladdi buuxdo .
Intaad dhulka qaybin.
Qoqobid qurubkiina .
Intaynu qisooyin.
Qaraamiga sheeko.
Tuldaan kala qaadnay .
Qaxwaynta la joogno.
Intay qalinlaydu .
Qaraamad qorrayso .
Qaryaanku Maanso .
Qollaysi difaaci .
Qamuurka qabiilku .
Siyaasi qabaani .
Intuu kala qaybin .
Intay Qurba joogtu .
Qaaraan gurridooda .
Qoryaa ku gadayso .
Malaha Qaharkaanu .
Qiyaamaha Dhowri .
Maanso,Haddaan Qarnkeeni Qabyaald U loognay.
Haddaan qaribnaanta. Qilaafka ku qaabnay . Dhexdeenu si qaab xun. Is qoonsi qollaysi .