Waxqabadka Dawladiihii Somaliland Soo maray.

0
Tuesday February 11, 2014 - 17:50:25 in by Super Admin
  • Visits: 1198
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxqabadka Dawladiihii Somaliland Soo maray.

    Waxqabadka Dawladiihii Somaliland Soo maray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxqabadka Dawladiihii Somaliland Soo maray.

Waxqabadka Dawladiihii Somaliland Soo maray.


1)Dawladii C/raxmaan Tuur iyo wax qabadkeedii


1991 waxa aynu qabsanay dalkeena oo aynu ka xoraynay Cadawgii Siyaad Barre,kabacdi waxaynu samaysanay Dawlad iyo madaxbanaani waxaynu madaxwayne u dooranay C/raxmaan Tuur mudo laba sanadood ah,Maxaa uu qabtay labadaas sanadood?waxaa uu qabtay dalka,waxa uu horseeday Fawdo,Dagaal,Burbur iyo qabyaalad ayuu wakhtigiisii ku qaatay,Xukuumadaasi waxay ahayd Xukuumad fadaraal ah,waayo C/raxmaan Tuur markii shirkii Boorame laga helay doorashadii waxa uu ka degay Xamar,waxaana uu noqday Madaxwayne Xigeenkii Gnaral Caydiid,waxaanu dalka somaliland ka Bilaabay Dagaal Sokeeye uu ku wajahay Federaal hase yeeshee kumuu guulaysan,waxa uu dhintay C/raxmaan isagoo aaminsan mabda Federaalka waxaana badan raga qaatay Mabada,an.


2)Dawladii Maxamed X.Ibraahin Cigaal iyo waxaqabadkeedii'


Dawladaas waxa la dhisay 1993 waxay la kawsatay Colaad qori dhacaya,Guri Gubanaya iyo nolol la ilaaway oo liidata,Cigaal waxa uu dhisay dawlad Buuxada oo leh sadex Goleqaran,Ciidan nadgelyo,Ciidan qaran,Astaan calan qaran oo ka bedelan kii, hore waxa uu afti u qaaday distoorka qaranka,waxaana uu ku guulaystay dhamaan nidaamkii dawladnimo oo uu dhamaystiray,waxaanu ahaa geesi qaran waxaanu mudanyahay in loo sameeyo  taalooyin iyo in la xuso maalin astaan u ah.


3)Dawladii Daahir Rayaale Kaahin iyo wax qabadkeedii''


Waxay ahayd dawlad Musuqmaasuq laakiin waxa uu dhisay Ciidamada waxaana loogu yimi qaranimo waxaanu qabtay doorashooyin kal doorashooyin kala duwan,waxaana laga helay doorasho waxaana uu si nadadgelyo leh ugu wareejiyay Kursigii qaranka Madaxwayne Siilaanyo,markaas waa uu mahadsanyahay waxaa uu qabtay diiwaangalin,waxa uu bixiyay kaadhkii muwaadinka iyo kii codbixinta.


4)Dawlada Axmed Maxed Maxamud (Siilaanyo)iyo waxqabadkeedii


waa xukuumadii xaga shacabka ma aha xukuumadii hadalka ee waa xukuumadii wax qabadka,waxaana ay wax ka qabatay xaga Caafimaadka,xaga waxbarashada,wadooyinka,xaga amaanka,xaga is dhexgalka Bulshada,sida madaxda dawlada Badhasaabada,Taliye qaybeedada Iwm,waxa uu ku guulaystay maamul daadajinta Gobolada bariga,waxa uu ku guulaystay bedelka lacagtii giinbaarta ahayd oo u ku bedelay sln sh.waxa uu ku guulaysatay difaaca qaranimo iyo siyaasada arimaha debada sida Maalgashiga caalamiga ah iyo khayraadka dadeeciga ah,Xaga siyaasada arimaha Gudaha iyo dhamaan horumarka wadaninimo,waxa uu door wayn ka ciyaaray xaga wada hadalada Somaliland iyo Somalilaya,Madaxwayne Siilaaanyo waxa uu ku guulaystay derajo bixinta ciidamada kala gadisanee dalkeena,Taas oo ciidanka iyo dalkaba usoo hoysay sharaf iyo haybad,madaxwayne Siilaanyo waa Geesi Qaran oo cadwga Somaliland necebyahay,run ahaan Maalin iyo laba lama soo koobi karo wax qabadka dawlada,waayo way badantahay.
Xisbiyada Mucaaradka ah


Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah  ee Faysal Cali waraabe''


Waa nin aan taariikh wanaagsan ahayn waxaana uu ahaa nabadsugidii siyaad barre waxa uu dalka iyo dadka ka galay danbi qaran,waxaana uu ahaa Faysal 1982 kacdoonkii ardaydii UFFO ninkii kula dhaqmay siyaasadii,taas oo keentay in la qabqabto isagoo adeegsanaya Ciidamadii Cadawga,Faysal waxa uu ahaa 1984-1986 kii ilaa 1988 -1990 kii  waxa uu ahaa nin jooga xamar habeenkiina isaaqa kal baxa Guryaha,waxaana ka mid ahaa dadkii la xasuuqay,Faysal maanta waa gudoomiyaha Xisbiga Ucid waxaana uu ku fashilmay hogaamintii xisbiga sidii uu ugu  foognaa xumaanta iyo cayda wadanka,Faysal waa nin aan ku kalsoonayn wadanka iyo jiritaanka jsl,waa nin si uu xamar u qabto iyo si uu halkan u joogo labadaba garan la,a,markaas ama faysal waalay ama xamar ku danbee.
Gudoomiya Xisbiga wadani ahna Gudoomiyaha wakiilada Somaliland''


C/raxmaan Ciro waxa uu ahaa ragii uu aaminsanaa Maxamed Siyaad Barre,waxa uu ahaa 1988 kii safiir daacad u ah taliskii siyaad barre  waana uu la aakhiray Xukuumadaas waxna looga tirinayo xanuunkii reer somaliland,waa gudoomiyaha golaha wakiilada waxaad arkaysaa inuu kala qoqobay golihii,waxaad arkaysaa in labadii gudoomiye ku xigeen inaanay ka dhexaynin wax wada shaqayn ahi,C/raxmaan ciro waa masuul aan ka xishoon qabayaalada waa nin marka uu hadlayo ku hanjaba fawdo iyo qabyaalad iyo dagaal iyo dawlad la,aan,waa nin isaga oo ku fadhiya kursigii baarlamaanka ku dhawaaqay shir beeleed ee taageerayana Golaha wada tashiga,kulana bahoobay Burburka iyo fawdoda ,Xisbigiisu waxa uu diiday samaynta wadada Ceerigaabo hadaanu la ogayn xisbigiisu ma diidi kareen,waxa uu necebyahay horumarka wadanka,hadii wadanka horumarkiisa kasoo horjeedo,isla markaan damac madaxwayne uu ku jiro hadhaw ma noqondoonaa hogaamiye la aamini karo,ma aha hogaamiye ceeb ka saliim ah oo taariikh leh ninka sideetan xildhibaan xukumi kari waayay,ma waxa uu  xukumi karaa qaran balaadhan.


Qalinkii: Xuseen Aadan Caraale(Xuseen Jiib)
Tel:4310738  Burco