Dawladda Sucuudiga Oo Safiir U Soo Magacowday Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Shekh oo ka guddomay Waraqihi Safiirnimo
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee dawladda Saudi Arabia u soo magacowday Soomaaliya.
Safiirka cusub dalka Sucuudiga u fadhiyi doona Soomaaliya, Garam Bin Said Bin Garam Almulhan ayaa waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyey Madaxweynaha Somalia. Waxaana goob joog ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdiraxman Ducaale Bayleh.
Safiirka Saudi Arabia oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi "Saudi Arabia waxaa ka go’an inay sii xoojiso xidhiidhka taariikhiga ah ee labada dal, waxaana ka taageeri doonaa Somalia dhanka amniga, gar-gaarka bani’aadanimo iyo dib u dhiska Somalia…”
Madaxwaynaha oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi "Wallaalaheen Sacuudiga waa saaxiibo in muddo ah taageero noo fidinayey oo sii xoojineysa xidhiidhka taariikhiga ah ee labada dal. Waxeyna naga taageeraan dhanka gar-gaarka bani’aadanimo oo ceelal fara badan ay ka hirgeliyeen Somalia oo shacabku aad baahi ugu qabo….”