Guddomiyaha Guddiga Qabanqabada Shirweynaha Kulmiye oo shegay in Todobadka So socda Bilaabmayo Shirkii, Shegayna In Xasan Gaafadhi Xaq u leeyahay inu isa soo sharaxo

0
Sunday April 20, 2014 - 16:16:42 in by salman abdi
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddomiyaha Guddiga Qabanqabada Shirweynaha Kulmiye oo shegay in Todobadka So socda Bilaabmayo Shirkii, Shegayna In Xasan Gaafadhi Xaq u leeyahay inu isa soo sharaxo

    Guddoomiyaha Guddida Qaban-qaabada Shirwaynaha Xisbiga KULMIYE, Abuukar Xaamud Jibrii waxa uu ka hadlay ergooyinkii ka qayb gali lahaa shirka oo aan wali soo wada gadhin magaladda Hargeysa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Guddida Qaban-qaabada Shirwaynaha Xisbiga KULMIYE, Abuukar Xaamud Jibrii waxa uu ka hadlay ergooyinkii ka qayb gali lahaa shirka oo aan wali soo wada gadhin magaladda Hargeysa,

Waxa uu guddoomiyuhu sheegay Inuu Qabsoomayo shirwaynaha xisbiga KULMIYE, Toddobaadka soo socda,Waxaana uu intaasi raaciyey inaanu shirwaynaha Xisbiga KULMIYE u baaqan dooni ergooyinkaas aanay qaarkood soo wada xeroon. Waxan hadaladisii kamid aha gudomiyaha gudida qaban qabada,”

Nagama socon waayin anag ee shirkuna waa qabsoomayaa maalintii loogu talo galay mudadii loogu talo galayna maalin ma dhaafi doono,kolay bil aadanka lagama waayo laba qof oo is diida xisbiguna waa xisbi dimuq-raadi ah waxaana loogu talo galay inuu xiligiisa ku qabsoomo” 

waxa sido kale uu ka hadlay musharaxnimadda Xasan Gafaadhi iyo qaybinta ergoyinka,”

Xisbiga KULMIYE waa xisbi dimuq-raadi ah Xasan gaafaadhina xaq ayaa uu u leeyaha inuu isku soo sharaxo guddoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga KULMIYE, Aniguna kama hor istagayo, la’ima odhan karo Xasan isma soo sharaxi karo maaha taasina aniga hawl ii taala maaha" ayu yidhi

 

sidoo kale mar su’aal laga waydiiyey guddoomiyaha xiliga uu bulshada u sheegi doonaan maalinta lagu dhawaaqayo inuu qabsoomo shirku ayaa waxa uu yidhi”Kuuma sheegayo xili aan maanta ku leeyahay maalintaas ayaa uu qabsoomayaa shirwaynaha kulmiye lakiinse waxaan adiga kuu sheegayaa inaanu igu dhaafayn toddoba maalmood qabashada shirwaynaha xisbiga kulmiye.

 

 

Hadalka gudomiyaha qaban qaba waxa uu ku sobegmaya xili malintii shalay Xasan gafaadhi shegay in uu u sharaxanyahay gudomiyaha kowaad ee xisbiga KULMIYE,



 

 

Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com