XISBIYADA MUCAARADKA, MADASHA WADATASHIGA IYO SAXAAFADDA OO AASASAYA XULUFO U DOODA XORIYATUL QAWLKA

0
Sunday April 20, 2014 - 16:26:36 in by salman abdi
  • Visits: 1118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XISBIYADA MUCAARADKA, MADASHA WADATASHIGA IYO SAXAAFADDA OO AASASAYA XULUFO U DOODA XORIYATUL QAWLKA

    Xisbiyada Mucaaradka Somaliland, Madasha wadatashiga,ururka Suxufiyiinta Somaliland iyo Saxaafada Somaliland ayaa maanta kulan ay Hargeysa ku yeesheen ku shaaciyey Xulufo dhinacyadaasi ka tirsan oo Difaaci doonta Xuquuqda Xoritul qawlka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland, Madasha wadatashiga,ururka Suxufiyiinta Somaliland iyo Saxaafada Somaliland ayaa maanta kulan ay Hargeysa ku yeesheen ku shaaciyey Xulufo dhinacyadaasi ka tirsan oo Difaaci doonta Xuquuqda Xoritul qawlka. Waxay cabaareeyeen Xadhiga Xukumaddu kula kacdo Xarumaha warbaahinta iyo weriyeyaasha.

Faadumo Siciid oo ku hadlaysay Afka Xisbiga Ucid ayaa faahfaahin ka bixisay U jeedada Xulufada wada jir ay u Aasaasayaan Mucaaradka,Saxaafada iyo Bulshada Rayidka ah ayaa sheegtay in Arinta ugu wayni tahay Xukumadda Somaliland oo Shirkaddaha isgaadhsiinta ku amartay in Website-yada ay xidhaan, iyadoo wargeys-yadii xayiran yihiin

"Arinta ugu salka balaadhan ee aanu iskugu nimid waxa weeye Tacadiga Somaliland ka dhacay ee ah in Shirkaddihii Isgaadhsiinta lagu khasbo inay xidhaan Jaraa’idadii iyo Website-yadii. Waxa kale oo nagu kalifay Dadkan badan ee xidhan ee Ama dhalin yaro ah ama Suxufiyiinta ah. Waa wax Caalamka oo dhan la inga Cambaaraynayo meel kastana Ceebta iyo dheg xumada Somaliland ay ku taagan tahay ay ka dhacday” ayay tidhi Faadumo Siciid.

Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi oo ku hadlayay Afka Madasha wadatashiga oo Kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xukumadda Madaxweyne Siraanyo Sharciga ka talaabsatay.

"Caqligu wuxuu ina siinayaa Jariidadu(Jaraa’idku) ta wax tidhi maaha, iyadu waa qalab.markaa qalabkan la xidhayaa wax lagu ritay ayuunbuu ka shaqeeyaaye ma qalabkii ayaa dambi galay? Waa arimaha la yaab ka leh ee Xukumaddani ku kacdo. Labadii Jariiradood ee Haatuf iyo Hubaal ba way xidhan yihiin, waxay ku xidhan yihiin Sharci daro. Dawladani Sharci oo dhan way iska laabtay oo si aan dawladihii hore kuba shaqayn ayay ku shaqaysay. Waxaa la filayay Dawladdani sidii markii ay Ololaha ku jireen ay balanqaadeen ee wanaaga uga hadlayeen inay fuliyaan, laakin wixii oo dhan way dhaafeen.”

Cabdirashiid Riyo-raac oo isna ku hadlayay Afka Xisbiga Waddani ayaa isna Cambaareeyay Cabudhinta Saxaafadda waxaanu yidhi "Waxaanu Shacabka iyo Saxaafaddaba u sheegaynaa in Sharcigii iyo Dastuurkii waddanka ay Xukumaddani ku tumatay. Maalin walba oo waagu baryaba Qodob ayaa la jabiyaa.maanta waxaynu u fadhinaa Qodobka 32-aad ee Dastuurka oo Saxaafadda ka hadla iyo Qodobka 28-aad oo Xaqa Dacwada qofka Bini’aadanka ahi u leeyahay inuu dacwoon karo oo dacwad loo Ogolaado. Waxaanu runtii Cod dheer ku cambaaraynaynaa Xadhiga,Caga juglaynta iyo Cabdudhinta lagu hayo Saxaafadda Madaxa banaan oo hadda ay ugu dambeeyeen Jaraa’idadan Haatuf iyo Hubaal.”


Maxamed Cabdi Curad oo ka tirsan Ururka Suxufiyiinta SOLJA ayaa sheegay in Xukumadda Somaliland la soo baxday Dhaqan iyo Caado cusub oo Saxaafadda ay kula kacayso, iyadoo cabudhin lagu hayo Saxaafadda. Waxa uu sheegay in Sharcigu ahaa in Cadaymo la waydiiyo wararka xukumaddu dhibsato balse in Meheradaha la xidho aanay ahayn.






Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com