SIYAASADDA CAKIRAN EE BAARLAMAANKU WAA MUSHKILADDO ISBARKAN OO IS BIIRSADAY

0
Wednesday February 12, 2014 - 08:36:09 in by Super Admin
  • Visits: 1126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIYAASADDA CAKIRAN EE BAARLAMAANKU WAA MUSHKILADDO ISBARKAN OO IS BIIRSADAY

    SIYAASADDA CAKIRAN EE BAARLAMAANKU WAA MUSHKILADDO ISBARKAN OO IS BIIRSADAY

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SIYAASADDA CAKIRAN EE BAARLAMAANKU WAA MUSHKILADDO ISBARKAN OO IS BIIRSADAY

Gudoomiyaha Baarlaamnka Mudane Cabdiraxman moosko ayaa shaqaddii ka eryey labaddii ku xigeen, taasi oo uu markii danbe ku sifeeyey inuu naaqusay nimankaasi iyo awooddii ay ku lahaayeen saami qaybsigga Barlamaanka, oo sharciyan aanu xaq u lahayn Gudoomiye Cabdiraxmaan Moosko.


Hadaba, mashaakilaadkan ayaa waxaa keenay ammuuro isbiirsaday oo dhowra.


1- Tallo meelo kale ka imanaysa oo dhegaha Cabdiraxmaan Mooska aad ugu soo dhacaaya.
2- Madasha Waddatashigga oo qayb ka ah fool erigga kicinta iyo burburinta nidaamka dowladnimo oo amuurtan si toosa ugu lug leh.

3- iyo Khaladaadka Xukumaddu ka samaynayso qaabkeedda warbaahineed ama sidda ay ula macaamilayso afduubka iyo khaladaadka baarlamaanka ka dhacay oo ka hadalkii Xukumaddu keenay dareen iyo difaac ay qaateen qolyaha mucaaridku, laakiin lagga dheeraan karaayey in qaabkaasi loo wajaho.

Siyaasaddu qaab ayey leedahay iyo nidaam loogga jawaabo murugga iyo mixnadda dadka caqligga xun ee dalka iyo dadka aan midna u danaynayn, manna aha dagaal, cay iyo kala qaybsanaan ee waa wax wadda lahaansho laysku saxaayo.

Waa khalad iyo aflagaaddo badheedha in lagu carqaladeeyo dhismaha Wadadda Ceerigaabo iyo lacag ururinteedda, mushiladda Barlamaanka ka aloosan ee hogaanku sidda tooskaa gacantiisa ugu abuuray. Waa ceeb iyo cadaalad daro in la yiraahdo lacagtii Wadadda Ceerigaabo ayaa Baarlamaanka loo qaybiyey, oo la isticimaalayaa. Lacagtaasi sanduuq ayey leedahay waanna wax laysla ogyahay xisaabteedda iyo waxii soo xarooday oo dad ayaa gacanta ku haya, oo xisaabteedda la socda.

Waxaan ka markhaati kacayaa in Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xassan yahay wasiir aad u dadaal badan oo daacadda, isla markaasinna ah tiir weyn oo Xukumadda Mudane/Madaxweyne Ahmed Siilaanyo ka midda. Waxaa hubaala oo shacabka reer Somaliland si waafiya u aqoonsanyahay in Wasiirkani yahay nin ka adag shaqadiisa oo halkii laggu beeggo ka soo dhalaalaaya.

Waxaa markhaati madoonna nin jecel iyo nin neceba in Xirsi Cali Xaaji Xassan Xukumadda maanta jirta inuu kala soo dabaashay wakhti adag iyo waayo xun oo in lagu ixtiraamo masuulka u baahan, isla markaasina waxii uu qabtay ku suntan.

Laakiin, waxii khaladaad Siyaasiya haddiiba ay jiraan Wasiirka ayey khaas u tahay, inkasta oo marka miisaanka la saaro wasiirkan iyo qaar kale oo badan oo Golaha Wasiiradda ka midda waxqabadkoodda, dadaalkoodda iyo wadaniyadooddu ay wax kasta ka weyntahay oo dalku u baahanyahay nimankaasi Wasiir Xirsi ka midka yahay.

Waxaan shacabka reer Somaliland ku boorinayaa inay ilaashadaan nabadda iyo xasiloonidda ay haystaan, oo aan muran iyo madmadow marnaba la gelin geeddi socodka iyo nidaamka dumuquraadiyadda Somaliland.

Rag ayaa maanta u feydan siddii dalka iyo nidaamka loo gelin lahaa xasilooni daro, isqabsi iyo dagaal weyn, kuwaasi oo ah qaar ka rajo dhigay gaadhidda hogaanka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, si ku dhisan taageeradda iyo kalsoonidda shacabka reer Somaliland guud ahaan.

Wey arkaysaa Ummaddu, weyna u jeeddaa xeelad iyo tabkasta oo lagga soo maleegaayo dhinacyadda kala duwan ee u fardda fuushan Hogaanka dalka, laakiin aan saarayn wadaddii iyo nidaamkii saxda ahaa ee lagu gaadhaayey, laakiin ku taagan waddo iyo hab ay ka muuqato cadaawad, cadaalad daro, muran, Samir iyo dulqaad la,aan weyn.

Muran iyo isqabsi waxaa maciin bidda nin caalwaaya ee ninkii Ummadda kalsooni ka haysta, waxaan leeyahay gegidda ciyaaraha Siyaasadda iskeen oo waxba geed iyo gidaar haysku soo toosin ee hadhka ka soo bax, raganimadeenna iyo siyaasadeennu hadba waa inta aan shacabka reer Somaliland ee sharafta badan ka wadanno.

Nin ummaddii dafirtay oo kalsooni iyo taageero aan ka haysan ayaa muran, dagaal iyo deelqaaf la derisa had iyo jeer, laakiin nin dalka iyo dadku ogolyahay ixtiraam iyo maamuus weyn ayuu had iyo jeer siiyaa dadkiisa iyo dalkiisa. Talaabo kasta oo uu qaadaayanna waxuu u qaaddaa hab ku dhisan doonidda iyo raali ka ahaanshaha shacab weynaha reer Somaliland guud ahaan.

Beeneey waa run, dalku xumaan iyo xajiin umma baahna ee waxqabad iyo Siyaasad hufan ayuu u baahanyahay, markaa Mucaaridku tallo ayaa ka gedmane wax haysu geystaan.

Waxaan leeyahay tabhayoow laggaa tab hayee, Xukumaddu waxay leedahay Haayadaha nabadgelyadda oo si toosa ula socda dhaqdhaqaaqa iyo hawlaha shaqsiyaadka kala duwan ee dalkan iyo dadkan u cadowggaa.


Cabdilahi Cali Xassan
Liverpol
UK