Giggs Oo Shir Saxaafadedkii Ugu Horeeyay Kuqabtay Hoolkii Ferguson

0
Friday April 25, 2014 - 16:12:20 in by salman abdi
  • Visits: 1379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Giggs Oo Shir Saxaafadedkii Ugu Horeeyay Kuqabtay Hoolkii Ferguson

    Cutub cusub ayaa lagu darayaa taariikhda Manchester United iyadoo Halyeeygii hore ee kooxda Ryan Giggs oo ah tababaraha KMG uu qabtay shir saxaafaadeedkiisa ugu horeeyay, kaliya 3 barri ayaa kasoo wareegatay tan iyo markii laceyriyey tababarihii t sc

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cutub cusub ayaa lagu darayaa taariikhda Manchester United iyadoo Halyeeygii hore ee kooxda Ryan Giggs oo ah tababaraha KMG uu qabtay shir saxaafaadeedkiisa ugu horeeyay, kaliya 3 barri ayaa kasoo wareegatay tan iyo markii laceyriyey tababarihii t scot ka David Moyes

, waqti cusub ayey galeysaa United iyadoo ciyaaryahankaan kooxda uciyaarayey 23 sano ee udanbeesay uu qabanaayo shir saxaafadeed uu uga hadlaayo kulanka Norwich City ee kadhici doona Old Trafford oo noqon doona kulanka ugu horeeya uu leylinayo United, Giggs ayaa balan qaaday inuu soo celiyo adeega weerar ee kooxda kadib xilli ciyaar aad uxun oo Red Devils kariday kaalina 7aad ee kala sareynta horyaalka.

Kahor shir saxaafadeedka ayuu uwaramay TV ga United, waxaa laweydiiyey hadalkii ugu horeeyay ee ujeediyey ciyaaryahanadiisa, Giggs ayaa yiri "Waan idinku kalsoonahay, waan ogahay inaa awoodaan, taageerayaasha in lasiiyo wax ay kahadlaan, , Goolal ladhaliyo, taakalo lasameeyo, waa wixii ay sameeyay tababarka gudihiisa”, wuxuuna kusii daray "Falsafada United waa weerar, waxaan heysanaa ciyaaryahano awood uleh”.


Giggs ayaa uwareejiyey warsaxaafadeedkiisa hoolkii hore uu Fergie kuqaban jiray shirarka jaraaid.

Mar uu kawaramayey xiisaha uu uhaayo kulanka Norwich wuxuu yiri "Waan ku faanayaa, waan faraxsanahay, xoogaha waan walwalsanahay, waan sugi la’ahay 5:30 sabtida, inaan kusocdo garoonka, meesha wey ruxmi doonta, taageerayaashuna garabkeena ayey istaagi doonaan, kooxdu waxey qaadatay isbuuc weyn, waxey u egyihiin kuwo afeesan, waa sida inaan ahay ciyaaryahan oo kale”.

Giggs ayaa hubiyey in kooxda dhan ay diyaar utahay kulanka Norwich marka laga reebo Robbin Van Persie iyo Rafael, wuxuu kahadlay Moyes "Wuxuu isiiyey Fursadeydii ugu horeysay ee tababare, waxaan rabaa inaan idin dareensiiyo heer aan kufaanayo inaan tababaro kooxda 4ta kulan ee hartay, kooxda waxey itaageertay nolosheyda oo dhan, waxaan kooxdaan joogay muddo 25-26 sano ah”, wuxuu kusii daray "Malaha waa waqtiga iigu fiican ee aan kufaani karo xirfadeyda, waxaan kuraaxeesan doona 2da isbuuc iyo barka ee kaharay xilli ciyaareedkaan, waxaan rabaa inaan farxadda kuso celiyo wajiyada taageerayaasha”.

Giggs iyo Scholes ayaa leylin doona tababarka United inta kahartay xilli ciyaaredka.

Giggs iyo Scholes ayaa leylin doona tababarka United inta kahartay xilli ciyaaredka.

Giggs ayaa adkeeyay in kooxda kuciyaari doonto maskaxdiisa "Waxey noqoneysaa falsafadeyda, Falsafada Man United, waxaan doonayaa in ciyaartoyda kuciyaaraan xamaasad, xawaare, iyo kubad khiyaali ah, intaas kahor waa inay kuraaxeestaan ciyaartoyda, Old Trafford ayaan kuciyaari doona 3da kulan ee inoo hartay, waa meesha aan kuliidanay, waxaan doonayaa inaan arko goolal, taakalooyin”, Giggs ayaa sheegay inuu markii ugu horeesay ee lamagacaabay uu wacay Sir Alex Ferguso isagoo ubaahnaa talo iyo inuu ogaado waxa laga filaayo, iyo cidda uu uyeeran lahaa, wuxuu ku kaftamay in lasiiyey qandaraas 5 sano iyo bar.

Markasta iyo Wakhti Kasta Kale Saco Ciyaarahi Udanabayay 

SHabakada Afkashacabka