Daawo:Buug ka hadlaya Nolosha Lammaanaha iyo Qoysaska Soomalida oo lagu Soo Bandhigay Burco+SAWIRO
Naadiga Akhriskaiyo Qoraalka ee Halkaraan ayaa munasibad Balladhan ku soo Bandhigay Buug ka hadlaya Arrimaha Qoyska oo la yidha kalaa maan isla markaasna ay qortay Qoraa Dhalinyaro ah oo la yidhaa Kaltun Maxamed Muse. Munasibaddii lagu soo Bandhigay Buuggan oo ay ka soo qaybgaleen , Xildhibaan Masuliyiin ka kala socday Ururada Bulshada iyo inta Badan Haldoorka Dhalinyarada Togdheer ayaa lagu soo Bandhigay Taariikh kooban oo ay lahayd Qoraagu iyadoo Qoraaguna si waafiga ugu sharraxday Dadweynaha Muhiimadda iyo Xogta uu Buuggani Xambaarsanyahay.
guddomiyekxuigenka halkaraan mustafe shaybe, guddomiyah dallada syna eng maxabub iyo xubno kale oo ka socday ururada dhalinyarada ayaa halkaas uga mahadceliyey Qoraa Kaltun Maxamedmuse kuna dhirigeliyey inay halkaas ka sii waddo dedaalkeda.
Xildhiban Mubarik Bidhi oo Munasibadda so xidhay ayaa Naadiga Halkaraan iyo Dallada SYNA oo ay ka tirsantahay Qoraagu ku bogaadiyey kaalinta ay kaga jiraan soo saarka dhalinyarada iyo dhiirigelinta Bulshada Togdheer, waxuna rajo fiican ka muujiyey Dhalinyarada Gobolka Togdheer u soo baxaysa inay noqon doonaan hormuudka dhalinyarada dalka, isago si gaar ah na uga hadlay mawduucyadi xaasaasiga ah ee ku saabsanaa lamanayaasha iyo qoysaska ee buugani ka hadlayey.
Gebogabadiina Waxa su'aalo lagu boobay Qoraa kaltun mohamed muse iyadoo si qurux badan uga wada jawaabtay sido kalena waxa naadiga halkaraan su'aalo bugaag lagu helayo uu waydiiyo marti sharafta kuwaso la guddonsiyey kuwi ka jawabay bugaag kamida buugga la soo bandhigay iyadoo abaalmarino kala duwan iyo shahaado sharafyo nala siiyey qoraaga bugga
Daawo:Buug ka hadlaya Nolosha Lammaanaha iyo Qoysaska Soomalida oo lagu Soo Bandhigay Burco+SAWIRO
Naadiga Akhriskaiyo Qoraalka ee Halkaraan ayaa munasibad Balladhan ku soo Bandhigay Buug ka hadlaya Arrimaha Qoyska oo la yidha kalaa maan isla markaasna ay qortay Qoraa Dhalinyaro ah oo la yidhaa Kaltun Maxamed Muse.