MADEXWEYNE KUXIGEENKA SOMALILAND OO CASHO SHARAF RAALI GALIN AH USAMEEYAY ERGOOYINKA GOBOLADA AWDAL IYO SALEL EE KASOO QEYB GALEY SHIRWEYNAHA XISBIGA KULMIYE

0
Monday April 28, 2014 - 23:03:10 in by salman abdi
  • Visits: 862
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADEXWEYNE KUXIGEENKA SOMALILAND OO CASHO SHARAF RAALI GALIN AH USAMEEYAY ERGOOYINKA GOBOLADA AWDAL IYO SALEL EE KASOO QEYB GALEY SHIRWEYNAHA XISBIGA KULMIYE

    Munaasibadan casho-sharafta ah ee Madexweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ku sooryeeyay ergooyinka Gobolada Awdal iyo Salal iyo marti sharaftii ku lamaaneyd ergooyinkaaso oo tiradoodu dhameyd laba boqol iyo dheeraad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibadan casho-sharafta ah ee Madexweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ku sooryeeyay ergooyinka Gobolada Awdal iyo Salal iyo marti sharaftii ku lamaaneyd ergooyinkaaso oo tiradoodu dhameyd laba boqol iyo dheeraad

Madexweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa munaasibad casho sharaf ku sooryeeyay xubnaha ergooyinka kasoo qeyb galey Shirweynaha Xisbiga Kulmiyeee Gobolada Awadl iyo Salel kadib markii ay maanta kala kulmeen Shirweynaha khalad madbici ah oo kuyimid kaadhadhkii ay kaga Qeyb gali lahaayeen Shirweyanaha Xisbiga Kulmiye oo la waayey intoodii ugu badneyd.

 

Munaasibadan casho-sharafta ah ee Madexweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ku sooryeeyay ergooyinka Gobolada Awdal iyo Salal iyo marti sharaftii ku lamaaneyd ergooyinkaaso oo tiradoodu dhameyd laba boqol iyo dheeraad oo ka dhacdey Huteelka Safaari ee Magaalada Hargeysa iyadoo xafladan casho sharafta ahi soo celisey dareenka ergooyinkaasi ee maanta kacsanaa galinkii hore.

 

Madexweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxaa Xafladan casho sharafta ah ku wehelinayay, xubno katirsan

 

Wasiirada kasoo Jeeda Gobolka Awdal ee katirsan Golaha Xukuumada, iyadoo ergooyinka Shirweynahan ka qeyb galayay ay galinkii hore ee maanta aad u dhaliilayeen kuna haraamayeen Wasiirada Awdal kasoo jeeda, in aanay laheyn kaalin firfircoon iyo doorkii Gobolkaasi ku lahaa saaxada Somaliland marka laga reebo, in badankooda loo Magacaabay mijo xaabinta Madexweyne Kuxigeenka xiligii khilaafku u dhexeeyay, xubno katirsan Golaha Wasiirada sida Wasiir Xirsi oo kale, waxaana Wasiirada Awdal siweyn loogu tabayay doorka ay kaga maqan yihiin Loolanka Xisbiga Kulmiye, iyo dhaqdhaaqaaqa Shiweynahan sadexaad ee Xisbiga, marka lagu daro ragii Xisbigaasi kusoo raacey Golaha Xukuumada.

Munaasibadan Casho Sharafta ah ayaa ku dhamaatey jawi farxadeed ah oo raali galiyay ergooyinka Gobolada Awdal iyo Salel iyadoo lafilayo in ay Maalinta Barito ah ee Shirweynaha Xisbiga Kulmiye galayo maalintiisii Sadexaad in ay ku gali doonaan kaadhadhkii loogu talagaley.

 

 



Afkashacabka.com

Hargaysa/Office

contactWafkashacabka.com