"Shirka Kulmiye, Waa Shir Beeleedkii Madasha Wadatashiga Lagu Maagayey" C/raxmaan C/Qaadir

0
Tuesday April 29, 2014 - 12:07:03 in by salman abdi
  • Visits: 731
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Shirka Kulmiye, Waa Shir Beeleedkii Madasha Wadatashiga Lagu Maagayey" C/raxmaan C/Qaadir

    Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo hore u ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, ayaa ka deyriyey shirweynaha xisbigaasi oo shalay ka furmay Hargeysa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo hore u ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, ayaa ka deyriyey shirweynaha xisbigaasi oo shalay ka furmay Hargeysa,

waxaanu sheegay in aanay wax rejo ah laga qabin inay shirkaasi ka soo baxaan wax muuqda oo dadku ku qanci karaan.

 

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo shalay saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ka dib markiii shirkaasi furmay, ayaa sidoo kale tilmaamay in shirka Kulmiye yahay shir beeleedkii lagu canaanan jiray kooxda Madasha Wadatashiga isla-markaana Kulmiye xitaa kuraasta dadku ku fadhiisanayeen beelo u kala dhigay.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi "Anniga waxay ila tahay haddayba shirkii qabsadeen way is-dhaceen, carqalado badan oo ku adkaadayna way ka soo gudbeen, laakiin annigu meeshan shir xisbi kumaan arag ee shir beeleed ayaan ku arkay, ergooyinku beelo ayay ku yimaadeen, waraaqaha beelo ayaa lagu bixinayey, kuraasta lagu fadhiisanayey waxa la igu yidhi reerba meel buu lahaa, laakiin nimankani xisbiyada qaladbay ka fahmeen ee waxaynu u samaysanay inaynu beelaha kaga baxno, Madasha Wadatashiga ayaa lagu maagi jiray waxaad qabanaysaan shir beeleed, markaa haddii shir beeleed dalka ka dhacay waakaa Kulmiye, waana nasiib daro, nidaamkaasina waa wax dib inoo riday, laakiin taa shacabku wax shuqul ku leedahay maaha”

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, waxa kale oo uu sheegay "Shirkani iilama eg shir wax ka soo baxayaan, shir la isku dooranayo maaha, shir doodi ka dhacayso maaha, shir wax lagu ansixinayo maaha, markaa annigu waxaan shirka Kulmiye u arkaa inuu ka daran yahay shirkii Shuuciga ee Moosko ka dhici jiray. Xisbigaana waxaanu u haysanaa xisbi ay u dhammaatay maanta….”ayuu yidhi.

 

 

Afkashacabka.com

Hargaysa/Office

contact@afkashacabka.com