Biliiqada loo geystay Afkeena" W/Q:: Cabdimajiid Iid Aadam(Dhinbiil)

0
Monday December 07, 2015 - 08:42:52 in by salman abdi
  • Visits: 1806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biliiqada loo geystay Afkeena" W/Q:: Cabdimajiid Iid Aadam(Dhinbiil)

    Afku sidiisaba waa isgaadhsiinta dadku kuwada xidhiidhaan ,wa ta labaade waa hanti uu Ilaahay ina siiyay oo aynu kaga duwannahay umadaha kalee la odoonsaday ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afku sidiisaba waa isgaadhsiinta dadku kuwada xidhiidhaan ,wa ta labaade waa hanti uu Ilaahay ina siiyay oo aynu kaga duwannahay umadaha kalee la odoonsaday ,

waayo kuwaasi iyagu malaha luuqad amaba Af ugaara oo ay iyagu leeyihiin se waxay isticmaalaan amaba ku hadlaan Afaf dad kaloo shisheeyii ay leeyihiin.

Hadaba sababtu maxay tahay ? sababtu waxay tahay Afkoogii wuu dabar go’ay oo waa lagu beeray amaba waa loo asteeyay Af aanay lahayn inaanku hadlaan gumaysi dartii.

Haddaba waa saxe waa maxay u jeedada laga leeyahay in aad af kale kuhadasho oon kaagii ahayn ? Se wali mays waydiisay arintaa.

Jawaabtu waxay tahay in lagu gumaysto oo aad noqoto lahayste kolba wixii loo sheego qaata oo ciduun ku daba tiirsan weligii ,oon gaarkii u istaagi Karin isagu.

 

Hadaba si aanay taasi inoogu dhicin inagana maxaa inala gudboon ?

Jawaabtu waxay tahay waa innagoo u guntana Afkeena inaynu kor u soo qaadno oo dib usoo noolayno halkiisii horena kusoo Celino ,akhriskiisa iyo weliba qoraalkiisana noolayna.

Haddaba su’aasha meesha taalaa waxay tahay sideebay taasi ku suuro galaysaa waayahaye?

Waxay inoogu suurto-geli kartaa uun haddii la dabbaqo qodobadan hoos ku qoran

1. Hadii ay dawladeena ka hirgeliso nidaam ah in wadanka lagaga shaqeeyo Afkeena soomaliga , oo isaga muhiimadda koowaad lasiiyo.

2. Hadii ay wasaarada Tacliintu manhajkeeda ka dhigto mid ku baxa Afka soomaaliga ,kuna badiso jadwalkeeda barashada afka soomaaliga .

3. Haddii xayaysiisyada am iidhehda lagu soo saaro Afka soomaaliga.

4. Haddii sida sharcigu dhigayo ee dastuurkana ku taala Afka soomaaliga laga dhigo luqada koowaad ee wadankeena lagaga halw-galo.

5. Haddii boodhadka ama magacyaa loo bixinayo meheradaha ganacsiga lagu qoro lagana dhigo Afka soomaaliga. i.w.m

Intaa iyo weliba kuwa kale oo badan oonan halka ku xusinba haddii la fuliyo oo waliba loo hirgaliyo siday yihiin waxaan isleeyahay way ka qeyb qaadan karaan in lasoo celiyo amaba dib loo soo nooleeyo.

Waayahee haddana markale su’aashu waxay tahay yaa fulin Kara qodobadan iyagaa?

Jawaabtu waxay tahay cidkastaa way fulin kartaa se waa haday jecelyihiin inay ilaashadaan hantidooda oo aanay dabar go’in .

Rutii waxaa jira hal-abuuro amaba Abwaano ka maansooday Xaalada Afku uu marayo oo tixo ku sheegay,laakin se ma qabo in cid dhag u dhigtay jirto amaba hawl iska saartay oo tidhi "waar waa run waxaa laynoo sheegayaa ee halkaynu kabilawnaa” .

Taasina waxay muujinaysaa in qiimihii Afku lahaa uu meesha kabaxo,oo loo badalo Af aan caadi ahayn oo aynu odhan karno waa "iskudhaf ” ,isku dhafna micnaheedu waa Af ka kooban Afaf- kala duwan haday tahayEnglish, Soomaaliiyo walibaCarabiiyo qaar kaloo badan.

Guntii iyo gebegabadii hadalkayaga waxaan idinkaga tagayaa tixdan yar oo layidhaahdo magaceeda(afkayga Hooyo) oon anigu hal-abuuray oon kaga hadlayo sida look dayacay Afkii ee cidla loogaga tegey welibana cid danaynaysaana aanay jirin,kuwii u heelanaa inay koru so qaadaanna lagu jees jeesayo ee keligood loogu daawanayo, ayaa waxaanan idhi sida tan:

 

Imisaad hirtaanyiyo
Habaaskiyo ciidiyo
Hirar dhooqa lihiiyo
Cagta hoosteedaba ku jirtay
Maxaa halyey-yadaadi
Afkaygow hanadadaadii
Halbawlaha lajarayoo
Lagu cidleeyay howshiina
Hadii dhulka lagu dhigay
Hanaqa lagu gooyoo
Ciida lagu hoos marshoo
Aakhiro laguu hooyay
Hubaal dibba waad u dhalan
Cadawgani ku heeryee
Haanaha inu ku jebsho
Dadku marin habaabaan
muddo isku hawlaayayna
Hubaal isagaa nixi
Afku waa hantidaydoo
Afku waa hubkayga oo
Afku waa hiilkaygana oo
Afku waa hagoogtayda
Hantina waxan kasitaa
Heensaynta erayadiyo
Hal-abuurka suugaan
Hilaac baxay lamoodo
Hubna waxan kasitaaba
Hawraar iyo murti badan
Qurux loo habeeyoo
Hibo weeyi eebahay
Hagoog waxan ka sitaa
Hadal xikmadaysanoo
Hufanoo u jeedo leh
Cadawguna ku hungoobo
Hiilna waxan kasitaa
bulsho ila haysata oo
hareerta iga jiroo
Horumarka afkoodana
Hawl weyn iskaga tirinaya

Afku waa hantidaydoo
Afku waa hubkayga oo
Afku waa hiilkaygana oo
Afku waa hagoogtayda

Ha-ilaawin afkaaga

Hana-dayicin afkaaga

Abidkaaba u heelnow

Lama huraanna weeyee



 

W/qorey:Cabdimajiid Iid Aadam cawaale

Email:cabdimajiidiid@hotmail.com

Cabdimajiidiid@gmail.com