Ribery: Waa Niyadjab Aad Uweyn Waa Inaan Dib Isugu Noqonaa.

0
Wednesday April 30, 2014 - 08:40:48 in by salman abdi
  • Visits: 1316
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ribery: Waa Niyadjab Aad Uweyn Waa Inaan Dib Isugu Noqonaa.

    Ciyaaryahanada Bayern Munich Bilal Ribery iyo Philipe Lahm ayaa sheegay inay dareemayaan niyadjab aad uweyn kadib guuldaradii adkeyd ee kasoo gaartay Real Madrid kulanka lugti labaad ee Semi Final ka koobka horyaalada yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahanada Bayern Munich Bilal Ribery iyo Philipe Lahm ayaa sheegay inay dareemayaan niyadjab aad uweyn kadib guuldaradii adkeyd ee kasoo gaartay Real Madrid kulanka lugti labaad ee Semi Final ka koobka horyaalada yurub.

Real Madrid ayaa lugta labaad uga badisay 0-4 Bayern Munich oo Allianz Arena kuciyaareysay, halka lugti hore ee Bernaboa ay kudhamaatay 1-0, wadar ahaan labada lug ayey Real 5-0 ugu gudubtay Final ka Champions League.

"Waa dharbaaxo adag oo daran, qeybtii hore ee ciyaarta qof walbo wuxuu layaabanaa natiijada, waxaan sameenay qaladaad badan oo kaliftay inaan koobka weyno” ayuu usheegay Ribery saxaafada.


 

"Waa wax aan la aqbali karin in 2 gool lagaaga dhaliyo kubad lasoo qaaday, waa arrin ceeb ah lkn kubada cagta wey dhacdaa, muhiimadu waa inaan hadda kagaarna, waayo waxaan ciyaari doona Final ka German Cup” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dhanka kale kabtanka kooxda Bavarian Lahm ayaa qiray in kooxda Real Madrid ay uqalantay guusha iyo inay ugudubto Final ka koobka horyaalada yurub, wuxuu sheegay inay qaladaad toogasho lamid ah ay sameeyeen oo keentay inay kuguuldareestaan ciyaarta isagoo yiri "Waxaan dooneenay inaan ciyaarta awood kusoo galno balse waxaan luminay taxadarkeeni aan ka qabnay boosaska danbe, waa niyadjab weyn, balse tani waa kubada cagta, waa inaan aqbalnaa guuldarada sida aan aqbalno guusha oo aan ufaraxno”.


Afkashacabka.com Markasta Iyo Wakhti Kata Kale Saco Wararki Udanbayay Iyo Ciyaraha Dunida