Benfica Iyo Sevilla Oo Iska Xaadiriyay Final ka Europa League

0
Friday May 02, 2014 - 09:46:39 in by salman abdi
  • Visits: 1407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Benfica Iyo Sevilla Oo Iska Xaadiriyay Final ka Europa League

    Benfica ayaa ku adkeesatay natiijadii gurigeeda 2-1 ay ugasoo badisay Juventus iyadoo kooxda Serie A ay awoodi weesay inay shabaqa kasoo taabato Benfica oo marti ku eheed garoonka Juventus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Benfica ayaa ku adkeesatay natiijadii gurigeeda 2-1 ay ugasoo badisay Juventus iyadoo kooxda Serie A ay awoodi weesay inay shabaqa kasoo taabato Benfica oo marti ku eheed garoonka Juventus.

1228495-26091180-640-360

Qeybtii hore ee ciyaarta labada koox ayaan sameenin wax qatar ah, iyadoo markii lagasoo noqday xilliga nasashada aad mooday in Juve uqalab qaadaneesay inay natiijo kahesho ciyaarta, kaliya gool ayaa uga filnaa Juve inay ugu gudubtay Finalka,  Osvaldo ayaa laga diiday gool Offside uu dhaliyey isagoo dabaaldag usameeyay marku funaanada iska bixiyey uu ku qaatay jaale, ciyaarta oo kuso dhamaatay 0-0 waxey usaamaxday kooxda reer Portugal ee Benfica inay sanadkii 2aad ay ugudubto Final ka Europa League.

1228502-26091713-640-360

Dhanka kale ciyaar xiiso badneed oo kusoo dhamaatay garoonka Valencia ee Mestalla, ciyaarta oo awoodeeda inta badan iska heesatay kooxda martida loo ahaa, lugtii hore ayaa kusoo dhamaatay Sevilla oo ku badisay gurigeeda 2-0, Valencia ayaase garoonkeeda wacdaro kudhigtay inkastoo ay hartay, daqiiqadii 14aad ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Valencia Sofiane Feghouli ayaa farsameestay kubad loosoo baasay, isagoo qalday daafacyada kooxda martida u eheed kahor inta uusan laad aan laqaban karin kubada kagalin qeybta kore ee shabaqa.

1228494-26091149-640-360

 

Daqiiqadii 26aad goolhayaha kooxda Sevilla Beto ayaa iska dhaliyay kubad ay soo beenisay birta, iyadoo natiijada kadhigtay 2-0, markii lagasoo noqday xilli nasashada Valencia ayaa sii dheeresatay hogaanka iyadoo useddexeesay kooxda martida eheed, daqiiqadii 69aad, koorno lasoo qaaday, kubada ayaa kunoqnoqotay gudaha diilinta ganaaxa, iyadoo markii danbe lugta ay ugashay daafaca kooxda Valencia Jeremy Mathiu kaaso aan kadaahin inuu shabaqa dhex dhigo natiijadana kadhigay 3-0.

aaaa

Taageerayaasha labada kooxood oo xamaasad aad ah umuujinayey kooxahoosa Sevilla ayaa uhadyeesay taageerayaashooda farxada udanbeesay, daqiiqadii udanbeesay ee waqtiga beerdarada ee ciyaarta lagu daray kubad fooro gacan loosoo tuuray qaabka reer England ayaa ugu danbeen madaxa usaarantay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Sevilla Stephane M’Bia kaaso banooniga shabaqa gees kagaliyey ciyaartana kadhigay 3-1, Sevilla ayaa kusoo baxday sharciga goolka martida iyadoo sidaas ku aaday Final ka Europa League oo ay isku haleeli doonaan kooxda Benfica.


MARKASTA IYO WAKHTI KASTA KALE SACO SHABAKADA CALAMIGA EE AFKASHACABKA,CO WARARKI UDANBAYAY IYO CIYARAHI UDANBAYAY