TABABARAHA LIVERPOOL RODGERS: WAA ISKU DHAMAADAY HORYAALKA

0
Tuesday May 06, 2014 - 09:33:07 in by Super Admin
  • Visits: 1391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TABABARAHA LIVERPOOL RODGERS: WAA ISKU DHAMAADAY HORYAALKA

    Ciyaar xamaasad badneed oo ka dhacday garoonka Selhurts Park, Palace ayaa 10 daqiiqo dabka u rogtay Liverpool ciyaar ay Reds ku hormartay seddex gool oo nadiif ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaar xamaasad badneed oo ka dhacday garoonka Selhurts Park, Palace ayaa 10 daqiiqo dabka u rogtay Liverpool ciyaar ay Reds ku hormartay seddex gool oo nadiif ah, macalinka Palace ayaa sameeyay badalo qamaar ah, iyadoo ciyaarta kahor uu sheegay "Waxaa arki jiray Mourinho oo kulamada Liverpool sameeyo badalo layaableh ayna guuleestaan laga yaabe inaan sameen doono”.

Tabaraha Liverpool ayaa BBC usheegay ciyaarta kadib in tartankii horyaalka uu iskusoo dhamaaday, isagoo sheegay in Man City ay qaadeyso horyaalka "Waa iska cadahay niyad jab weyn waye, illaa daqiiqadii 75 aadban iskula heysanay, seddex goolba dhalinay, fursado badan ayaan abuurnay, ciyaarto 12 daqiiqo kahartsan tahay ayaa nalaga dhaliyey goolashaas, waxaan arki karnay sidaas si kafiican inaan uciyaarno, halkaan (Sulhurts Park) uguma imaaneesid inaad kahortagto koox weyn, balse sida aan ula dhaqanay iyo sida aan udifaactanay waxey aheyd fal danbiyeed run ah.Waxey aheyd (Qaladka) tababaraha, ciyaartoyda iyo kooxda, si guud ayaan ubadina si guud ayaa nalooga badiyaa, taageerayaashu cajiib ayey ahaayeen, guul iyo guuldaraba waa inaan wada qaadna mas’uuliyada.

wuxuu hadalkiisa kusii daray "Waxaan dhalinay 99 gool, taas oo ah hormar gaar ah oo ay kooxdu sameesay, balse waa inaad difaacanta, macno kuma fadhiso inaad dhaliso goolashaas oo dhan hadana aadan si fiican udifaacan sida caawa dhacday oo kale.

"Shaki kuma jiro Man City inay qaadeyso, waxey aheyd inaan badino si aan cadaadis usii saarno illa kulanka udanbeeya balse ma eynaan sameenin, waxaan filayaa inay badinayaan labada kulan ee uhartay, hambalyo ayaan leeyahay Crystal Palace waxey sameeyeen soo noqosho dagaal ah, waxeyna nagu ciqaabeen qaladaadkeeni.

"Sanadi tagtay waxaan kudhameesanay kaalinta todobaad, halkaan waxaan ujooga inaan dagaalamo oo aan koobab qaado, waxaan dhiseynaa wax waaro, xilli ciyaareedkaan waxaa muujinay inaan sameen karno, waxaan sameen doona hormar fiican xilli ciyaareedka soo socda, waxaan rajeynayaa inaan sameeno loolan adag.





Afkashacbaka.com / Sports

Contact@afkashacabka.com