MAANSADA DHAWRSAN iyo Abwan Cabdiraxman M Cali Ubaxle

0
Saturday January 23, 2016 - 12:33:54 in by salman abdi
  • Visits: 2416
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAANSADA DHAWRSAN iyo Abwan Cabdiraxman M Cali Ubaxle

    Maansada Dhawrsan ww maanso raacaysa bad dhif ah islamarkaasna dhiirinaysa hablaheena‏

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansada Dhawrsan ww maanso raacaysa bad dhif ah islamarkaasna dhiirinaysa hablaheena‏


Maanso kasta oo uu halabuuro Cabdiraxmaan Maxamed Cali Ubaxle waxa abbaar iyo bartilmaameed u ah dan-ka-hadalka,wanaag farista iyo xumaan reebidda.Si uu u tuso bulshada dhabbada toosan iyo ilaha looga arooro samaha,waxa uu isku foodiyaa wadiiqooyinka qumman iyo kuwa qalloocan,si ay bulshadu u qiimayso isla markaana raacdo ta saxda ah.Sahaminta iyo oddoroska wax jeer danbe imanayaana,waa astaamaha lagu yaqaan suugaanyahanka gaasabaxay ee hadba hilaadiya halka bulshada uu la noolyahay ku jeeddo.Arrintanina waa mid si wayn uga dhex muuqata suugaanta Ubaxle iyo halabuurkiisa.

Haddaba,Cabdiraxmaan Ubaxle, isaga oo ka shidaal qaadanaya dhaqankiisii :toosinta, dhiirri galinta, iyo hawaale warranka,waxa uu curiyay maansada ‘Dhawrsan’ ee soo baxday 17-Janaayo,2016-ka.

Maansadu,waxa ay hoga-tusaale siinaysaa dhallinyarada maanta,gaar ahaanna hablaha.Asadoodanka fiican,habdhaqanka wanaagsan,dhawrsanaan iyo anshax sarreeya ayay ku hagaysaa hablaha.Waxa ay dareensiinaysaa waajibaadka saaran qof ahaan,qoys ahaan,qaran ahaan iyo qowmiyad ahaanba.Si mug leh oo aan la dhudhumin karin ayay u tusaysaa kaalinta ay bulshada kaga jiraan.Kaliya ma tusayso kaalintooda,balse waxa ay uga digaysaa raacidda laaca aan meelnaba gaadhsiisnayn iyo dhaldhalaalka nafta hogag qarsoon iyo haadaamo fog ka tuuraya.

Dhawrsan, waxay ku dhiirrinaysaa bulshada guud ahaan,gaar ahaanna hablaha barashada cilmiga iyo aqoonta; mid maaddi iyo mid diiniba. Waxa ay bog dooxaysaa nolosha quruxda badan iyo sida gobonnimada ku jirto ee loo baahanyahay inay u fikiraan; oo ah hab kasta oo saamayn ku yeelan kara nolosha, sida: go’aanka, kalsoonida jacaylka, dad la dhaqanka,raaligalinta, dulqaadka, samirka iyo baarrinimada waalidka.Ka sakow halqabsiga Dhawrsan iyo hogatusaalaynta hablaha,si guud oo hoos iyo sarba leh waxa ay maansadu faraysaa bulshada dardar galinta iyo barbaarinta ubadka ,ku boorrinta aqoonta , wanaagga iyo ku biirinta wixii dhiiri galin iyo waayo aragnimo ah.

Dhawrsan waxay tidhi:

Sida dhibicda roob dal dhammeeyay

Dhulkoo daadku uu mulacyeeyay

Dhoolguyeey dhirtoo midabaysay

Dhamas iyo sidii dhebi muuqday

Dhexyareey dhamays qurux sheegtay

Dhal gobeey dhabeel la ilaashay

Waxad tahay dhalaal midab goobay

Waxad tahay mid iin laga dhawray

Waxad tahay qof Eebbe dhammeeyey

Waxad tahay faceeda mid dhaaftay!

Dhibyareey habeen dhaladeeya

Dhidbaneey dhagdheer iyo sheeko

Ilmahaan yaraanta ku dheelin

Ama hooyo dheegga ku qaadin

Ama aanay heesta ku dhiirrin

Ama aanay naaska dhansiinin

Dhagdhacnaantu way han dishaaye

Anigaan dhammooy ku ammaanin

Anigaan intaada ku dhaafin

Dhab u sheeg xaqiiq la abbaaro

Runta iyo wanaag la dhagaysto

Murti iyo dhanbaal la xasuusto

Talo dhaxal gal aan la hilmaamin

Dhalsaneey haddaan ku idhaahdo:

Adigaan dhulkaaga ka roorin

Adigaan shisheeye u dhoofin

Adigaan dhis-dheer ku riyoonin

Ilbaxnimo middii dhalanteed ah

Quruxdiyo hawada dhaldhalaalka

Dhadhab iyo hungay noqotaaye

Dhallintiyo barbaarta ku taama

Dhudiyeey adaan u dhegtaagin

Wacdigiyo Quraanka dhagayso

Cilmigiyo aqoonta dhammayso

Dhankastaba kalsooni dhitayso

Ixtiraam dhammaan bulshadaada

Ubadkiyo dhallaanka ha hiifin

Dhaxdintiyo xigaalka ha goynin

Dhibirsami dadkoo dhan u muuji

Marka ay dhanaanniga gaadho

Marka ay dhawaawilan qaaddo

Marka ay dhibaato dareento

Dhagarbay haween ku xantaane

Dhirradhabto haynagu laynin

Dhuxda iyo war beena ha dhuuxin

Dhusdhus iyo wareeg ha ku raagin

Dhababacada haynagu jiidhin

Qosalkaagu yuu dhul fog gaadhin

Hadal dheerna yay kugu sheegin

Mar haddaan aroos la dhidbaynin

Mar haddaan lamaane dhismaynin

Mar haddaan xishood laga dheehan

Mar hadduu Waraabe ku dhuunto

Mar hadduu Dhurwaa ku shaqaysto

Mar hadduu dhan-xiir ku qudhaabto

Cishqigiyo jacaylku dhabmaaha

Inta aan Libaax ku dhammaysan

Inta aan lagaa dhinac yaacin

Inta aanad dhiillo xanbaaran

Qalbigiyo naftaada ha dhiibin

Hana dhibin qof kuu dhimanaaya

Hana dhihin waxaan la jeclaysan

Hana noqon dhabcaal laga yaabay

Hana dhigin waxaad duni hayso

Ha-ka-biqin inaad calaf dhaafto

Haka dhurin qof dhuuni istaadho

Hana noqon dhul-jiif la hal-haysto

Dhukaniyo qof dhoohane mooga

Ha is dhigan dhaliisha ha diidin

Noloshana dhammays haka doonin

Ummaddaada hayska dhex saarin

Asturnaantu waa dhaqankeene

Dhawrsaneey xijaabka ku dhaado

Dhiriq iyo xumaan kaga dhawrso

Dhag xumaana hawba dhawaanin

Afrataa dheh dhiirrida maanso

Dhaxal iyo war aan la hanbaynin!

Maradiyo hugaagana dhiibi

Baradaadu yay is dhex oolin

Cadar iyo udgoon isku dhiiji

Dhaashiga wajiga haka daynin

Dhildhilnaana yaan laga waayin

Dhiiqiyo sun haysku dhamooqin

Xinnihiyo cillaanka dhulkeena

Dhaymihiyo huruudda ha dhaafin

Indho kuusha dheehale hayso

Ilkahahana dhuddooda ha doorin

Silis qoorta dheer ku hannaani

Fargalkiyo dhagaha ha hilmaamin

Afrataa dheh dhiirrida maanso

Dhaxal iyo waraan la hanbaynin!

Dhuldhiciyo gunaanadka heesta

Dhawaqiyo abbaarta sirteeda

Haddii aan dhammooy ku idhaado

Inkastoo dadkeenuba dhaado

Ama dhaaxba uu ku ducaysto

Wax la dhoqo dadbaa ugu fiican

Ubax iyo dhallaan la barbaarsho

Dhedig iyo labkoo la hanuunsho

Dhaqan iyo xishood laga dheehdo

Dhiirashiyo aqoon lagu kaabo

Maanku waa miduu ku dhargaayo

Qarrankuna ku dheelitirmaayo

Dhammaad



Qalinkii Bashiir Raacdeeye