Magacyada Ay Soomaalidu U Taqaanno 12-Ka Bilood Ee Sannadka Iyo Todobadda Maalmood Ee Toddobaadka. W/Q: Xasan Burco

0
Saturday January 30, 2016 - 15:40:14 in by salman abdi
  • Visits: 2299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyada Ay Soomaalidu U Taqaanno 12-Ka Bilood Ee Sannadka Iyo Todobadda Maalmood Ee Toddobaadka. W/Q: Xasan Burco

    Waxaan door biday inaan ka qaybgalo golahaa miiggan ee caqiibada leh Weedhsan .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan door biday inaan ka qaybgalo golahaa miiggan ee caqiibada leh Weedhsan .


 

In kasta oo aanan ku baaqayn wax sidaa u sii buuran. Haddana, la arkee inta yar ee aan hayaa inay wax tarto. Waayo? Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "in nin ragihi qaban karo ayaa reer ka dhintaa”.

Waxaan halkan ku soo gudbinyaa Cutub ka 12aad ee Buugga BAACEED. Buuggan oo ku saabsan Xeerka iyo dabarka Af-ku hadalka Soomaaliga, Qalinkiisana ilaahay aniga igu sababay.

Bilaha Dayaxa Ee Soomaalidu Tirsato

Sida laga soo xigtay ilaahay haw naxariistee Muuse I. Galaal oo ka soo guuriyay tiraabtii uu ka soo ururiyay odayaal badan oo soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Caamir Ducaale. Bilaha soomaligu waxa ka kooban yihiin 12 bilood. Waxay la mid yihiin bilaha kale ee ay quruumaha kaladuwan ee dunidu leeyihiin. Waxay tirsadan dayaxa. waxaa loo tiriyaa laba hab oo kala ah 1.Yagtiisiyo 2.Tooman. Yagtiis waa bilaha 30 kudhamaad ka ah. Toomanna waa bilaha 29 kudhamaad ka ah. Sidaadarteed marka bishu ku dhamaato 29 waxaa la waayaa habeenakay noqonlahayd 30. Habeenkaa waxay dadku yidhaahdaan bishu way dibotay habsaantay

Bilaha Soomaalida Oo La Bar Bardhigay Kuwa Carabiga

Dagowaxaa ay Soomaallidu u taqaannaa bisha Muxaram oo ka kooban 30 habeen

Bil-dhurro-horewaxaa ay Soomaallidu u taqaannaa bisha Safar oo ka kooban 29 habeen

Bil-dhurro-dambewaxaa ay Soomaallidu u taqaannaa bisha Rabiic al Awal oo ka kooban 30 habeen

Rajal-horewaxaa ay Soomaallidu u taqaannaa bisha Rabiic al Thaani oo ka kooban 29 habeen

Rajal-dhexewaxaa ay Soomaallidu u taqaannaa bisha Jamaad al Awal oo ka kooban 30 habeen

Rajal-dambewaxaa ay Soomaallidu u taqaannaa bisha Jamaad al Thaani oo ka kooban 29 habeen

Sabbuuxwaxaa ay Soomaallidu u taqaannaa bisha Rajab oo ka kooban 30 habeen

Waabberiiswaxaa ay Soomaallidu u taqaannaa bisha Shacbaan oo ka Kooban 29 habeen

Soonwaxaa ay Soomaallidu u taqaannaa bisha Ramadaan oo ka kooban 30 habeen

Soon-furwaxaa ay Soomaallidu u taqaannaa bisha Shawaal oo ka kooban 29 habeen

Sidataalwaxaa ay Soomaallidu u taqaannaa bisha Dulqacda oo ka kooban 30 habeen

Arrafowaxaa ay Soomaallidu u taqaannaa Dul-xija 29 habeen

Maalmaha Soomaalida:

Maalmaha Soomaaligu waa Todoba maalmood sida maalmaha kale ee dunida laga tirsado. Waxa isu gayntooda la yidhaahdaaTodobaad. Todobaadka soomaaligu wuxuu ka bilawdaaSooroga, sooroga sida ka muuqata erey bixinteeda waxay soorogtaa oo mar labaad soo bilawdaa Todobaadkii oo hore ugu dhamaaday Hakis.Hakiswaxay hakisaa hawlaha shaqo ee soo socday todobaadka. Waxay taageersataa Hakisbilaw oo ah maalinta ka horeysa.

Koobinwaa maalinta labaad ee todobaadka waxaa koobin loo yidhi waa maalinta Tacab-tiriska koobaad. Maxaa yeelay, Hal-yeele maalin-tacab u dhamaaday ayaa laga soo dheegtay. Waxaad mooddaa in ay koobin magac bixinta la wadaagto maalmo kale oo ay tirsadaan dadku sida Axad oo carabtu tirsato oo erey ahaan la mid ah koobaad.

Maalmaha Soomaliga Oo la barbar dhigay kuwa Carabiga

Soorogawaxaa ay Soomaallidu u taqaannaa maalinta Sabtida

Koobinwaxaa ay Soomaallidu u taqaannaa maalinta Axadda

Laminwaxaa ay Soomaallidu u taqaannaa maalinta Isniinta

Lamtukewaxaa ay Soomaallidu u taqaannaa maalinta Salaasada

Koodaarwaxaa ay Soomaallidu u taqaannaa maalinta Arbacada

Hakibilawwaxaa ay Soomaallidu u taqaannaa maalinta Khamiista

Hakiswaxaa ay Soomaallidu u taqaannaa maalinta Jimcaha

Midabada Af-Ku-Hadalka Soomaaliga:

Midabbada af soomaligu yaqanna waa kuwa salka u ah midabada. Midabada wixii baar ah farac af soomaaligu ma wadayaqaanno.Maaxaayeelay ereybixintooda weli lama abuurin.Waxaa jira midabbo baar ah oo uu yaqanno af soomaaligu isagoo ka soodheegtay deegaanka. Sida midabada xidigta, ciraw-caad, xareediga, dambari, madawbacadka, dameeriga, xab-xabiga iyo dahabiga. Waxaa iyana jira midabbo marka loo magac bixinayo laga soo dhahlaaliyo midabada salka ah oo lagu daray suuradinama sifeeye lagu culaysiyay. Sida casaan dhicir ah, ashkir dhiin ah, madaw dugul ah ama madaw xiisan, cagaar ribah iyo caddan dhag ah ama caddaan badhx ah, waxa sidoo kale jira Sureeri diggoon buluug diggoon way jiraan midabbo baadan oo af soomaali loohayo balse qoraagu muuwada helin. Waxaan iyana meesha ka madhnayn midabbo laba magac iyo in ka badan leh.Waxa taa keenay deegaanka iyo duunyada oo af soomaligu ku kala duwanyahay xagga ereybixinta hadday tahay magac iyo haddaytahay erey dhaqmaadkaba. Tusaale waxa inoogu filan midabka caddaan marka uu geela joogo waxa la yidhaahdaaBoos, Xoosh iyo Qori-cad.

Dadkuna mararka qaarkood way la wadaagaan iyadoo lagu naanaysayo. Midabka caddanku markuu joogo fardaha waxa weeye Qaaje ama Qajaawecad. Madawga marka uu geela joogo waxaa loo gu yeedhaa Sugul, marka uu fardaha joogana waxaa la yidhaahdaa Caynab.

Midabada asalka ah ee Af Soomaaligu yaqaanno

Caddaaan midabka caanaha

Ashkir midabka aydinka geela

Casaan midabka dhiigga

Madow midabka Cidaadda ama tukaha

Sureeri midabka cirka

Cagaar midabka doogga

Huruud midabka sagalka

Qalinkii: Xasan Maxamuud "Xasan Burco”

Email:qarrog@hotmail.com