Jacaylka iyo Shakhsiyadda (personality) (Qaybta 1 aad) – W/Q: Axmed Cali Diiriye

0
Sunday January 31, 2016 - 08:24:21 in by Burco Office
  • Visits: 1581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jacaylka iyo Shakhsiyadda (personality) (Qaybta 1 aad) – W/Q: Axmed Cali Diiriye

    Jacaylku miyuu isla bed-bedelaa nooca shakhsiyadeed ee qofka? Jawaabtu waa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jacaylku miyuu isla bed-bedelaa nooca shakhsiyadeed ee qofka? Jawaabtu waa

Haa, oo wuxu la gad-gaddoomaa kala-duwanaanshaha shakhsiyadda iyo dabeecadda qofka. Hadba jaad-goonniga ay dabeecadda qofku tahay ayuu jacaylkiisuna u eekaadaa. Noocyada shakhsiyaduhu wey badanyihiin balse aynu qaarkood ka soo qaadanno:


1.Shakhsiyadda aamusan, xidh-xidhan ama se xishoodka badan

Shakhsiyaddani tilmaamo badan ayay leedahay balse ta ugu mihiimsani waa in ay leedahay mashaacir qabow iyo xidhxidhnaan gudeed. Ma xiisayso/xiiseeyo is dhex galka dadka iwm.

Waxa laga yaabaa in qofka tilmaamahaas oo kale leh ay qof is jeclaadeen, dabadeed ileen waa qof aamusan’e, qofkii kale waxa uu dareemayaa sidii oo aanay jeclayn waayo jacaylkiisa/jacaylkeeda kuma cabirayso hadal. Hadaba, qofkatilmaamahan oo kale leh waxa uu jacaylkiisa ku cabbiraa fal iyo mawaaqif ee kuma cabbiro hadallo iyo dabacsan jidheed. Sidaa daraadeed, waa in qofka xidhxidhan lagula xisaabtamaa uun falalkiisa (hab-dhaqankiisa wanaagsan) ee aan laga sugin in uu ku dhawaaqo hadallo dabacsan. Waa abuur rabbaani ah oo la mid ah midabada jidhkeenna oo kale ee caddaanka, madawka iyo maarriinka leh. Ha is weydiinin, "Muxuu qofkani la xidh-xidhanyahay ee aanu isku bedelayn?” waayo sida aynaan midabkeenna jidheed u bedeli Karin ayaynaan nooca shakhsiyadeed ee qofka u bedeli karin.

2.Shakhsiyadda u bandhigan bulshada

Shakhsiyaddan ay jeceshahay in ay had iyo goor dadka kale soo eegaan, diiradda saaraan, ixtiraamaan oo ay qadariyaan iyada oo kali ah. Shakhsiyaddani waxa ay jecesahahy in si joogto ah loo qadariyo, loo ammaano, loona ixtiraamo. Had iyo goor waxa ay/uu awoodda saara qurxinta jidhka iyo dhal-dhalaalinta muuqa sare.

Marka ay jacaylka noqoto, shakhsiyaddan waa la jeclaan karaa, haddii la jecladana had iyo goor waxa loogu dedaalayaa in la qadariyo, loo mahadceliyo shay kasta oo uu qabto, iyo ta ugu muhiimsan oo ah in la ammaano marka hal qodob lala falanqaynayo.

3.Shakhsiyadda kibirka badan (Isla weyn)

Waxa macquul ah in la jeclaado qof kibir badan oo isla han weyn. Sida oo kale, qofka kibirka badani waa uu jeclaan karaa qof kale, laakiin waa anaani kaligii un isku muuqda. Shakhsiyaddan oo kale haddii la jeclaado waxa habboon in marka hore uu qofka wax jeceli barto dabeecada qofkan kale, dabadeedna uu had iyo goor ku ammaano qofka kale wanaagyadiisa. Maaha in uu si joogto ah u ammaano balse xilliga uu dhibka ku jiro oo kale ayay tahay in lagu badiyo ammaantiisa iyo tusidda wanaagyadiisa si uu uga soo kabto aafada ku dhacday. Maadaama oo ay qofkan (rag iyo dumar ba) ay shakhsiyaddiisu tahay in uu naftiisa uun arko, isla weynyahay, haddii aanu lammaanihiisu la dareemin isla weynidiisaa, waxa daciifaya heerkiisa jacayl oo hoos u dhacaya.

Waxa khalad ah in aad qofkan si toos ah ugu naqdido khaladaadka uu sameeyo, balse waxa aad u naqdinaysaa hab farsamaysan. Habkaasu waxa uu yahay in aad marka hore ammaanto una sheegto wanaagyadiisa, dabadeedna aad dhaliishiisa ugu sheegto hab dhammaystiraysa raganimadiisa iyo kibraaninimadiisa.

Sida ugu habboon ee loo hanan karo qofka kale waa in la ogaado qofka kale dhaliishiisa dabadeedna dhaliishiisaa loo adeegsado in loo dhammaystiro loona buuxiyo qaybtaa ka maqan.




W/Q: Ahmed Ali Diriye

Mob. Phone: +252 63 346 44 47

Facebook: Ahmed Ali Diriye

E-mail:axmadiya@gmail.com / info@hagahaguurka.com

Website:www.hagahaguurka.com