TABABRAHA XULKA HONDURAS OO MAGACAABAY 23 CIYAARTOY EE XULKIISA UGA QAYBGALAYA KOOBKA ADDUUNKA

0
Wednesday May 07, 2014 - 10:37:22 in by Super Admin
  • Visits: 1365
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TABABRAHA XULKA HONDURAS OO MAGACAABAY 23 CIYAARTOY EE XULKIISA UGA QAYBGALAYA KOOBKA ADDUUNKA

    Waxa la joogaa waqtigii wadan kasta oo ka qayb galaya koobka adduunku uu magacaabi lahaa ciyaartoyda wadankiisa uga qayb galaysa koobka adduunka ee lagu qabandoono wadanka Brazil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa la joogaa waqtigii wadan kasta oo ka qayb galaya koobka adduunku uu magacaabi lahaa ciyaartoyda wadankiisa uga qayb galaysa koobka adduunka ee lagu qabandoono wadanka Brazil


waxaana u danbeeyay oo soo saaray liiska ciyaartoyda wadankiisi u matalidoonta koobka adduunka tababaraha xulka qaranka Honduras Luis Fernando Suarez.

Honduras oo ku taala badhtabamaha America ayaa qiimaynta adduunka kaga jirta kaalinta 32 aad. Tababrahu ciyaartoyda adduunka uu u soo xushay waxaa ka mid ah laba ciyaartoy oo ka ciyaara horyaalka ingiiriiska waxayna kala yihiin Maynor Fgueroa oo Hull City u ciyaara iyo Wilson Palacios oo u ciyaara kooxda Stoke City waxayna hore uga qayb galeen ciyaarihii koobkii adduunka ee 2010.

Tababaraha Honduras Luis Fernando Suarez oo ka hadlay xulashadiisa ayaa yiri : "waxaan markii hore soo xulanay ciyaartoy badan laakiin waxaa ka soo hadhay 23 ciyaartoy oo kaliya, qof kasta ma qancin karo, waxaan ka codsanayaa cidii aan lagu soo darin inay fahmaanā€¯.

Honduras ayaa ciyaarteeda u horaysa la ciyaaridoonta xulka qaranka Faransiiska 15 bisha June waxayna intaa ka hor ciyaaro saaxiibtinimo la ciyaaridoonan wadamada kala ah Turkey,Israel iyo England.

Liiska Ciyaartoyda ee xulka Honduras uga qayb galidoona Koobka adduunka iyo kooxaha ay ka soo jeedaan oo dhamaystiran.

Gool walayaasha : Donis Escober (Olimpia), Luis Lopez (Real Espana), Noel Valladares (Olimpia)

Difaaca : Brayan Beckeles (Olimpia), Victor Bernardez (San Jose Earthquakes), Osman Chavez (Qingdao Janoon), Maynor Figueroa (Hull City), Juan Carlos Garcia (Wigan Athletic), Emilio Izaguirre (Celtic), Juan Pablo Montes (Motagua)

Dhexda : Marvin Chavez (Colorado Rapids), Jorge Claros (Motagua), Roger Espinoza (Wigan), Oscar Garcia (Houston Dynamo), Luis Garrido (Olimpia), Mario Martinez (Real Espana), Andy Najar (Anderlecht), Wilson Palacios (Stoke), Arnold Peralta (Rangers)

Weerarka : Jerry Bengtson (New England Revolution), Carlo Costly (Real Espana), Rony Martinez (Real Sociedad), Jerry Palacios (Alajuelense)






Afkashacabka.com / Sports
Contact@afkashacabka.com