MAANSADA XURMO HOOYO IYO CURINTII ABWAANAD YAASMIIN MAXAMAD KAAHIN

0
Sunday February 07, 2016 - 15:53:23 in by salman abdi
  • Visits: 2190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAANSADA XURMO HOOYO IYO CURINTII ABWAANAD YAASMIIN MAXAMAD KAAHIN

    Maansada Xurmo Hooyo Waxaa Curisay Yaasmiin Maxamad Kaahin , waxaanay hal abuurtay oo ay maskaxdeeda ka tuujisay, 1/4/2015

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansada Xurmo Hooyo Waxaa Curisay Yaasmiin Maxamad Kaahin , waxaanay hal abuurtay oo ay maskaxdeeda ka tuujisay, 1/4/2015

waana Maanso si qoto dheer uga hadlaysa qiimaha iyo sharafta iyo karaamada ay Hooyadu leedahay. Sidoo kale sida ay hooyadu ugu dulqaadato koritaanka ubadkeeda iyo waliba naxaiista biyo kama dhibcaanka ah ee ay Hooyadu ilmaha la garab taagan tahay. Hadaba Maansada Xurmo Hooyo Waxaa ay ku bilaabmaysa sida tan.

Anoo xab ahaa caloosha,

Anoo xubin le’eg jidhkaaga,

Anoo xidid kula wadaagay,

Anoo xudduntaada quutay,

Anoo cunto kaa xammeeyey,

Anoo xiska kaa tabcaanshay,

Anoo kaarkiyo xannuunka,

Ahaa xummad shidda naftaada,

Xaraarka umushiyo dhibkeeda,

Xaddiga damaq fooli leeday,

Adaa xammiloo dulqaatay

Weliba xamdi-naqa ilaahay

Kolnaba ka xabeeban hooyo.

Adoo i xannaanshay hooyo,

Adoo i xambaaray hooyo,

Adoo i xurmeeyey hooyo,

Weliba xubbigiyo kalgacalka,

Xisaab li’i ii jeclaaday,

Adoo xilli adag maraaya,

Adaa hooyoy xurmaynta,

Xilkiyo garashada wanaagga,

Adaa xilkasnimo bilaayey,

Weliba aabbana xaq-dhawrka,

Xaqiisa adaa gudaayaay,

Adaa u xamaalay hooyo,

Xilkii marwo adaan ka leexan,

Adaan ka hambaysan xoogga.

Nasab hooyaday xariireey

Xayaatada aad ku nooshay,

Xushmad abidkaa ku joogoo,

Haddaad hooyoy xerooto,

Qabriga hoosiyo xabaasha,

Xuladka naartiyo cadaabta,

Xujada imtaxaanka Eebbe,

Ilaah kaa xoree lurkooda,

Xareed kugu soor jannada

Xabiibku wehelkaaga noqoy.




W/C Yaasmiin Maxamed Kaahin