BARCELONA IYO REAL MADRID OO KU DAGAALAMI DOONA SAXIIXA LUIS SUAREZ.

0
Sunday May 11, 2014 - 10:17:08 in by Super Admin
  • Visits: 1311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BARCELONA IYO REAL MADRID OO KU DAGAALAMI DOONA SAXIIXA LUIS SUAREZ.

    Liverpool ayaa isku diyaarineysa dagaal ah inay xagaagan ceshato Luis Suarez sida ay saaka qortay Mail on Sunday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool ayaa isku diyaarineysa dagaal ah inay xagaagan ceshato Luis Suarez sida ay saaka qortay Mail on Sunday.


Waxaa la fahamsan yahay in Real Madrid iyo sida macquulka ah Barcelona ay u dhaqaaqi doonaan weeraryahanka reer Uruguay.

 

Suarez ayaa saxiixay heshiis waqti dheer ah afar bilood ah ka hor laakiin taasi saameyn kuma yeelaneyso inuu diyaar u noqon karo in la iibsado.

 

Heshiiska cusub ee uu saxiixay Suarez ayaa uu ku qaadanayaa mushahar 200 kun ginni isbuucii ah sidoo kalena waxaa meesha laga saaray 40kii milyan ginni ee qandaraaskiisa lagu burburin karay.

 

 

 

Laakiin waxaa la fahamsan yahay in heshiiska cusub lagu soo daray sharuud ah in 100 milyan euros lagu burburin karo heshiiska uu kula jiro Liverpool.

 

Real Madrid ayaa ugu cadcad inay u dhaqaaqdo laakiin Barcelona ayaa laga yaabaa inay ku ciriiriso Inkastoo Suarez hore u sheegay in riyadiisa ay tahay inuu u ciyaaro Real


 



afkashacabka.com / Sports

 

Contact@afkashacabka.com