Sideed u Hagi Kartaa Noloshaada Qaybta | 2aad W:Q/ Eng Mahbuub Hussein Ismail (MrBurao)

0
Monday February 29, 2016 - 09:44:12 in by salman abdi
  • Visits: 999
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sideed u Hagi Kartaa Noloshaada Qaybta | 2aad W:Q/ Eng Mahbuub Hussein Ismail (MrBurao)

    Inta aan maqaalkan bilaabin Kahor waxaan jeclaan lahaa in aan inyar idiinka iftiimiyo Waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arintan Kor Ku xusan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta aan maqaalkan bilaabin Kahor waxaan jeclaan lahaa in aan inyar idiinka iftiimiyo Waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arintan Kor Ku xusan

 taas oo ay sabab u tahay, markii aan arkay in Bulsha waynta somaliyeed, Gaar ahan dhalinyaradda ama qofkasta oo jecel in uu naftiisa dhiso , ama uu hore umariyo si uu u noqdo qof maamuus leh, sidaas darted waxaan jecleestay in aad ila wadaagtaan Qormadii Labaad ee aan ka Qoray Arimaha kobcinta iyo dhisida nolol hagaagsan oo aan wax qodax ah lahayn. xxxxxxxx Qodobadiina waa Sidan:-

Decorative Lines

Qormadii tan ka horaysay waxa aynu kusoo aragnay 5-qodob oo hadii uu qofku ku dhaqmo noloshisa si fudud ugu hagi karo dhanka guulaha iyo horumarka.

Qormadeenana Maantana waxa aynu ku arki doonaa qofka ay ka dhabka tahay in uu naftiisa guulaheeda ku hagaa ma qof naftiisa dhaliila baa hadii ay wax ka khaldamaan mise waa qof bulsahda inta ku xeeran eek a agdhow dhaliila.

AkhristeMa Ogtahay in ay Jiraan Dad qaatay go’aan ah in ay faraha ka qaadaan waqtigooda iyo awoodahooda caqliyeed Maslaxad dadkale owgeed, kuwaas oo ku dhawaaqa is dhiibitaankooda, una Yeedha dadka kale si ay ula wareegaan afkaartooda.

Mase Ogtahay in dadkaasi marka ay arimuhu ku xumaadaan ay bilaabaan in ay dhaleecaynta oo dhan dusha ka saaraan ehelkooda iyo Dumarkoodaba ama ragoodaba, sidaa awgeedna waxaa hubaal ah in dadka noocaas ahi marnaba aanay maskaxdoodu kusoo dhacayn in Asalka mushkilada iyo guuldarada oo dhami tahay "Nafahooda oo ay Hagi Kari waayeen”.

Waxaan Kaa Rajaynayaa in aadan Noqon Dadka Nocaas ah :

Akhriste Hada isku Day inaad ka Jawaabtid bal Su’aalahan Kooban ee aan ku waydiin doono, Maxaa Yeelay waxay daliil u noqonaysaa Hagida Saxdaa ee Noloshaada, iyo Sidii ad u Fahmi Lahayd Naftaada sida ugu Wanaagsan.

  • Miyaad Tahy qof dadka kale ku dhaliila khaladaadkiisa, Dhankii uu naftiisa inta uu la fadhiisto waydiin lahaa dhanka uu khaladku ka yimid?

  • Miyaad Tahy qof go’aamadiisa u qaata isagoo ku base garaynaya waxa uu shakhsi ahaan rumaysan yahay, mise sida ay dadku rumaysan yihiin baad go’anka ku qadataa?

  • Miyaad tahay qof aamin san in doodu iyo muranku tahay mid bilaa faa’ido ah.

  • Miyaad tahay qof markasta ka fekera arimaha Taban, sida dhaawaca, Xanuunka, fashilka, dadka iyo khaladaadkaaga? Mise tahay qof u arka markasta cabsida inay tahay caqabadiisa koobaad inbadan intaad ka fekeri lahayd arimaha dhanka togan?

  • Miyaad tahay qof noloshiisa hadaf cayiman u sameeya, mise waxaad tahay qof maalaha u daaya meesha ay geeyaan?

  • Miyaad tahay qof u jeediya dhaleeceenta naftiisa, mise tahy qof iksu daya oo si xeel dheer uga fekera Ogaanshaha wixii ka ka naaqusan noloshiisa?

  • Miyaad tahy qof shaki ka qaba awoodaha qarsoon ee Naftiisa?

Hadaba akhristeisku day inaad su’aalahaas oo dhan uga jawaabtid si run ah adiga iyo naftaada, si aad u aqoonsatid qofka aad tahay iyo awoodahaaga qarsoon, iyo weliba dhinaca uu u socdo fikirkaagu.

Hadii aad ogaatid inay jiraan wax khaldan dhanka fikirkaaga ah, hasugin balse isku day inaad la fadhiisatid naftaada oo aad doontid xalka.

Decorative Lines

Hadaba Akhriste waxaan kula wadaagayaa Waxyaabaha ugu Muhiimsan ee kaa caawin kara Idinka Alle inaad ka faa’ideesatid Hibooyinkaaga iyo awoodahaaga, iyo aragtidaada caqliyeed :

  1. Marka hore aqoonso awoodahaaga Qofeed iyo Caqliyeedba.

  1. U tus dadka inaad badanaa ahmiyada u siinaysid dhanka bini aadam tinimada iyo shakhsiyadooda, oo anad u eegayn hantidooda iyo meqaamkooda awoodeed.

  1. Wadada ugu wanaagsan e aad qalbiyada dadka ku kasban kartaa waa adigoo dareensiiya inay qiimo agtaada ka leeyihiin, maxaa yeelay qof kastoo inaga mid ah waxa u jecel yahay in la dareensiiyo in ay jiraan dad u arkaya in uu yahay qof faaido leh oo wax laga faaidi karo.

  1. Ogsonow markasta in iska dhaga marka ama iska kabaynta aad shakhsi gooni ah iska kabaysaa ay dhalinkarto cadaawad adag.

  1. Isku day inaad noqotid qof qarin kara siraha dadka kale ee uu ogyahay.

  1. Markaad arin ku fashilantid ha eedayn dadka kale balse meel fadhiiso xisaabi naftaada oo qiimee halka u khaladku kasoo galay adoo naftaada xisaabinaya,

NB:Qormadii ugu Danbaysay Mowduucan Lasoco Weak soo Socda IA

Decorative Lines

Hadaba Akhristoow Hadii aad Tahay qof Jecel in uu Naftiisa Horemariyo am uu noqdo qof ay bulshadu wada jecelyihiin , oo noloshiisa development waxa loo yaqan ku sameeya. Isku day inaad ka faaidaysatid qormadan lana wadaag asxaabtada inta aad isku fekerka tihiin.

Gabagabadii maqaalkayga oo noqondoona mid taxanaa aanan uga hadlidoono insha alah nolosha qeebheeda kala duwan sida(Siyaasada, Waxbarashada,guurka,jacaylka,iyo sida uu qof kasta oo inaga mid ah u dhisi karo noloshiisa hadaba heerka uu karaba isagoo marnaba ka tagayn Tawakalka Ale.

وَاسْتَعِينُواْبِالصَّبْرِوَالصَّلاَةِ وَإِنَّهَا لَكَبِيرَةٌ إِلاَّ عَلَى الْخَاشِعِينَ)Waad MahadsantihiinMahbuub Hussein IsmailEmail: engmahbuub@hotmail.comEmail :engmahbuub@gmail.comTell: 063-4331708 / 065-9309754Burao SomalilandFacebook:
https://www.facebook.com/MrBura0
https://www.facebook.com/MrBurao