Man City Oo Soo Gashay Kooxaha Awooda Labaad Ee Champions League-ga Soo Socda

0
Monday May 12, 2014 - 07:27:02 in by salman abdi
  • Visits: 1550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man City Oo Soo Gashay Kooxaha Awooda Labaad Ee Champions League-ga Soo Socda

    Manchester City ayaa ka soo kacday kooxaha awooda seddexaad islamarkaana soo gashay kooxaha awooda labaad isku aadka soo socda ee Champions League, waana markii ugu horeysay ee ay soo gasho kooxda xalayto ku guuleysatay horyaalka Premier League.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester City ayaa ka soo kacday kooxaha awooda seddexaad islamarkaana soo gashay kooxaha awooda labaad isku aadka soo socda ee Champions League, waana markii ugu horeysay ee ay soo gasho kooxda xalayto ku guuleysatay horyaalka Premier League.

Iyagoo gaaray wareega 16ka sannadkan Champions League, kooxda Premier League ka dhisan ayaa dhicbo badan ka heshay nidaamka qiimeynta Uefa, taasoo keentay inay ka soo dhaqaaqaan qaanada seddexaad oo ay soo galaan qaanada labaad ee isku aadka Champions League. Dhibaatada heysata kooxaha AC Milan iyo Inter ayaa sidoo kale caawiyay sarre u kaca City ee dhanka isku aadka.

Waxaana ay arintaani yareyneysa fursada ay City ku geli karto group-ka dhisamaha iyadoo xilli ciyaareedyadii u danbeysay ku group noqday Bayern Munich. Borussia Dortmund iyo Real Madrid.

Inkastoo ay sarre u soo kaceen kooxda Manuel Pellegrini waxa ay weli ka hooseysaa kooxaha London ka dhisan ee Arsenal iyo Chelsea, kuwaasoo kasbaday dhibco ku filan oo ay ku sii joogaan kooxaha awooda koowaad ee qaanada koowaad.

Liverpool oo tartankaan ku soo laabatay markii ugu horeysay muddo afar sanno ah ayaa qiimeynta kooxaha Uefa kaga jirta kaalinta 32aad taasoo ay u badan tahay inay geli doonto kooxaha darajada seddexaad ama qaanada seddexaad ee isku aadka.


Markasta iyo wakhri kasta ciraha udanbayay kale saco shabakada afkashacabka.com