DAAWO OO WAXA KA BARO TOBANKII CIYAAROOD EE UGU FIICNA BPL XILLI CIYAAREEDKII DHAMAADAY

0
Thursday May 15, 2014 - 09:14:49 in by Super Admin
  • Visits: 1335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO OO WAXA KA BARO TOBANKII CIYAAROOD EE UGU FIICNA BPL XILLI CIYAAREEDKII DHAMAADAY

    Inkastoo kulamada aysan kala yareesan, qof walbana xasuus gooni ah uu leeyahay kulan gooni ah, hadana dadka qaar waxeyba jecel yihiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkastoo kulamada aysan kala yareesan, qof walbana xasuus gooni ah uu leeyahay kulan gooni ah, hadana dadka qaar waxeyba jecel yihiin

in wax walbo laguso daro kooxdooda, jariirada Daily Telegraph ayaa soo xulatay 10 ka kulane ugu xamaasada badnaa xilli ciyaareedkaan.

1. Crystal Palace 3 Liverpool 3 (May 5, 2014)1. Crystal Palace 3 Liverpool 3 (May 5-2014).

suarez_r_2907270k

Waa mid kamid ah kulamadi ugu yaabka badnaa taariikhda Premier League, ciyaar ay ka dhiman tahay 11 daqiiqo ayaa Crystal Palace looga hayey hogaanka 0-3, kooxda kasoo jeedo Mercyside marka lagasoo tago inay isi siisay seddexda dhibcood ee ciyaarta waxeyba kusii fikireesay inay dhaliso goolal tiro badan si ay uyareeso farqiga goolasha ee udhaxeeyo Liverpool iyo Manchester City oo kuwada tartamayey horyaalka England, seddex gool oo darandoori ah oo galay shabaqa Mignolet ayaa usoo dhameeyay rajadii Liverpool ee horyaalka.

2. Liverpool 3 Manchester City 2 (April 13, 2014).

STEVEN-GERRARD_2907272k

Kulankaan oo lagu magacaabay "Go’aamiyaha Horyaalka”, waxaa horyaalka qaaday kooxdii laga badiyey, kulankaan markii uusoo dhamaaday cid walbo oo wax gorfeeso wuxuu saadaaliyey in koobka lakeeni doono Anfield, Philippo Coutinho ayaa Liverpool udhaliyey goolka badiska daqiiqadii 78aad kadib kubad uu isku qalday kabtanka Citizens Kompany.

3. Liverpool 5 Arsenal 1 (February 8, 2014).

SKRTEL_R_2907273k

Arsenal ayaa hogaanka heysay bilowgii bishii February, halka Liverpool ay utartameesay inay afarta hore kudhameesato, ciyaarto oo 20 daqiiqo kasocotay Anfield Martin Skrtel Rahem Sterling iyo Daniel Sturridge ayaa Liverpool hogaanka ugu dhiibay natiijo 4-0 ah, cid filaneesay majirin balse ciyaartoyda macalin Brendan Rodgers ayaa isku calaameeyay kuwo utartamaayo horyaalka.

4. Everton 3 Liverpool 3 (November 23, 2013).

Lix gool, badbaadimo layaableh, kubad aan istaageen, weerar aan kala yareesan, taakalo aan naxariis laheen, kulankaan ayaa lagu sumadeeyay midkii ugu adkaaMerseyside Derby looyaqaano, Everton oo hogaanka ciyaarta laga hor qabtay ayaa udhaweed inay guul kugaarto garoonkeeda Goodison Park haddi aanay jiri laheen goolkii madaxa ee soo daahay uu dhaliyey Daniel Sturridge kaaso ciyaarta barbaro ubadalay.

5. Chelsea 6 Arsenal 0 (March 22, 2014.

chelseavarsenal_g_2907274k

Kulankii 1000 ee tababaraha reer France Arsen Wenger waxey kusoo dhaweeyeen guuldaro aad uxanuun badan oo kasoo gaartay kooxda ay isku magaalada yihiin, seddex gool oo laga dhaliyey 1ki daqiiqo ee ciyaarta ugu horeesay iyo ciyaaryahan laga ceyriyey waxey Arsenal galab musiibo ah, iyadoo kooxda ay isku magaalada yihiin rikoor udhigtay kulamada London Derby ee horyaalka walow ay 1999 horey uyagleeshay rikoorkeedii 0-5 oo ay Arsenal kaga badisay gurigeedi hore Highbury.

6. Manchester City 6 Arsenal 3 (December 14, 2013).

6_negredo_g_2907275k

Manchester City oo kulamadi kahoreeyay kulanka Arsenal ee Etihad kuxaaqday goolal tiro badan kooxaha Newcastle oo afar ay kadhalisay, afar kale oo Manchester looga dhaliyey, todobo Norwich City lagu xauusaqay, Tottenham oo lix qaadatay, waxa ay markaan soo dhaweesay kooxda hogaanka heesay oo lix kale aruursatay, Etihad ayaa ahaa bandhiga goolasha ee City xilli ciyaareedkaan.

7. Cardiff City 3 Manchester City 2 (August 25, 2013).

7_fraizer-Campbell_2907277k

Cardiff City ayaa guusheedii ugu horeesay Premier League ku saxiixatay Manchester City, kadib gool hogaanka ciyaarta looga qabtay, iyagoo 27 daqiiqo gudaheed kudhaliyey seddex gool kahor madaxii soo daahay uu Alvaro Negredo kuyareeyay farqiga goolasha, Cardiff ayaa qaadatay seddex dhibcood oo taariikhi ah.

8. Aston Villa 4 West Brom 3 (January 29, 2014).

8benteke_g_2907278k

Kulankaan waa ay wada xasuusan doonaan inta jecel kulamadaWest Midlands derby, West Brom ayaa sagaalkii daqiiqo ee ugu horeesay ciyaartaba dhalisay laba gool, iyadoo kooxda martida loo ahaa ay ugu jawaabtay seddex kahor inta aysan Baggies helin goolka barbaraha, goolashaas ayaa la iska dhaliyey qeybtii hore ee ciyaarta, iyadoo Benteke uu usaxiixay goolka guusha kadib markuu shabaqa kuhubsaday gool kulaad, sidaasna ay Aston Villa kaga badisay West Brom markeedii ugu horeesay taniyo 2010.

9. Arsenal 1 Everton 1 (December 3, 2013.

ross_b_r_2907268k

inkastoo kooxda Everton ay sugeesay goolka bareejada illaa daqiiqadii 84aad, balde kooxda macalin Roberto Martinez ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed layaablah walow ay marti ahaayeen, Toffees ayaa kubada heestay iyadoo dhowr mar laga badbaadiyey Ross Barkley kubada goolal loofilan karay.

10. Manchester City 4 Manchester United 1 (Septemper 22, 2013.

nasri_2907283k

Kulankii ugu horeeyay ee Moyes uu qabto Manchester Derby ayaa looduleeyay si uusan horey ufileen, kooxda horyaalka qaaday ayaa Man United kudishay weerarada rogaal celiska ah oo ay isla jiibinayeen Samir Nasri Yaya Toure iyo Sergio Aguero kuwaas oo shakiga kasaaray natiijada ciyaarta markii ayba socotay 50 daqiiqo, guushaan macno weyn ayey ugu fadhisay kooxda City.



Afkashacabka.com / Sports
Contact@afkashacabka.com