Muxuu Cayaaryahan Xavi ka yidhi Kulanka Atlantico madrid iyo Barcelona ee ay ku kala hantiyayaan La-Ligaha

0
Thursday May 15, 2014 - 09:18:40 in by Super Admin
  • Visits: 1338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Cayaaryahan Xavi ka yidhi Kulanka Atlantico madrid iyo Barcelona ee ay ku kala hantiyayaan La-Ligaha

    "Ma Garanayo Inay Xaaladan Oo Kale Mar Dambe Na Soo Mari Doonto."Xavi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ma Garanayo Inay Xaaladan Oo Kale Mar Dambe Na Soo Mari Doonto."Xavi


Ciyaaryahanka khadka dhexe ee naadiga Barcelona ee Xavi ayaa sheegay in kooxdiisa ay la gudboon tahay inay ka faa’iidaysato ‘Fursada Taariikhiga ah’ si ay Horyaalka La Ligaha u hantiyaan maalinta Sabtida ah.

 


Kooxda Catalanka ayaa u muuqatay mid ka quusatay horyaalka kadib markii ay barbaro 2-2 ah la galleen Getafe horaantii bishan , laakiin guuldaradii Levente iyo barbarihii Malaga ayaa ka dhigay Atletico mid bannaysa fursadii ay ku qaadi lahayd La Liga.

Ciyaaryahanada Gerardo Martino ayaa guul ay ku gaadhaan Camp Nou oo kaliya ku qaadi kara horyaalka , halka Atletico ay u baahan tahay barbardhac si ay u qaado horyaalkii ugu horeeyey tan iyo 1996 kii.

Xavi oo aaminsan in fursadoodu laalnayd  todobaad ka hor , oo hadda soo noolaatay, looga baahan yahay inay ciyaar naf hurnimo ah ku soo bandhigaan taageerayaasha Barcelona hortooda.

"Waxaanu u haysanay inaanu ka hadhay horyaalka, laakiin kubada cagta ayaa markale Fursad na siisay.” Ayuu yidhi Xavi.

"Garoonkayaga ayaanu ku ciyaari doonaa iyo taageerayaashayada hortooda, waxaanan haysanaa wax kasta oo noo suurto gallin lahaa inaanu guusha helno.”

"Fursad taariikhi ah baanu haysanaa, waxay noqon doontaa ciyaar amakaag reebta, qof kasta oo aaminsan inaanu anagu gacanta sare leenahayna, wuxuu u dabaal deggi doonaa si waali ah.”

"Waxaanu dhamaantayo u baahanahay ayaa ah guusha horyaalka. Ciyaartani waa mid khaas ah mana garanayo inay xaaladan oo kale mar dambe na soo mari doonto.”









Afkashacabka.com/ Sports

Contact@afkashacabka.com