Warqad ka socota Minyaro, Kuna socota Minwayno W/Q: Nada Yusuf Cumar

0
Wednesday March 23, 2016 - 12:14:57 in by salman abdi
  • Visits: 2353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warqad ka socota Minyaro, Kuna socota Minwayno W/Q: Nada Yusuf Cumar

    "Walaashayda Muslimadda aheey, ugu horrayn walaal waan ku salaamay, salaanta Islaamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Walaashayda Muslimadda aheey, ugu horrayn walaal waan ku salaamay, salaanta Islaamka.

Walaal waxa aan ahay walaasha, oo muslim ah, kula jinsiyad ah, kula dadnimo iyo deeganba ah.

Walaal waxa aan ahaa inan nimadaydii mid aad u neceb ragga naagaha leh, balse nasiibka Alle nin kasta oo ila sheekaystaa waxa uu ahaa nin naag leh, ilaa aan ugu danbayntii ka guursaday saygaaga oo aan anna noqday Minyaradiisii.

Walaal, waan kugu khladamay oo waan kaa hinaasiyay, waxa aan ku soo biiray nolol aad laba ku ahaydeen kolkaas ayaan saddex ku noqday, maan doran anigu sidan balse qaddarkaa sidan yidhi.

Walaal waan ogahay waad cadhaysantahay, sababta oo ah waxa aad doonaysay in aan ninkaaga laguugu iman, balse ogsoonoow walaal sida aad nin ugu baahantahay ayaan anna ugu baahanahay, nolosha aad haysato oo kale ayaan anna rabaa, walaal walaasha haddii aan ahay oo aan waliba gabadh kula mida ahay soo xaq uma lihi in aan noloshaada oo kale helo?.

Walaal dhib kuuma quudho, waayo ninkayga ayaad ooridiisa satahay, walaal waxa aan jeclahay oo aan kaa codsanayaa maadama aan dhalidoono carruurtaada walaaladood in aad isoo dhawayso oo aad ila dhaqanto sidii gabadh walaasheed u timi.

Waan ogsonahay in aan khalad kaa galay, balse walaal i cafi oo ii caddalad samee.

Ha ixaasidin hana i xaman, xummanna ha iigaysan, illayn xaqbaynnu isu leenahaye.

Alle jannada ha inna geeyo wanaaggeenuna dunida ha saameeyo."



Lasoco jawaabta. Minwaynada.



W/Q: 
Nada Yuusuf Omar

Hargeysa Soamaliland