Badhasaabka Gobolka Sanaag Prof:Axmed Muxumad Geele Dacar Oo Reer Sanaag U Noqday Raad Qabow Waddo Dhisid, Lacag Badal, Unkid Saxiibo Cusub Iyo Siyaasad Furfuran"

0
Saturday February 15, 2014 - 09:40:06 in by Super Admin
  • Visits: 1190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badhasaabka Gobolka Sanaag Prof:Axmed Muxumad Geele Dacar Oo Reer Sanaag U Noqday Raad Qabow Waddo Dhisid, Lacag Badal, Unkid Saxiibo Cusub Iyo Siyaasad Furfuran"

    Badhasaabka Gobolka Sanaag Prof:Axmed Muxumad Geele Dacar Oo Reer Sanaag U Noqday Raad Qabow Waddo Dhisid, Lacag Badal, Unkid Saxiibo Cusub Iyo Siyaasad Furfuran"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badhasaabka Gobolka Sanaag Prof:Axmed Muxumad Geele Dacar Oo Reer Sanaag U Noqday Raad Qabow Waddo Dhisid, Lacag Badal, Unkid Saxiibo Cusub Iyo Siyaasad Furfuran"

*Ceerigaabo- Badhasaabka Gobolka Sanaag Prof Axmed Muxumad Geele Dacar
, Raad Qabow iyo Siyaasad Furfuran.**"Sanad Kaliya oo ku suntan: Waddo
Dhisid, Lacag Badal, Unkid Saxiibo Cusub"*

*Waxaa laga joogaa mudo sanad ku siman kadib markii madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud SIlanyo uu isku
badal ku sameeyey Badhasaabada gobolada dalka, halka badhasaab walba loo
badalay dhul iyo deegaan aad uuga ood fog deegaankii uu markii hore ku
noolaa, taasi waxay wax badan ka qabatay hanaanka dawlad wanaaga iyo is
dhex galka bulshooyinka kala duwan, waxay dawaysay qalbiga dhibanaha gar
doonka ah ee awal calool yow badan ka sii qabay in gartiisa uu uula tago
masuul ay isku ood yihiin ka uu ka dacwoonayo, waxay kor u qaaday maamulka
iyo kala dambaynta gobol kasta*

*Hadaba aniga oo ka soo jeedaa Caasimada gobolka Sanaag ee Ceerigaabo,
waxaan qalinka u qaatay in aan dhawr kalmadood ku cabiro badhasaabka cusub
ee loo soo igmaday gobolkayaga Sanaag,*

*Waxaa hubaal ah in kursiga iyo masuuliyadu tahay wax sammada laga soo
magacaabo ee ayna dadku awood u lahayn in ay is sharfi karaan ama is dulayn
karaan, waxaa sidoo kale aan la il duufi Karin in dadka iyo xilka loo
dhiibeeyo ama ay noqoto mid raad qabow la kowsata ama mid dab dabada loo
sudho.*
*Sida aad ka warqabtaan markii badhasaabkan cusub Mudane Axmed Muxumed
Geele Dacar , soo degay gobolkayaga Sanaag, wuxuu cilmi baadhis iyo u kuur
gal ku sameeyey baahiyaha uugu waawayn ee ragaadiyey gobolka uugu wayn
dalka Somaliland waxaana cilmi baadhistaas ka soo baxday 3 qodob:*
*1- Waddo La'aan*
*2- Lacago badan oo is dhex guuraya oo sababa degaanaasho la'aan
dhaqaale*
*3- Siyaasad xidhxidhan oo gobolka uun ku eeg, isla markaana aan
xidhiidh la lahayn dawlada dhexe*
*Bal akhirste ile eeg sadexdaas qodob maaanta halka ay marayaan ,*
*Waddo La'aan*
*Waxaa marag ma doon ah waddo la'aanta haysata gobolka sanaag ee ka dhigtay
go'doon cido iyo ciirsi la', hadaba masuulkan gobolka madaxweynaha looga
dhigay wuxuu geed dheer iyo mid gaaban-ba uu u fuulay in uu masuuliyiinta
dawlada dhexe ku qanciyo in la joogo xiligii loo guntan lahaa hirgalinta
jidkan dheer ee horayna uugu jiray balan qaadkii xukuumada maanta talada
haysa balse u baahnayd xasuusin iyo xusul duub, Alle ayaa qalinka iyo
qoraalka hayee waad aragtaan rajada quruxda badan ee maanta ka soo ifbaxsan
jidkaas iyo sida dalkii oo dhan uugu heelan yahay dawlad iyo shacaba
hirgalinta jidkaas, Allaylehe libin qoraal u baahan iga dhe*
*Lacago badan oo is dhex guuraya oo sababa degaanaasho la'aan dhaqaale*
*Sida intiina cilmiga dhaqaalaha iyo siyaasada wax ka taqaana aad ka war
qabtaan, gobol ama qaran dhaqaalihiisu lugaha ku istaagi karo ma jiro ilaa
la helo lacag sugan "Stable Currency" hadaba gobolka Sanaag waxaad la
socotaan in ay ka socon jireen lacago badan oo kala duwan oo ay kamid tahay
lacagtii hore ee Somalia ee GIIMBAARTu, taasi oo sababtay in gobolku jid
la'aan uun maahee dhaqaale la'aana la ragaado, calool adayg waa Alle
wehelkiiye Masuul Axmed Muxumed Geelle wuxuu ku go'aan iyo calool adaygay
in la gaadhay xiligii laga furi lahaa dabarka lacag xumada ee Gobolka
haysata, in badan waxaa laga dardaar weriyey in ayna suuro gal ahayn, balse
Fadliga Illahay wuu suuro galiyey oo maanta gobolka waxaa si dhamaystiran
dhaqdhaaqa ganacsi ku dhacaa lacagta Shilin Somaliland-ka, Allaylehe Guul
Garaabid u b aahan iga dhe*
* Siyaasad xidhxidhan oo gobolka uun ku eeg, isla markaana aan xidhiidh la
lahayn dawlada dhexe*
*Hadimooyinka dib u dhaca iyo dabarka ku ahaa Gobolka quruxda u saxiibka ee
Sanaag waxaa kale oo kamid ahaa, xidhxidhnaan dhinaca xidhiidhka siyaasada
ah, oo kaliya waddo la'aan uun maahee war la'aan a way jirtay oo cid warka
Gobolka Sanaag maqli jirtayba way yarayd cid timaadana haba sheegin.*
*Gudoomiye Axmed Muxumed Geele , isagoo kaashanaya khibradiisii sanadaha
badan soo jirtay iyo saxiibadii uu ku dhex yeeshay Siyaasada dalku waxay
dhaxal siisay gobolka in uu u unkay xidhiidh saxiibtinimo iyo tohooyasho oo
dhex mara dawlada hoose ee Sanaag iyo guud ahaanba dawladaha hoose ee dalka
iyo dawlada dhexe ee Somaliland*
*Sidii loo magacaabay Gudoomiye Dacar, waxaa gobolka raad joogto ah ku soo
gaadha Wasiirada, Xildhibaanada iyo masuuliyiinta sarsare ee dawlada iyagoo
dhamaan ka marag kaca in ay tahay markii uugu horaysay ee ay soo gaadhaan
gobolka Sanaag*
*xidhiidhadaas uu unkay waxaa uugu dambeeyey shirkii uugu dambeeyey ee ay
ku kulmeen in ka badan toban Mayor oo ka soo jeeda dhamaan degmooyinka uugu
waawayn dalku*
*Hadaba akhirste marka aad eegto sanad kahor halka gobolka Sanaag taagnaa
iyo halka uu taagan yahay, maxaad ku sifayn lahayd Masuulka Alle noo dooray
qalinkana uu noogu qoray Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Silanyo?*
*Hadii aan libinta la iska xaasidayn, anigu waxaan ku tilmaami lahaa
Shimbir loo soo diray in uu gobolka Somaliland uugu wayn ku soo xidho dalka
intiisa kale, isla markaana wuxuu ku sifoobayaa Mideeyaha Somaliland Cusub.*
*isku soo wada duubo magacaabida Gudoomiye Axmed Muxumed Geele , waxay u
noqotay Gobolka Sanaag Raad Qabow, Rajo dib u curatay, iyo Siyaasad
Furfuran, Allaha Xafido oo Ilaasho.*


*Jaamac Xasan Bariisle*
*Ceerigaabo-Somaliland*