Ka Dhig Hankaaga Mid Sareeya Si Aad Meel Sare Ugaadho W/Q: A/nasir A/rahman hassan (naaleeye)

0
Friday April 15, 2016 - 10:36:03 in by salman abdi
  • Visits: 1200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ka Dhig Hankaaga Mid Sareeya Si Aad Meel Sare Ugaadho W/Q: A/nasir A/rahman hassan (naaleeye)

    Waxaynu qormadan ku eegidoonaa sida aynu nafta ugu dhiiri galin lahayn in ay han sare yeelato iyo sababaha lagu koriyo hanka sare.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaynu qormadan ku eegidoonaa sida aynu nafta ugu dhiiri galin lahayn in ay han sare yeelato iyo sababaha lagu koriyo hanka sare.

Noloshu waxa ay isu kaa tusinaysaa sida aad adigu doonayso inay kuugu muuqato ee isu kaa tusi mayso sida ay iyadu doonayso in ay kuugu muuqato

Qofkii ku tala gala inuu hankiisa kor u qaado ha ogaado in dariiqa loo marayaa inaanuu ubax iyo roog casi ku goglanayn, ee uu yahay dariiq ay ka sokayso daal, rafaad iyo hurdo yari iyo waliba nafta oo laga ilaaliyo waxa ay jeceshahay.

Haddaba akhriste waxaynu wada eegaynaa qodobo dhawra oo kuu sahlaya inaad kobciso hankaaga korna u qaado oo aad higsato meel sare waayo "alle waxa uu jecelyahay waxa sareeya”

 

1:- dadaal aan kala go lahayn waayo dadaal la’aan waxba kuuma hirgalayaan yoolna kuuma xaqiiqoobaayo.

2:-rabbi baryadiisa iyo inaad alle waydiisato inuu himmadada kor u qaado yoolkaagna uu ku gaadhsiiyo

3:-waa inaad qirsan tahay in hankaagu hooseeyo, waayo taas waxa ay kuu sahlaysaa inaad dawayso meelaha aad dareemayso inaad ku liidato. Laakiin waxa aduunka ugu xun qof hankiisuna hooseeyo isla markaana aan qirsanayn ama aan ogayn in hankiisu hooseeyo.

4:-inaad akhrido taariikhda iyo sheekooyinka dadkii kaa horeeyay ee aduunka iyo aakhiraba meel sare gaadhay, dhuux sheekooyinkooda, hakuu noqdeen meel aad ka dab qaadato.

5:-la saaxiib dadka hankoodu sareeyo, ka dheerow inaad la saxiibto dadka hanka hooseeya . waayo saaxiibku saameyn ayuu kugu yeelan karaa, ee ka fiirso saaxiibka aad yeelanayso.

6:-iska ilaali caajiska iyo wahsiga faraha badan. Waayo waa laba shay oo aad u xun waxaana ka ducaystay nabigeenii Mohamed (SCW)

7:Saddexna qudhaan jada kaga dayo

Joogtaynta shaqada

Ku cel-celinta iyo isku dayga

Sixida khaladaadka

Haddaba akhriste han sare waxa uu la mid yahay himma saraysa. Han hooseeyaana wuxuu la mid yahay himmad hoosaysa, himmaduna waxa ay la mid tahay, shayga qofku ku hammiyo ee uu niyaysto oo uu ku fikiro kadib uu sameeyo kana sal gaadho.

 

Wixii aan saxay illahay ayaa mahadeeda leh wixii aan khaldeyna shaydaan baa leh.



Wa Billaahi Tawfiiq



Diyaariye : A/nasir A/rahman hassan (naaleeye)

tell: 4810560

facebook: ibnu naaleeye

email:naaleeyeyare@gmail.com