Jara qabad "maanso" uu curiyey Abwaan maxamed c/raxmaan ibraahim" dhagcad"

0
Saturday February 15, 2014 - 11:41:15 in by Super Admin
  • Visits: 1773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Jara qabad "maanso" uu curiyey Abwaan maxamed c/raxmaan ibraahim" dhagcad"

    Jara qabad "maanso" uu curiyey Abwaan maxamed c/raxmaan ibraahim" dhagcad"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

File Attachment
Size: 60 KB
Jara qabad "maanso" uu curiyey Abwaan maxamed c/raxmaan ibraahim" dhagcad"

Sabti, 15-02-2014

Jara qabad "maanso”

Naftu waa awoodda aan la arkayn ee keenta in nooluhu noolaado,dhalisana inuu ka fekero go’aamada uu raacayo noolashiisa iyo sida u eekaanayo " shiikh,siyaasi,suldaan,fanaan ,abwaan I wm”dhici kartana in la isku darsan karo si naadira,ama si kaleba hadaynu u dhigno waa tamarta uu jidhku ku shaqaynayo ee soo diraysa dabeecadaha noolaha kasoo fulla oo dhan.

Hadaba ereyga " jaraqabad” asal ahaan waxaa loo isticmaala faraska fuulimaadka la baray ee carbiska ah,garaadka uu alle ina siiyey "swt” labo miduun buu ula falgalaa nafta

Ku jaraqabad,fuulis,maamulid iyo hogaanka inuu u qabto,ama lidkeeda inay iyadu ku samayso, natiijaduna waa inay si dhaba ugu aydo ama ku aafowdo…

 

Noolashiyo jiritaanka guud

Wuxuu soo joogay aadmigu

Haday jarribnaanto naftu

Amay jirranaato ruuxdu

Waxaa jawaafsama habdhaqanka

Waxaa jaqaafsha damiirka

Waxaa loo joogay waayaha

Wadcigoo lasoo jarribay

Labo jabbaa u abtiirsiimo ah

Wax loo jarayooy adkayso

Ama waxay jamatooy ku aado

Jitaabo sadexaadna maba taal

Talo la dhex joojo labadaas!!!

***** **** ***********

Garaadka jahligu daboolaa

Jarbuu kugu maguugaaye

Bal ufiirso jaantuskaaga

Xubnaha gudahaaga jooga

Waa kala jaadad,hadana jaango’an

Wada jiroo, kala jufi unugga ………….. "xubno samayskooda iyo shaqadoodu kala jaada hadana si guud

Wanaagu haduu wada jibaaxo u wada sahqaynaya”

Jirraduna way wada abaartaa

Faryartu hadday jugoowdo

Dhafoorkaa jibaada kolkaaba

Ileena dhusunkaa isku jiinee!!!! ………………. Jiin "gene” hidoo qaadaha noolaha” hal zaygoot weeye..

**** ******* **********

Hawadaynu jiiidnee gudhaynin

Biyaha haraadka inaga jaraaya

Irsiqaa inoo jarranee liqayno

Ajashaa jus qeexanee sar go’an

Oohow ma fiicna jikaarkuye

Jasaa’gay lahayd ma fulinay!!! ……….”abaalgudgeedii aynu is waydiino”

***** ******* *********

Intaa jaandheerta ku maqan

Jaas iyo ciyaar ku foogan

Intaa jaadku qanaaco u yahay

Intaa jeebku ka noqday qiimaynta

Intaa tuurtay jalbiibkiii

Jaansaarka galbeedku saaqay

Amaanooyinka intaa jidhdayacday

Ee jilaysa filim sarcaadka

Intaa inta wax loo joomitiriyey

Loogu dhuftay jibbaarka beenta

Laga jaanguurshay dhaqankii

Jid caddaa waxay ka goosteen

Kuwo janbigaa horo u qaaday

Iimaankii jidhiidhicada lahaayo

Aaway jixin jixii dareenku

Miyaynaan janno doon ahayn!!!!

****** ******* ********

Jaah baa garbaduuban beena

Jaajaalenimo laysku xoogayaa

Marinkay isku jiidhaysaaa

Jawigeedu waa afmiishaar

Siyaasadan jaan jaamay damacu

Jariimadda kuba ah noolushu

Dadkaygu iyagoon jilcinba

Hadday jiibtu isu yeedho

Wuxuunbaa madow igaga jiraa

Jeer ay kobci garasho!!!!!

***** ***** *********

Kolkay jiidheen darkii

Jidhaantiyo baadku yiil

Jadiinkiyo gunnadu tiil

Jumladda noolashu tuurnayd

Ayay jaan iyo cidhib le’deen**

Daymood bal waxa kusoo jabay

Digniin ay u ahaysay jaafi

Oy jidh diidanayd gudashadeeda

Dawga cad haduu u juuqaba

Duufaanay kuba jabsheen

Qofkii kuu jideeya xaqana

Intaad asal raac ku jeexdo

Inataad ku jariixdo maangaab

Naanays ku jaguug miyaa!!!!

Bal iskaa iskuba jawaaboo

Gaalkii xisdigu jiifay

Juskeebaad kaga duwan tahay

Meeyey jidhkii iimaanku

Aaway jabaqdii dadnimadu

Miyaynaan janno doon ahayn!!!!

******* ****** *********

Hadba midkaad la jaarto

Jaalleha dhow,ka dhigato

Ayaa jaangooya dabcigee

Jeeniwareer qof kugu rida

Oo jaldi,muuqa qudhiya ah

Jalla’a waa inaad ka ahaataa!!!

****** ****** ********

Juujuubkaa u abdo ahee

Haday naftu jeel kafakato

Ibliisna hor jooge uga yahay

U jibbaysan tahay hawadeeda

Jamaalkiyo dhaldhalaalka og

Jaran jaruunbay inalakala kortaa

Jaakadeedu naar tahay

Jaliilku haynaga najeeyee

Waa tubtii jahanmee ogow!!!

****** ****** ********

Qofba waxa u jillan tiisa

Fikirna wuu jiho tusmeeyaa

Juhdibaa wax ka dhiga taada

Naftuna waxay ku toostaa jeedal

Waxay kuu taamtaa jaara qabad

Intaad ugu jilib dhigto cilmiyan

Ku jeelbixi qur’aanka kariimka ah

Kolkaasaad jaqi nimcadee!!!!!!!

 

w/q: maxamed c/raxmaan ibraahim” dhagcad”

mdhagcad06@hotmail.com