WARBIXIN: Jariirada The Telegragh Oo Soo Saartay Shaxda Kooxda Xili Ciyaareedkan Ugu Xumayd Iyada Oo Xogta Dhabta Ah Lagu Salaynayo,Yaase Ku Jira?
Leaque-ga, laakiin markana waxaanu idiin soo gudbinaynaa shaxda xili ciyaareedkan ugu liidatay oo ay soo saartay jariirada The Telegragh waxaana shaxdan lagu soo doortay xogtii laga ururiyay ciyaartoydii xili ciyaareedkan ugu qaab ciyaareedka liitay.
Waxaa shaxdan ku jira xidigo loo hanwaynaa bilawgii xili ciyaareedkan isla markaana la filayay in ay door wayn ku yeelan doonaan xili ciyaareedkan dhamaadka ah. Waxa ugu magacwayn ciyaartoyda kooxda xili ciyaareedka ugu liidatay ee ay The Telegragh soo saartay Eden Hazard oo waqtigan oo kale xili ciyaareedkii hore ahaa xidigii Premier Leaque-ga ugu fiicnaa, waxaana sidoo kale ku jira goolhayaha Liverpool ee Simon Mignolet oo Liverpool sabab ugu noqday in ay dhibco badan lumiyaan.
Hadaaba shaxda oo dhamaystiran halkan kaga bogo:
Simon Mignolet-Liverpool
Goolhaye Mignolet ayaa xili ciyaareedkan noqday goolhayaha labaad ee ugu liita oo boqolkiiba 60% kaliya badbadaiyay bartilmaameedyadii goolkiisa lagu sameeyay. Waxa uu sabab u ahaa in Liverpool ay wayday lix dhibcood waana kulamadii Norwich City, West Brom iyo Sunderland. Haddii uu Mignolet kulamadas shaqadiisa si fiican u qabsan lahaa hadda Reds hal dhibic ayay ka hoosayn lahayd kaalinta afraad iyada oo waliba uu hal kulan u hadhsan yahay.
Alan Hutton-Aston Villa
Marka horeba xili ciyaareedkani waxa uu ahaa mid musiibo wayn ku ahaa kooxda heerka labaad u laabtay ee Aston Villa, laakiin Alan Hutton ayaa shaxda Aston Villa ku soo bilawday 25 kulan, laakiin yaabka jira 25 ka kulan ee uu shaxda kooxdiisa ku soo bilawday hal kulan kamay guulaysan. La’aantii Aston Villa waxay gaadhay saddex guulood kadib markii uu sagaal kulan maqnaa, waxa uu sidoo kale Hutton isla dhaliyay laba gool!.Micah Richards-Aston Villa
Waxaa bilawgii xili ciyaareedka laga filayay in uu khibrad wayn ku soo kordhin doono difaaca Aston Villa, laakiin kooxda liidatay ee uu kabtanka u ahaa ayaa laga dhaliyay 48 gool kadib markii uu saftay 22 kulan, waxayna la micno tahay in kulankiiba laga dhaliyay 2.2 gool halka kulamadii aanu ciyaarin Aston Villa laga dhaliyay 1.4 gool kulankiiba.
SebastianCoates- Sunderland/Sporting
Coates ayaa 16 kulan xili ciyaareedkan ka saftay Premier Leaque-ga laakiin markii uu Sam Allardyce la wareegay Sunderland ayuu ku biiray kooxda Sporting wuxuuna Coates qayb ka ahaa difaaca Sunderland oo si sahlan goolasha looga dhalinayay qaybtii hore ee xili ciyaareedkan.
James McClean-West Brom
McClean ayaa soo qaatay xili ciyaareed ay tahay in uu gabi ahaanba iska ilaawo, waxa uu sameeyay 182 karoos laakiin 141 ka mid ah ayaa guuldaraystay iyada oo waliba kooxda Tony Pulis ee West Brom ay karoosyadu u yihiin wax aad muhiim u ah.McClean ayaa sameeyay laba gool caawineed oo kaliya.
Jonjo Shelvey-Newcastle United
Waxa uu qaybtii hore ee xili ciyaareedka ka tirsanaa kooxda Swansea City laakiin Newcastle United ayaa 12 milyanoo gini kula soo wareegtay, laakiin lacagtaas ayaa hadda u muuqatay mid lagu khasaaray. Waxa uu hal gool ku dhaliyay 56 darbooyin oo xili ciyaareedkan sameeyay, laakiin Newcastle ayaa horumar samaysay intii shaxda kooxda laga saaray.
Gareth Barry-Everton
Gareth Barry ayaa sanado badan soo ahaa mid ka mid ah xidiga ugu fiicnaa ee qaab ciyaareedkooda joogtayn jiray, laakiin xili ciyaareedkan waxa uu noqday mid hoos udhacay.Gareth Barry ayaan xili ciyaareedkan difaaca Everton siin ilaalintii looga baahnaa wuxuuna sabab u noqday qaladaad keenay in kooxaha ka soo horjeedaa ah fursado helaan in ka badan ciyaartoy kasta.
Jack Grealish-Aston Villa
Bilawgii xili ciyaareedka waxa uu ahaa ciyaartoy lagu xisaabtami karayay isaga oo bishii September gool dhaliyay laakiin waxa uu mar danbe awoodi waayay in uu shabaqa gaadho. Kulan kasta oo uu u saftay kooxdiisa Aston Villa ayaa guuldaraystay.
Eden Hazard-Chelsea
Waxa kaliya ee ku soo dhaw layaabka xili ciyaareedkan ee Leicester City ayaa ah layaabka hoos udhaca qaab ciyaareedkii Eden Hazard. Xidigii sanadkii hore ugu fiicnaa Premier Leaque-ga isla markaana Blues ka caawiyay in ay koobka horyaalka ku guulaysato ayaa xili ciyaareedkan gabi ahaanba muuqbeelay.
Ma rumaysan kartin in xidigii xili ciyaareedkii hore ugu fiicnaa premier Leaque-gu aanu xili ciyaareedkan wax gool ah ka dhalin horyaalka Ingiriiska kadib markii uu saftay 26 kulan oo Premier Leaque-ga ah. Hazard ayaa kaliya sameeyay 3 gool caawineed, waxaana marar badan la sheegayay in uu doonaho sidii uu Stamfrod Bridge uga bixi lahaa, ma qalbigiisa ayaa meel kale ku jeedsaday oo Blues ayuu ka tagayaa? taas laguba sababayn karo qaab ciyaareedkiisa, waana mid ka mid ah layaabka xili ciyaareedkan.
Emmanuel Adebayor-Crystal Palace
Kooxda Crystal Palace ayaa bishii January kooxdeeda ku soo dartay xidgiii hore ee kooxaha Arsenal, Man City iyo Tottenham ee Adebayor, wuxuuna todobaadkii ka qaataa 100,000 kun oo gini laakiin kaliya waxa uu ilaa hadda dhaliyay hal gool isaga oo aan waliba door ku lahayn hal kulan oo kaliya oo ay Crystal Palace guulaysatay sanadkan 2016.
Cameron Jerome-Norwich City
In kooxda Norwich ay hadda ka dagaalanto kaalmaha looga hadho Premier Leaque-ga waxaa sabab u ah gool yaraanta kooxdan, waxaana sabab wayn ku leh Jerome kaas oo haddana abuuray fursadaha ugu badan. Kaliya saddex gool ayuu ilaa hadda dhaliyay.
WARBIXIN: Jariirada The Telegragh Oo Soo Saartay Shaxda Kooxda Xili Ciyaareedkan Ugu Xumayd Iyada Oo Xogta Dhabta Ah Lagu Salaynayo,Yaase Ku Jira?
Waxaa la soo gaadhay waqtigii lays qiimayn lahaa isla markaana uu ciyaartoy kastaaba ku biiri lahaa shaxda uu u qalmo marka laga hadlayo qaab ciyaareedkiisii xili ciyaareedkan dhamaadka ah. Waxaanu shalay idiin soo gudbinay shaxda rasmiga ah ee kooxd