Sideed u Hagi Kartaa Noloshaada Qaybta | 3aad W:Q/ Eng Mahbuub Hussein Ismail (MrBurao)

0
Sunday April 24, 2016 - 09:08:35 in by salman abdi
  • Visits: 1102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sideed u Hagi Kartaa Noloshaada Qaybta | 3aad W:Q/ Eng Mahbuub Hussein Ismail (MrBurao)

    Waan idin Salaamay Dahamaantiinba Akhristow Meelkasta aad joogtaanba. Inta aan maqaalkan bilaabin Kahor waxaan jeclaan lahaa in aan inyar idiinka iftiimiyo Waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arintan Kor Ku xusan taas oo ay sabab u tahay, markii aan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waan idin Salaamay Dahamaantiinba Akhristow Meelkasta aad joogtaanba. Inta aan maqaalkan bilaabin Kahor waxaan jeclaan lahaa in aan inyar idiinka iftiimiyo Waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arintan Kor Ku xusan taas oo ay sabab u tahay, markii aan arkay in Bulsha waynta somaliyeed, Gaar ahan dhalinyaradda ama qofkasta oo jecel in uu naftiisa dhiso , ama uu hore umariyo si uu u noqdo qof maamuus leh, sidaas darted waxaan jecleestay in aad ila wadaagtaan Qormadii Labaad ee aan ka Qoray Arimaha kobcinta iyo dhisida nolol hagaagsan oo aan wax qodax ah lahayn.Qodobadiina Wa sidan:

Assalamu Alaikum

23/04/2016

 


Decorative Lines

 

Qormadii Ugu Horeeysay Mawduucan waxa aynu kusoo aragnay 5-qodob oo hadii uu qofku ku dhaqmo noloshisa si fudud ugu hagi karo dhanka guulaha iyo horumarka.

 

 

 

Qormadeenanii 2-aadna  waxa aynu ku aragnay qofka ay ka dhabka tahay in uu naftiisa guulaheeda ku hagaa ma qof naftiisa dhaliila baa hadii ay wax ka khaldamaan mise waa qof bulsahda inta ku xeeran eek a agdhow dhaliila.

 

 

 

 

Qormadeenan hadana waxa aynu kaga hadli doonaa "Sida aad uga faa’idaysan kartid awoodahaaga kugu qarsoon” Si aad iskugu xamaasad galiso oo aad uga midho dhaliso fulinta Qorshayaashii aad nolosha ka yeelatay.

 

 

 

Hada waxaad maraysaa akhristoow marxaladii ugu muhiimsaneed, oo ah inaad doonaysid inaad ku joogtid qorshahaagii.

 

 

 

Hadaba maxay tahay wax yaabaha kugu xamaasad gelinaya inaad ku guleysato qorshayaashii aad nolosha ka dhigatay, ila akhrista bal qodoban :

 

 

 

  1. Xasuusnow in cimrigaagu uu gaaban yahay si kasta uu u dheeraado, sidaa darted marka ay kaa dhamaato dejinta qorshayaashaada isku day inaad isla markiiba raacisid fulinteeda oo anad waqti kale dib ugu dhigin.
  2. Isku day inaad ogaatid qiimaha uu leeyahay waqtigu hana isku dayin inaad ku dayacdo waqtigaaga meelaha maalaayacniga ah ee dib u dhaca qorshahaaga ku keena.
  3. Isku day inaad maktabada yare e maskaxdaada ku jirata aad nadiifiso adoo ka saaraya wax kasta oo qorshahaaga ka horimankara oo guuldaro ku horseedi kara.
  4. Inaad dareentid inaad guulaysanayso, oo aad qorashayaashada fulinkartid waa shayga ugu muhiimsan ee aad naftaada ku xafidi karto.
  5. Haka istaagin hadaf ama qorshe aad gaadhay oo ku guuleysatay, laakiin hamigaaga kay eel mid ka sii sareeya kaasi, kuna kalsoonaow awoodaha qarsoon ee uu eebe SWT ku siiyey inaad gaadhi karto hami kasta oo aad leedahay rumayntiisa noloshana ad farxad ku qaadan karto.
  6. Ku dadaal shaqadaada markasta, hana ka joogsan in aad wax baratid oo aad aqoontaada korisid inta ad nooshahay, maxaa yeelay maclumaadka aad helaysid baa ku noqonaya furaha guushaada

 

 

 

Hadii aad awoodid inaad wax ka baratid cilmiga Maamulka iyo maaraynta waxaa fiican inaad baratid si uu kaga caawiyo qaabkii aad u fulinlahayd qorsahyaashaada uguna guulaysan lahayd.


Hadii aan Wadadaada ku aragtid waxyaabo ku carqaladaynaya ha eeg eegin ee isku day inaad iska leexisid weliba adigoo tirtiraya.

 

 

 

Caafimaadka jidhkaaga isku day inaad ku dadaashid adigoo Exercise badan samaynaya, sidoo kalena ku dadaal caafimaadkaaga nafsiyadeed.

 

 

 

Hadii aad marka ugu horaysa ku guulaysato hadafkaaga isku day inaadan quusan, ogowna in hadafka ugu dhibka badan ee qofku marka uu caruurta yahayahy in uu hadlo, bartana sida loosocdo si uu ugu guulaysto hamigiisa nololeed.

 

 

 

 

Gabagabadii ogsoonow isku dayada badani in ay qofka ka dhigaan mid gaadha guulihiisa ugu danbeyntii Idinka Alle SWT.

 

 

Halkaa waxaa inoogu dhamaaday Mawduucii aynu kaga hadlaynay Sida uu qofku u hagu karo noloshiisa.

 

 

 

Insh alalah Usbuuca Soo scoda Mawduuc cusub baynu bilaabi Doonaa.

 

 

 

 

 

Decorative Lines

 

 

 

 

 

Hadaba Akhristoow Hadii aad Tahay qof Jecel in uu Naftiisa Horemariyo am uu noqdo qof ay bulshadu wada jecelyihiin , oo noloshiisa development waxa loo yaqan ku sameeya. Isku day inaad ka faaidaysatid qormadan lana wadaag asxaabtada inta aad isku fekerka tihiin.

 

Gabagabadii maqaalkayga oo noqondoona mid taxanaa aanan uga hadlidoono insha alah nolosha qeebheeda kala duwan sida(Siyaasada, Waxbarashada,guurka,jacaylka,iyo sida uu qof kasta oo inaga mid ah u dhisi karo noloshiisa hadaba heerka uu karaba isagoo marnaba ka tagayn Tawakalka Ale.

  

وَاسْتَعِينُواْ بِالصَّبْرِ وَالصَّلاَةِ وَإِنَّهَا لَكَبِيرَةٌ إِلاَّ عَلَى الْخَاشِعِينَ )

 





 

Waad Mahadsantihiin

 

 

Mahbuub Hussein Ismail

 

 

Email: engmahbuub@hotmail.com  

 

 

Email : engmahbuub@gmail.com

 

 

Tell: 063-4331708 / 065-9309754        

 

     

Burao Somaliland

 

 

Facebook: https://www.facebook.com/MrBurao