WARBIXIN: Tobanka Goolhaye Ee Xili Ciyaareedkan Yurub Ugu Fiican Oo La Shaaciyay,Yaase Ka Maqan?

0
Tuesday April 26, 2016 - 08:08:08 in by Burco Office
  • Visits: 993
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Tobanka Goolhaye Ee Xili Ciyaareedkan Yurub Ugu Fiican Oo La Shaaciyay,Yaase Ka Maqan?

    Shirkada CIES Football Observatory ayaa soo saartay tobanka goolhaye ee xili ciyaareedkan sameeyay qaab ciyaareedka ugu fiican iyada oo lagu salaynayo xogta laga dhabta ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkada CIES Football Observatory ayaa soo saartay tobanka goolhaye ee xili ciyaareedkan sameeyay qaab ciyaareedka ugu fiican iyada oo lagu salaynayo xogta laga dhabta ah

 ee laga diwaan galiyay goolhayayaasha shanta horyaal ee yurub ugu waa wayn ee England, Spain, Germany, Italy iyo France.

CIES Football Observatory ayaa shaacisay in goolhayaha kooxda Bayern Munich eeManuel Neuer uu yahay goolhayaha ugu fiican xili ciyaareedkan horyaalada Yurub waxaana kaalinta labaad ku jira goolhayaha kooxda Atletico Madrid eeJan Oblak halka uu kaalinta saddexaad rahmaday goolhayaha kooxda Juventus eeGianluigi Buffon

.NuerOblakBuffonSida ku cad warbixintaCIES Football Observatory, goolhayaha kooxda Tottenham ee Hugo Lloris ayaa ah goolhayaha ugu qaab ciyaareedka fiican premier Leaque-ga xili ciyaareedkan.Hugo Lloris ayaa xili ciyaareedkan celcelis ahaan laga dhaliyay 0.8 gool kulankiiba waxaana ka horeeyaManuel Neuer oo cel celis ahaan laga dhaliyay 0.5 gool kulankiiba. Lloris ayaa xili ciyaareedkan sameeyay boqolkiiba 73.3% gool badbaadineed waxaana markale ka horeeyaManuel Neuer oo sameeyay boqolkiiba78.8%.

Lloris

Laakiin guud ahaan badbaadinta ugu badan ee uu xili ciyaareedkan goolhaye sameeyay ayuu haystaa goolhayaha kooxda Paris St-Germain eeKevin Trapp kaas oo sameeyay boqolkiiba 80.6% gool badbaadineed.Goolhayaha xili ciyaareedkan ugu liitay horyaalka Ingiriiska iyo shanta horyaalk ee Yurub ugu waa wayn ayaa ah goolhayaha kooxda Aston Villa eeBrad Guzan kaas oo cel celis ahaan kulankiiba laga dhaliyay 2 gool wuxuuna sameeyay booqlkiiba 59.5 gool badbadineed

.TrappCIES Football Observatory ayaa saddexda todobaad ee soo socda soo saari doonta difaacyada dhexe, difaacyada midig iyo bidix, khadka dhexe, dhexda hore ee weerarka iyo waliba ciyaartoyda weerarka xili ciyaareekan ugu fiicnayd shanta horyaalk ee ugu waa wayn Yurub.Goolhaye David De Gea iyo Thibout Coutios ayaa ka maqan liiska tobanka goolhaye ee xili ciyaareedkan uu fiican.

CIES Football Observatory ayaa markii ay qiimaysay guud ahaan xogta laga ururiyay goolhayaasha shanta horyaal ee yurub ugu waa wayn ka soo saartay tobanka goolhaye ee xili ciyaaredkan ugu fiican.Waxaana qiimayntan door wayn ku lahaa goolasha laga dhaliyay goolhaye kasta iyo heerka gool badbaadintiisa.

HADDABA HALKAN KAGA BOGO TOBANKA GOOLHAYE EE XILI CIYAAREEDKAN UGU QAAB CIYAAREEDKA FIICNAA SHANTA HORYAAL EE YURUB UGU WAA WAYN EE AY SOO SAARTAY CIES FOOTBALL OBSERVATORY:

10. Pepe Reina – Napoli

9. Keylor Navas – Real Madrid

10. Alphose Areola – Villareal

7. Hugo Lloris – Tottenham

6. Vincent Enyeama – Lille

5. Claudio Bravo – Barcelona

4. Kevin Trapp – PSG

3. Gianluigi Buffon – Juventus

2. Jan Oblak – Atletico Madrid

1. Manuel Neuer – Bayern Munich