Kooxda Bayern Munich Oo Dooneyso Inay Ka Gudubto Caqabadaha Ay Kala Kulmaan Kooxaha Reer Spain

0
Tuesday April 26, 2016 - 08:18:45 in by Burco Office
  • Visits: 947
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Bayern Munich Oo Dooneyso Inay Ka Gudubto Caqabadaha Ay Kala Kulmaan Kooxaha Reer Spain

    Naadiga Bayern Munich oo haatan taagan Semi Finalaha Champions League ayaa doonayso inay ka gudubto caqabadaha ay kala kulanto kooxaha reer Spain marka ay heerkan soo gaarto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Naadiga Bayern Munich oo haatan taagan Semi Finalaha Champions League ayaa doonayso inay ka gudubto caqabadaha ay kala kulanto kooxaha reer Spain marka ay heerkan soo gaarto.


Macalin Guardiola labadii sano ee ugu dambeesay kooxdiisa Bayern waxaa isla heerkan oo kale ku reebeen kooxaha Real Madrid Iyo Barcelona oo sidoo kalena koobka qaadeen.


Waayaha Guardiola dhamaad ayuu ku dhow yahay sidaa darteed waa inuu caqabada kooxdaha dalkiisa ka gudbo si uu Bayern ugu qaado koobka yurub.

Bayern waa naadigii ugu dambeesay ee garoonka San Serio ku qaaday Champion-ka sanadii 2001 waxayna markaas Semi Finalaha ku reebtay Real Madrid.

Hadaba Bayern inay markale finalaha Champion-ka gaarto waa inay iska reebaan kooxda awooda badan Atletico Madrid oo ay labo lug la cayaari doonaan Semi Finalaha.