Hanuunka & Habowga W/Q Dr. Abdulqani Hussein

0
Wednesday April 27, 2016 - 14:12:00 in by salman abdi
  • Visits: 2100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hanuunka & Habowga W/Q Dr. Abdulqani Hussein

    Ibrahim Hawd waa qoraa caan ah oo ku fiican macalinimada afsoomaaliga, aqoon fiicanna u leh hab dhiska afkeenna soomaaliyeed iyo hab qoraalkiisa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ibrahim Hawd waa qoraa caan ah oo ku fiican macalinimada afsoomaaliga, aqoon fiicanna u leh hab dhiska afkeenna soomaaliyeed iyo hab qoraalkiisa,

waxa uu ka hadlaa arimaha siyaasadda soomaalida guud ahaan gaar ahaan waxa uu qormooyinkiisa ugu badan muddooyinkan danbe ku canaantaa maamulka Soomaaliland.

Waxa uu si aan ka fiirsasho lahayn u duraa culimada islaamka guud ahaan gaar ahaan kuwa soomaalida, sidoo kale waxa uu ka hadlaa arimaha diinta oo qoraaladiisu ay had iyo jeer muran iyo buuq abuuraan.
Waxa jira koox dhalinyaro u badan oo ku raadoobay qormooyinkiisa, ha yeeshee badan koodu aan la wadaagin anshaxa qoraalka oo uu isagu isku dayo inuu ilaaliyo inta badan.

Ibraahim waxa aanu saaxiib ku ahayn bartan facebuugga mudo ku dhow laba sanadood, muddadaas waxa na dhex maray dhowr doodood oo aanu ku kala aragti duwanayn inta baddanna diinta la xidhiidhay, ayna ugu danbeysay qormooyinkii maalmahan socday, taasoo ahayd ta ugu balaadhan.12509427_885709238212880_1017949015569514942_n

Ibraahim inkastoo aan arkayey qoraallo badan oo qaarkood rag miisaan lihi qoreen oo lagu gaalaysiinayo, haddana anigu marna xadkaas maan gaadhsiin, shakhsiyaddiisa inaan weerarona inaan ka dhowrsadona waan isku taxaluujinayey, inkastoo qormooyinkiisu diin weerarka ahi ay mararka qaarkood dareenkaaga xasiloon dhabqinayaa, kuguna riixayaan ugu yaraan inaad fahamkaas mid liita oo aqoon daran ku tilmaanto.
Arintaas waxa aan u sameynayey laba arimood:
1) Xadka gaalaysiintu waa mid sharci ah oo qofku sida uu doonistiisa Islaamka ugu soo galo ayuu ficilkiisa kaga bixi karaa, ha doorto ka bixistaas ama yuu dooranine, hase yeeshee ku xukumid qof mucayan/gaar ah gaalnimo waa arin aan qormadeydii shalayna ku xusay oo u baahan inay shuruudi buuxsanto, sidoo kale cid xukunka ridda oo culimo ama maxkamad ah la helo.
2) Qof nooli hawd janno ugama dhowa, wax kastaana waa khaatumada, waxaanan rajeynayey sidaan doodaydaba ku xusay in arinta jar lagu raadiyo , lays qanciyo ee is madax jebin iyo kala guulaysi aanay noqon, Alle waxa aan waydiisanayaa in dhammaanteen uu khaatumada inoo wanaajiyo, xaqqana kuwo garta oo raaca oo u hiiliya inaga dhigo.

Anigoo qormadan aad akhriyeysaan doonaya inaan soo geliyo halkan ayaan la kulmay qoraal uu Mudane Hawd qoray oo ka kooban shan qodob, waxa igu soo xidhay qormada sh, Xamse cumar oo commetkiisa igu mention gareeyey.

Qormada hawd ee cusub, waxay ka koobnayd laba arimood
1- cudurdaarasho uu ka cudur daaranayo qormadiisii dadka badan ka cadheysiisay, inkastoo uu si shardi ah u dhigay oo uu yidhi "haddii aan wax denbi ah diintayda ka galay —”.
2- Garnaqsi.

Ibraahim waan ku waafaqsanahay qodobadaas uu sida dhibirsan u qoray marka laga reebo labada qodob ee aaad iyo 5aad.
Qodobka 1aad waxa uu yidhi "ciddii i gaalaysiisay anna waan gaalaysiinayaa” !, Mudane haddaad gaalaysiintooda gef iyo meel ka dhax u aragto, ogow kaaganu waa gef kale oo ka durugsan, waanse garan karaa xaaladda ay kaaga soo baxday kelmaddu waa kii iyagaba kelifay, waxa kale oo su’aali ka iman kartaa hadalkaagan”—"taa macnaheedu ma waxay noqonaysaa ciddii sidaas aan u fahamay oo ah arinta qayladaba kicisay u aqbali waydaa way ka gaalowday?

Qodobka shanaad kuwa aad u mahadcelisay arintaas ma mudna, waayo hadday naseex yihiin inay waxa aan haboonayn kaa qabtaan bay ahayd, waxaana fiicnayd inaad iyagana ugu baaqdo inay cudur daar bixiyaan, xummaanta si caadla’ loo galona si cad baa looga cafis dalbaa.

Waxa aan mar kale walaalaha ku boorin lahaa inay shakhsi weerarka halkaa ku joojiyaan, mar haddii uu ibraahim ka cudurdaartay arintaas, naqdinta fikradda oo dad badani liqeen in laga daweeyo ayaa ah hawsha weli taagan.
Sidaa awgeed, dhammeystirka jawaab celintii qormada mudane Hawd waxbaa igu hadhsanaa, waanan soo gelin halkan isla galabta- qayb ka mid ah haddii Alle idmo-.

Aad baan markale ugu mahad celinayaa walaalaha falcelinka ka muujiyey hadalkii deelqaafka ahaa ee uu hadda ka cudurdaartay mudane Hawd, isagana waan ugu hambalyeynayaa geesinimada ka soo noqoshada gefkaas.

Dr. Abdulqani Hussein