Kas-Darran! W/Q: Mohamed Hassan Daacad

0
Saturday April 30, 2016 - 18:09:55 in by salman abdi
  • Visits: 1009
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kas-Darran! W/Q: Mohamed Hassan Daacad

    Maalin maalmaha ka mid ah uun barashadoodu ahayd,waxaana dhex-maray jawi-degan,wanaag iyo xushmadina ay ku dheehnayd.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalin maalmaha ka mid ah uun barashadoodu ahayd,waxaana dhex-maray jawi-degan,wanaag iyo xushmadina ay ku dheehnayd.
Hadda sawir fiican labadooduba kama bixin-karaan sidii ay maalintaas wax-ahaayeen,waayo dhaawacyo badan oo danbe ayaa taas meesha ka saaray,waxaanay u muuqataa maalin mid ka mid ahi ka qoomamaynayoinay sidaas wax-noqdaan iyo in ugu yaraan ay dadka iska-bartaanba.Dhibaatadda iyo saamaynta taban ee dhinaca nolasha ee maalintaas ku lammaani ma yara,mana aha wax-maankiisa inta uu dhinaciisu dhulka ka sareeyo uu ilaabi doona,waase adduunka iyo waayihiisa,waxaana uu ILAAHAY ka baryaa sinuu maskaxdiisa ka masaxo guud ahaanba muuqaalka ay maankiisa ku leedahay Canab ah ootan uu isagu ula baxay Kas-darran.

Waxa uu dhex-dabaalanayaa mawjado mugdi badanni ku dheehan yahay,waxaana uu dahaadh weyni ka saran-yahay inuu ka fikiro aas-aaska nolol farxadeed iyo samaynta jidka nololeed eemustaqbal la-mahadiyo.Waa Wiil dhalinyaro ah oo aaminsan inuu xooggiisa u da’yar yahay,balse ay caqabaddaha adagee noloshu ka awood bateen.Inkasta oo uu khibraddu badan oo duruufaha nolasha ah haysto,haddana tanni waa ka-waaweyn,waana uu u maaro iyo marrin la’yahay,tallo kuma yara,balse daawaddii arrinkani god dheer bay ku jirtaa,ilaa haddana lama hayo cid kasoo saarta,qorshahaasna masuuliyaddiisa dhabarka u ridata.Wakhtigga,ayaa xawaare aad u dheeranaya ku socda,muuq-baddal xooggan,ayaa ooggadiisa ka muuqda,weydiimaha Bulshadda ee waxa kusoo kordhayna aad bay ugu badan yihiin,balse jawaab furran kama bixin karo su’alaaha joogataha ah ee Bulshadda.

 

Dhawr jeer,waxa uu isku-dayay qorshayaal saamayn taban ku yeelan kara nolshiisa,kuwaas oo khatar-teeda leh,balse Saacadda ayaan ka dhamaan,waana la badbaadiyay.Waxa guud ahaanba ka lummay wadadii nolasha,waxaana uu noqday shaqsi aan wax dhadhan ah ku hayn nolasha,taas oo keentay inuu door-bido geeridda.

Waanadda iyo wax-u-sheeg uga imanaya Waalid iyo walaalba,waxay u yihiin hadal aan macno lahayn iyo Qof larabo in xanuunka lagaga daweeyo daawo Xanuunkaba beeraysa halkii ay ka ka-xayn lahayd xanuunka.Waa Xaalad adag,waddo laga baxo-na aanay muuqan,dhibkuna joogto yahay.

Haddii uuhore u ahaa shaqsi taliya,deeqsi ah,hadal-yaqaan ah,guurti ah,la-majiirto,loona hiloobo la-kullankiisa,dad badannina ay ku tiirsan-yihiin,maanta waxa la-kala-ilaalinayaa isaga iyo naftiisa,dhib badan baa lagu qabaa,Ehelkiisa waxa la deris noqday wel-wel xooggan,kaas oo ay kaga fikirayaan Mustaqbalka Wiilkoodda oo ahaa xoog ay ku tiirsanyihiin.

Waxa la sameeyay isku-dayo badan,kuwaas oo larabay in wax lagaga bedelo xaalada adag ee uuku nool-yahayCismaan,balse dhamaantood waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay. Waxa la yahay oo kali ah rajo-ku-nool bal inuu ILAAHAY isaga ayaa awood leh ee xaaladdiisii hore kusoo celiyo Cismaan,kana saaro dhibkan adagee uu la-noolyahay wakhti xaadirkan.

Dad badanni,waxay soo jeediyeen tallooyin dhawr ah,kuwaas oo ay sheegeen inay suura-gal tahay inay wax-ka-bedesho Xaaladda Cismaan,balse fulintoodda ayaanoqotay Laf dhuun gashay!

Lasoco……..Qeybaha Danbe oo Xiiso gaar ah leh!

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Email:Daacad461@gmail.com