Macallin Maxaan kaaga Daydaa W/Q: Jimcale M Xamari

0
Sunday May 01, 2016 - 08:32:08 in by salman abdi
  • Visits: 993
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macallin Maxaan kaaga Daydaa W/Q: Jimcale M Xamari

    Waxa aad arkaysaa wiil ama gabadh dhalinyaro ah oo machad qur'aan dhigta oo qur'aanka dhamaantii ama intiisa badan qaybsan hadana aan ka dhawrsanayn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aad arkaysaa wiil ama gabadh dhalinyaro ah oo machad qur'aan dhigta oo qur'aanka dhamaantii ama intiisa badan qaybsan hadana aan ka dhawrsanayn

Macalimiinta quraanku waxa ay hayaan shaqadii ugu wanaagsanayd ee uu aadame ka qaban lahaa aduunka dushiisa.

Wakhtigii aan yaraa waxaan u qaanay macalimkaygu inuu yahay qof macangag ah oo wax uu dilo uun doonaaya, taasi waxa ay sababtay in ilmaha yari aanu qur'aanka u baran jacayl uu u qabo ee uu u barto kaliyaata si uu uga badbaado dilmada waalidka iyo macalimkiisa. Waa ta keentay in qur'aanku caruur badan qalbigooda aanu gelin macnaha iyo dhadhanka qur'aanku ee ay qaybsan yihiin wax saamayn ahna aanu ku lahayn noloshooda.Waana dadkii uu nabigu ku tilmaamay in ay hayaan shaqadii ugu khayrka badnayd dhulka guudkissa " waxa idiinku khayr badan kiina qur'aanka barta dadkan sii bara". Inaga oo og arintaasi ayaa waxa jira dhaqano aan haboonayn oo ay ku hacaan qaar ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga macaahida quraanka iyo dugsiyada hoose ee dalku.

 

Waxa aad arkaysaa wiil ama gabadh dhalinyaro ah oo machad qur'aan dhigta oo qur'aanka dhamaantii ama intiisa badan qaybsan hadana aan ka dhawrsanayn macaasida ulana siman ka aan wax cilmi diineed ah dhigan, hadii aynu iswaydiino sababta uu qur'aanku saamayn ugu yeelan waayay hab nololeedkoodu waa in kaliyaata ay qaybeen oo aanu u dhaadhacsanayn macnihiisa iyo macaankiisu. Macalimiintaasi waa ay garaacaan ardayda da'da yar hadii ay soo yara habsaamaan ama ay fasalka ku dhex hadlaan. Ardaygaas da'da yar waxa haya ciil uu isleeyahay maad sida macalimka waynaatid aad iska celiside.

waxaanu aaminsan yahay in carrurnimadu ay tahay ciil laga waynaado oo uu isna kuwa ka yaryar ka jari doono waxa maanta laga jaro. Waa sababta keentay in marka uu ardaygu waynaado uu weli habsaamo fasalkana ku dhex ciyaaro waayo waxa uu u arkaa in aan hada macalim garaacayaa jirin oo uu iska celin karo.   Waxa jirta qaaciido la isla yaqaan oo afka ingiriisiga ku noqonaysa "Young abusers become abusers when they get older" qof kasta oo yaraantiisa si xun loola dhaqmaa isna sidaa si leeg ayuunbuu u dhaqmaa marka uu waynaado. waxaana tusaale inoogu filan qolada geel jiraha ahi waxa ay alaabta culus oo dhan ku raraan ka ugu da' yar uguna awood yar, isagana ma laga filayaa in marka uu waynaado uu u naxariisto kuwa ka yaryar? jawaabtu waa maya.

Waxaa hubaal ah in ardaydu ay macalimkooda kaga daydaan wax kasta oo uu samaynayo maadaama ay sidaa tahay macalimku waa inuu noqdaa mid lagaga daydayo naxariis, toosnaan, akhlaaq suuban iyo caqiido wanaagsan.



W/Q: Jimcale M Xamari

E-mail: xamari2022@gmail.com

Tell: +252 63 4058855