Sidee U Joojinaa Tahriibka? W/q : Cabdisamed xasan hirad

0
Monday May 02, 2016 - 16:19:03 in by salman abdi
  • Visits: 1022
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee U Joojinaa Tahriibka? W/q : Cabdisamed xasan hirad

    Waxaase ay iila muuqatay inaan aniguna ku darsado waxay iila muuqato sababtuna waainaanan ka aamusin itaalkayga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaase ay iila muuqatay inaan aniguna ku darsado waxay iila muuqato sababtuna waainaanan ka aamusin itaalkayga

 inaan kalmada igu haboon ka idhaahdo sidii loo joojin lahaa aafadanqaran.

Waxaana muhiima inaan la yaraysan oo cidkastaa wixii ku haboon ka tidhaahdo.inkastoo umadasomalieyeed laba u qaybsan yihiin marka laga hadlaayo tahriibka kuwo 1) taageersa ka baqoolida

dalkooda hooyo 2) kuwo aan taageersanayn in wadanka dadkale loo faaruqiyo

1. Qolada koowad waxay daliishanayaan in wadanka laga tahriibo sababo dhawra oo ay kow katahay cadaalad daro kahaysta fursadaha shaqo oon loo sinayn

2. Waxbarashada heerka jaamacadaha oon dadka danyarta ah awoodin

3. In dadka passporka ajinabiga ah sida laga hormariyo meelkasta oo ay tagaan. Sida shaqada,

ixtiraamka, guursiga haweenka iyo meelo kale oo badan

4. Inaan dhalinta muhiimadii ay lahaayeen aan la siinin dhanka horumarka iyo shaqo abuurka

1. Qolada kale na waxay daliishanayaan in rajadu fiican tahay oo mudo ka hor aanay dhalintu fursadaha

fiican ee ay haystaan aanay haysan imikase ay wax fiican haystaan dhanka rajada iyo shaqadaba

wallow ay jirto cadaalad daro dhanka fursadaha ah oo ay xataa ka garabeen masuuliyiin badan oo

dawladaha somalida ka tirsani

2. In dhalinta siyaasada loo furay oo ay fursadaas haystaan wallow ay isqabsiyadoodii bateen golayaashii

deeganada maadaama ay dhalinyaro u badanayeen oo rajadii iyo hankii looqabay la qawadsan yahay

badankooda, inkastoo aanay arintaas ka sinayn golayaasha degaanadu oo ay jiraan qaar badan oo

fayowi

3. In ay maanta gaar ahaan Somaliland ay jiraan maalgashiyo ay sameeyaan Banks islamic ah oo

dhalinta aad uga taageera dhanka shaqo abuurka wallow ay shuruuduhu adag yihiin, sababo jira

awgood maadaama aanay dadku hore u aqoon nidaamka bangiyada islaamka mudadii 25 sano ee

gooni isutaaga iyo ka ka horba

4. Iyo ta afraad oo ah inaanay dhalintu shaqo sugine ay shaqo iyaga laftoodu abuuraan maadaama ay

aqoon leeyihiin qaar badan oo ka mid ahi

Intaas hadaan kaga baxo afkaarta kala duwan ee ay labada qolo kala adeegsadaan runtii waa nabar

xanuun badan oo halis ku ah guud ahaan somalida iyo dalalka Africa ba wallow African ka kale aanu

malaha u socon sida qulqulka ah ee aynu u socono, mushkiladuna waa hogaaminta musuqu daashaday ee

dul hoganaysa Africa oo somalidu ka mid tahay oo sanadkasta meelsare ka gala arinta musuqa. Musuqu

runtii waa maaliyad ama waxkasta oo aan loo isticmaalin wixii loogu talogalay,

Gunaanad

hadaba hadii aan u soo noqdo Somaliland iyo sida loo joojin karo tahriibaka

1. waxaan soo jeedinayaa in horta la sameeyo siyaasad cad oo la yaqaano oo dhalinta ku wajahan sida

dastuurkuba sheegayo oo ilaa heer gobol la gaadhsiiyo,

2. in laga shaqysiiyo wasaarada dhalinta sportiga iyo dalxiiska maadaama aanay haysan miisaaniyad ku

filan oo ay xataa fashilmeen ciyaarihii goboladu taasina ay niyad jab wayn ku keentay dhalintii

3. in siyaasada la dejinayo lagu saleeyo shaqo abuur iyo maalgashi dhalinta iyo dumarka ah

4. in lacagta SDF ka ee dawladuhu inagu caawiyaan dhalinta shaqo loogu abuuro, wallow aan anigu

shaqsiyan aaminsanay inaanay sidii saxda ahayd loogu wada isticmaalin waxa loogu bixiyo iyadoo ah

lacag aad u badan oo xataa warshado badan soo jaraysa oon lagu halayn ganacsatada waayo

dawladuba way keenikartaa oo ilo dakhli oo kale ayay ka samaysan kartaa

5. iyo in la sameeyo shir qaran loona arko arintu inaanay sahlanayn oo lagu koobin magafayaal la

qabqabtay maadaama aan qof isagu magan socod oo caafimaad qaba cidina aanay ilaalim karayn

walid iyo dawladba laakiin qaababka kor ku xusan malaha wax lagaga qaban karo waa aragtidayda uun




Cabdisamed xasan hirad

cabdisamedxasan3@hotmail.com

Community Participant

Cellphone 634199991