KA FAA'IIDAYSIGA BIYAHA ROOBKA W/Q: Eng. Maxamuud Maxamed Axmed

0
Tuesday May 03, 2016 - 09:56:44 in by salman abdi
  • Visits: 2748
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KA FAA'IIDAYSIGA BIYAHA ROOBKA W/Q: Eng. Maxamuud Maxamed Axmed

    waa midda koowaade dadkeenu ma samaystaan kaydad biyood oo ku filan gaar ahaan dhaamamka (Dams) iyo Berkadaha (underground structures

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waa midda koowaade dadkeenu ma samaystaan kaydad biyood oo ku filan gaar ahaan dhaamamka (Dams) iyo Berkadaha (underground structures

Haddaba Sida caadiga ahna biyaha waxaa lagu helaa saddex qaab ama ilood oo kala ah biyaha oogada (Surface water ), biyaha dhulka ku kaydsan (groundwater) iyo biyaha roobka qabashadooda (Rainwater harvesting), saddexdan qaybo mid weliba waxay u kala baxdaa qaybo badan oo ka sii farcama, tusaale ahaan biyaha oogada (Surface water) waxay ka koobanyihiin biyahaBiyuhu waa nimcooyinka Allah ku manaystay makhluuqaadkiisa, biyuhuna waa nolosha noolayaasha, la’aantoodna nolosho jiritaan ma leh. Faa’iidada ay leeyihiin maaha mid aynu qoraal iyo qawl ku soo koobi karno, Nabi Aadam duriyadiisa oo aynu ka mid nahay ayaaba ka abuuran biyo. Sidaa awgeed biyuhu waa nimco qaali ah tahayna in Allah looga mahadceliyo.

webiyada (water rivers), horooyinka (lakes), durdurada (streams), dhijaamaha (ponds), waana biyo sida badan joogto ah inkastuuna dalkeena lahayn ilahaas marka laga reebo labada webi ee mara Koonfurta waa SHabeele iyo Jubba.Groundwater (biyaha dhulka ku kaydsan)waa biyaha dhulka ku kaydsan sida ceelasha (mashiinada lagu dalooliyo) ama gacanta lagu qodo waxaana biyahan kaydsan lagu gaadhi karaa in qoditaan lagu sameeyo meel la isla garanayo in biyo laga gaadhi karo machine (Rig) ama gacan ayaa la adeegsan karaa, balse ka rigga (Rug) lagu qodo ayaa marwalba ah ka la isku halayn karo, ila-biyoodka noocan ahi waa kuwa ka shaqeeya magaalooyinka waaweyn. (Rainwater harvesting system)waa biyaha roobka oo meel loogu talo galay lagu qabto khaasatan meel godan oo biyuhu ku kaydsami karayaan, waxaana Engineer- ahaan loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah (Roof harvesting ) biyaha saqafka laga qabto ama oogada shay guriga ka sareeya sida jiingada, saqxadda sare ee guryaha sagbadda ah IWM iyo (Ground harvesting) oo ah in la qabto biyaha roobka ee qulqulaya, qaabkani waa qaab ku badan dalkeena horena uga jiri jiray waxaanu ka kooban yahay Dams (balayada), Barkadaha IWM oo ah kaydada ugu badan ee dalkeena laga isticmaalo siiba meelaha magaalooyinka waaweyn ka baxsan.

 

Biyaha qaababka dadkeenu uga faa’iidaystaan ma yihiin qaar ku haboon oo laga haqab beelayo?.

Jawaabtu waa maya waa midda koowaade dadkeenu ma samaystaan kaydad biyood oo ku filan gaar ahaan dhaamamka (Dams) iyo Berkadaha (underground structures) oo maaha qaar dabooli kara baahida biyood waayo aad ayay u yar yar yihiin waxayna biyaha kaydiyaan saddex bilood oo aan roob ku di’in marka celceliska la eego waayo xoolaha aynu dhaqano waxay u baahanyihiin biyo ku filan taasina maaha inay baahidooda biyood dabooli karaan (dams) iyo Berdaha dalkeena ka jiraa waana wax aad u kala fog. Arrinta labaad waxaa weeye dalkeenu waa dal kulayle ah biyo badan ayaa uummi baxa (evaporation) iyo mararka qaarkoodna waxaa dhacda inaan sahamis lagu samayn meesha wax laga qodayo siiba dhamamka (dams) oo laga yaabo inayna ahaynba goob ciideedu nugushahay oo biyaha si deg deg ah u sii daysa (infiltration), waa arrimo muhiim ah oo ay tahay in qorshaha lagu darsado.

Daraasadaha la sameeya way badan yihiin si biyo loo helo, lakin qaababka dalkeena ay mashaariicdu looga fuliyaa maaha qaar heer fiican gaadhsiisan waxyaabaha lagu dhaliili karana waxaa ka mid ah inaan la eegin tirada dadka ama xoolaha isticmaalaya inta lagu qiyaasi karo, xadiga la soo saarayo iyo tayada biyaha muddada la odhan karo way ku filantahay cidda loo fulinayo IWM, waxaana muuqata in Hay’addaha ajanabiga ahi ayna si fiican oo lexjeclo ku jirto u fulin mashaariicda biyaha dabagalka dawladu ku samaysaana aad ayuu u yar yahay.

Waxaa haddaba muhiim ah inaynu ka faa’iidaysano biyaha roobka siiba magaalooyinka waaweyn oo si fiican uga faa’iidaysankarno waxaana muhiim ah inaynu ku baraarugsanaano in qofku saqafka gurigiisa uu ka heli karo biyo laga yaabo inay wakhtiga roobku kala go’o ku filaadaan, waa qaabka aynu hore u soo sheegnay (Roof Harvesting ) oo ah in biyaha jiingada ama sagxadda sare ee guriga shubka ah laga qabto, waana biyo saafi ah marka roobka ugu horeeya biyihiisa la isdhaafiyo si dhaska, iyo wixii saqafka dulyaalay ay uga maydhmaan, lakin roobabka ka danbeeya roobka hore aad ayaa loo isticmaali karaa waana biyo caafimaad badan oo kuwa qasabada ka tayo badan hadday jiingadaadu tahay mid aan wax cilada lahayn waana biyo bilaash ah oo aan ciddina lacag kaa weydaynayn, faa’iidada kale ee ku jirta waxaa weeye qulqulka biyaha ee magaalada ayaa yaraan lahaa.

 



W/Q: Eng. Maxamuud Maxamed Axmed

E-mail: mmahmed_1435@hotmail.com

Cell phone: +252 634166381

Hargeysa