Dhulkeena Aynu Joogno!…W/Q Faisal Abdirahmaan Madar

0
Wednesday May 04, 2016 - 08:26:27 in by salman abdi
  • Visits: 877
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhulkeena Aynu Joogno!…W/Q Faisal Abdirahmaan Madar

    Waxaan filayaa inay cibro inoogu filantahay ubaxii soo korayay ee aynu ku waynay tahriibka sababtiisa mudooyinkii u dambeeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan filayaa inay cibro inoogu filantahay ubaxii soo korayay ee aynu ku waynay tahriibka sababtiisa mudooyinkii u dambeeyay.


Iyadoo aad moodo marka masiibo dhacdo ee xanuunkeeda aynu mudo la murugoono inaynu hadana ilaabayno oo dhalinyaro hor leh ay bilaabayaan hadana tahriib cusub iyagoo aad moodo inaanay ku cibro qaadanayn wixii shalay iyo doraad ay la kulmeen asxaabtoodii kula noolaa dalka.

Tahriibka sida doodo badan lagu falanqeeyay waxaan odhan karaa waa masiibo qaran oo xal deg dega oo hal mar joojiya loo helayn laakiin u baahan in wacyigelin balaadhan oo dhan walba leh laga sameeyo si ugu yaraan ku dhaca deg dega ah ee dhalinyarada tahriibaysa loo yareeyo.

Waxa farxad ah oo aan odhan karaa waa guul dhakhso ah oo ay ku kaceen ciidanka booliska qab qabashada ay qabteen qaar ka mid ah magafayaashii inaga sahayday dhalinyaro tiro badan ee badaha ku gurayay ubadkeena, iyagoo booliisku ku daba jira sil silada magafayaasha ee xidhiidhsan dalkeena ayaa waxan odhan karaa waa guul ay sameeyeen ciidanka booliiska Somaliland; inagana waxa inagala gudboon inaynu kala shaqayno arintaasi si loo tir tiro oo xididka loogu siibo rag iyo dumarba wixii shaqo iyo shuqul ku leh tahriibinta dhalinyaradeena.

waxaan dhamaanba bulsha waynta Somaliland ku wacyi gelin in tahriibku yahay masiibo qaran oo u baahan in loo wada kaco sidii wax looga qaban lahaa iyadoo qof kasta oo muwaadin ah ay masuuliyadi ka saarantahay sidii uu af iyo adinba wax uga gaysan lahaa. Waalidka oo in badani la ogtahay ubadkooda marka ay tahriibayaana waxaan odhan lahaa aduunka iyo lacagta aad ku amba bixinaysaan yurub ma taalo ee wadankiina ugu maal galiya ubadka oo caqli celin u sameeya.

Ururada ku hawlan wax u  qabadka dhalinyarada ee xidhan shaadhkoodana sida SONYO oo kale ama kuwa la midka ahba waxaan leeyahay ama dawladi wax haydin siiso ama hayado kale wax ka hela waxa haboon in ay mashaariicdiinu taabtaan oo wax u qabadkiina  dhalinyaradu noqdo mid muuqda.

Dawlada na waxaan leeyahay masuuliyad aan yarayn baa idinka saran dhalinyarada wadankeena sidii aad wacyigelin, shaqooyin iyo barnaamijyo ugu samayn lahaydeen waa mid qorshaheeda laydinka rabo inaad soo hor dhigtaan bulshada Somaliland. Ugu dambayntiina dhalinyarada waxaan leeyahay culays kasta iyo dhibaato kasta oo wadankiina iyo dadkiina dhexdiisa idinku haysataa waxay dhaantaa mid dhul shisheeye oo aan la hubin inaad nabad ku tagi doonto kaa qabsata markaa bal aynu si qoto dheer oo maskaxi ku jirto uga fikirno dhibaatooyinka faraha badan ay ugu horayso  shaqo la’aantu ee inagu khasba inaynu dhulkeena ka tahriibno waaba intaasoo aynu xal waara u helno.

Dhalinyarooy Dhibta Tahriibka
Dhayal haw malaynina e
Dhimashiyo waxyeeliyo
wuxuu dhaawac leeyahay
horey baan u dhuganoo
Sida dayax dhamaysaan
dhaayaheena ku aragnaye
intii aan dhamaanlayn
badwaynta aan ku dhiman layn
ama aan ku dhici layn
saxaraha dhexdiisiyo
dhul aan ehelo kula jirin
dhulkeena aynu joogno
dhulkeena aynu joogno



Youth Activist: Faisal Sh.Abdirahman Madar.