Falaanqeynta Kulanka Xiisaha Badan Ee Real Madrid Vs Manchester City, Kooxdee Caawa Tikidka U Jaran Doonta Milano Oo Wehlin Doonta Atletico ?

0
Wednesday May 04, 2016 - 15:55:18 in by Burco Office
  • Visits: 911
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falaanqeynta Kulanka Xiisaha Badan Ee Real Madrid Vs Manchester City, Kooxdee Caawa Tikidka U Jaran Doonta Milano Oo Wehlin Doonta Atletico ?

    Real Madrid ayaa Santiago Bernabeu ku soo dhaweyneysa kooxda Manchester City kulanka lugtii labaad ee Champions league wareegiisa afar dhamaadka xili ay labada koox kulankii hore ee Etihad ku soo kala bexeen barbaro gool la'aan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa Santiago Bernabeu ku soo dhaweyneysa kooxda Manchester City kulanka lugtii labaad ee Champions league wareegiisa afar dhamaadka xili ay labada koox kulankii hore ee Etihad ku soo kala bexeen barbaro gool la'aan ah.

Kulanka: Real Madrid Vs Manchester City

Garoonka: Santiago Bernabeu Estadio

Saacada Geeska Afrika: 9:45 daqiiqo

Wararka Labada Koox:

Kooxda mudada 27 ka jeer ah soo ciyaartay afar dhamaadka tartankaan ee Los Blancos ayaa qaabileysa kooxda markii ugu horeysay taariikhdeeda imaatay heerkaan ee Manchester City, hadii taariikhda ay tahay mid wax qabaneysana waxay caawa si waliba u garab taagan tahay Madrid kuwaasoo kaga khibrad badna City heerkaan laakin ciyaarta ayaa ah kubad ay 22 nin wada ceyrsanayaan, kuwii qalad yaraata ayaana adkaata inta badan,

Manuell Pellegrni ayaa aqoon buuxda u leh qolka labiska Real Madrid halkaasoo uu hore uga soo shaqeeyay wuxuuna dhawaan sheegay inuu dad sirdoon ah u dirsada qolka labiska Los Blancos, khibradiisa iyo aqoontiisa kooxda ayaana muhiim u noqon kara kulankaan.

Zidane ayaa dib u helaya adeega weeraryahan Cristiano Ronaldo oo kasoo laabtay dhaawac suulka ah laakin wuxuu weyn doonaa adeega xidigahiisa muhiimka ah ee Karim Benzema iyo Casemiro kuwaasoo dhaawacyo ku seegaya kulankaan.

Kroos ayaa ugu cadcad inuu ka ciyaaro booska no.6 ee kubad burburiyaha (Ama dhex danbe hadba sidaad u taqaano ) wuxuuna hore uga ciyaaray booskaas intuu uu joogay Carlo Ancelotti iyo waliba waayihii Rafa Benitez halka Lucaz Vazquez uu ugu cadcad inuu buuxiyo booska weerarka ee Karim Benzema sidoo kale Jese ayaa fursad u heli kara inuu booskaas buuxiyo.

Dani Carvajal iyo Pepe ayaa dib loogu yeeri doonaa daafaca kooxda sidoo kale Keylo Navas ayaa 10 kamid ah 11 kiisii kulan ee ugu danbeeyay ee Champions league kala baxay shabaq nadiif ah wuxuuna badbaadiyay 30 kamid ah 32 shuud oo si toos ah shabaqa ugu aadanaa.

Sergio Aguero ayaana tartankaan wax gool ah ka dhalin afartii kulan ee la soo dhaafay waana rikoorkiisii ugu xumaa ee tartan yurub ah tan iyo sanadii 2012, sidoo kale 432 daqiiqo ee ugu danbeysay wax darbo ah oo goosha ku aadan ma uusan tuuran taasoo la macno ah inuusan afar kulan dhibin goolhayeyaasha.

Laakin weeraryahanka ree Argentine ayaa la nasiyay kulankii ay kooxdiisa ceebta kasoo gaartay Southampton waxayna shaxda ku soo wada laaban doonaa isaga,Vincent Kompanyiyo Kevin de Bruyne.

Yaya Toure ayaa la safray kooxda laakin waxay weyn doonaa adeega kubada sameeyeyDavid Silvaoo dhaawac uga baxay kualnkii lugtii koowaad.

Real MAdrid vs Man CIty

Ma Ogtahay:

Ka hor kulankii lugtii koowaad ee salaasadii hore, labadaan koox ayaa hore u kulmay heerkii guruubyada ee tartankaan xili ciyaareedkii 2012-13 markaasoo ay Madrid labo jeer kasoo laabtay gool lagu yeeshay ugu danbeyna ku adkaatay 3-2 kulankii Spain halka ay barbaro 1-1 ku dhameysteen kulankii Manchester.

Madrid ayaan wax guuldaro ah kula kulmin koox ingiriis ah sagaalkoodii kulan ee u danbeysa halkaasoo ay afar kulan guulo gaareen halka shan barbaro galeen sidoo kale waxay adkaadeen todobo kulan oo kamid ah 11 jeer oo kulan labo lugood ah ay la ciyaareen koox ingiriis ah.

City, ayaa dhankeeda adkaatay kaliya hal kamid ah afar kulan oo labo lugood ah oo ay la ciyaareen koox ree Spain ah halka ay gudaha Spain kaliya hal jeer ku soo adkaadeen afar guuldarana la kulmeen.

Shaxaha Macquulka Ee Labada Koox:

Real Madrid:Navas; Carvajal, Pepe, Ramos, Marcelo; Modric, Casemiro, Kroos; Bale, Benzema, Ronaldo

Man City:Hart; Sagna, Kompany, Otamendi, Clichy; Fernando, Fernandinho, Navas, Toure, De Bruyne; Aguero