Gareth Bale Oo Real Madrid Gaarsiiyay Finalka Champion-ka Markoodii 14-aad , Man City Ayuu Hal Gool Ku Quusiyay .

0
Thursday May 05, 2016 - 13:17:18 in by Burco Office
  • Visits: 849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gareth Bale Oo Real Madrid Gaarsiiyay Finalka Champion-ka Markoodii 14-aad , Man City Ayuu Hal Gool Ku Quusiyay .

    Labada koox ayaa ku bilaabay ciyaarta qaab dar dar leh oo ciyaar baasas ku dhisan ayay isu dhiidhibayeen . Balse 10-kii daqiiqo ee ugu horeeyay City ayaa ka ciyaar wacneyd Real kuwaasi oo baasas habeysan isu dhiidhiibayay balse halis gilin kuma ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada koox ayaa ku bilaabay ciyaarta qaab dar dar leh oo ciyaar baasas ku dhisan ayay isu dhiidhibayeen . Balse 10-kii daqiiqo ee ugu horeeyay City ayaa ka ciyaar wacneyd Real kuwaasi oo baasas habeysan isu dhiidhiibayay balse halis gilin kuma aysan sameyn goosha Real .

Nasiib darro City waxaa ka dhaawacmay oo la badalay kulankaas kabntankooda Kompnay waxaan la soo gilyay Eliaquim Mangala daqiiqaddii 10-aad .

Laacibkaas ayaa waxaa booday muruqa xilli kubad uu laadayay waxa uuna ku dhacay dhulka xilli kooxda.com ay xuseyso in laacibkaan oo xilli ciyaareedkaan u nuglaa dhaawacyo uu la maqnaa mararka qaar muddo bilooyin ah uu saameyn ku lahaa kulankaas.

Ka dib badalkaas Real waxa ay sameeyeen isku dayo balse daafaca City ayay dhaafi waayeen waxaana la arkayay Ronaldo oo gool raadis ahaa .

Waxa ay kooxda.com xuseysaa in City u muuqdeen kuwo ka niyad jabay dhaawacaas waayo waxaa ku adkeyd in kubadda ay cagtooda ku hayaan xilli Real ay wadeen dar dar ah in natiijada ciyaarta wax ka badalaan .

Dadaalkii Real gool ayay ku keeneen waxaan mid cajiib ahaa ka dhaliyay Gareth Bale oo gees ka giliyay kubadda ka dib baas sixir ahaa oo uu ka helay Daniel Carvajal .
City waxaa ku adkeyd in kubadda horay u soo dhaqaajiyaan waxaana weeraray laacib waliba oo Real ah kuwaasi oo uu ka muuqday hami sareeya waxa ayna kubadda lagu hayay aagga goosha Man City .

Weeraryahanka City ee Aguero far waa uu dhaqaajin waayay waxaana is hor taagay Pepe iyo Ramos waxa uuna laacibka u muuqday mid maqane jooge ka ah ciyaarta .

Real oo gacan sareysay waxa daqiiqaddii 36-aad laga diiday gool maxaa yeelay Pepe iyo Ramos ayaa offside ku jiray , waxaana nasiinada lagu aaday halkaas gool xilli City u muuqdeen kuwo ku qasban in ay soo giliyaan Raheem Sterling si xoogaa loo helo in kubadda lugtooda ku hayaan ,waxaanaa daqiiqaddii 45-aad Man City fursad xaqiiq ahaa ka qasaariyay Fernandinho .

Daqiiqaddii 1-aad ee qeybtii labaad durba Real goosha City ayay tageen waxa ayna ku sigteen in ay helaan gool balse waxa laga hor istaagay Ronaldo waxaana sidaas sameeyay Sagna .

Ciyaartooyda City waxa ay biloowgii soo laabashad ka sheeganayeen in baasas saxan sameeyaan durbana walaag jarayay kubadaha .

Real gool labaad ayaa go`naa in ay helaan waxaana gool raadis ahaa Ronaldo xilli City gabi ahaanba ku akdeyn in ay tagaan aagga goosha Real .

Xilli Joe Hart daqiiqadii 56-aad gool qurux noqon lahaa oo uu madaxa ku dhalin lahaa Ronaldo uu bad baadiyay ayay Real sameeyeen badalkoodii ugu horeeyay waxa ayna soo soo giliyeen Lucas Vazquez oo loo badalay Jese Rodriguez

Real ayaa halis gilin badneyd halka City aysan tagin goosha Real waxaana City mar kale gool xaqiiq ahaa ka bad baadiyay Joe Hart oo qabtay kubad uu lahaa Ronaldo kaasi oo shabaqa City ku laaday.

City si kubaddooda u gaarsiiyaan goosha Real waxa ay soo giliyeen Raheem Sterling oo daqiiqaddii 61-aad loo badalay Yaya Toure ,waxa ayna sameynayeen isku dayo balse guud ahaan in ay horay u dhaqaajiyaan kubadda ayaa ku adkeyd , waxa ayna Real dhankooda daqiqiadii 67-aad badaleen Isco iyaga oo soo giliyay James Rodriguez

Inkastoo City ka dib badalkaas Raheem ay sameeyeen isku ayaa waxa ay soo giliyeen Kelechi Iheanacho daqiiqaddii 69-aad waxaana loo badalay Nevas

Qeybihii dhamaadka City waxa ay muuqdeen kuwo xooggan isla markaana niyadda ku haya in ay heli karaan gool balse waxaa hor taagnaa daafac adag

Si waliba oo ay ahaato waxa ay ciyaarta ku dhamaatay halkaas gool ee City looga reebay Champion-ka ayna finalka ku tageen Real Madrid , waxa ayna kooxda.com tilmaameysaa in markaan ay u tahay Real markii 14-aad ee ay finalka Champion-ka tagayaan mana jirto koox sidaas sameeysay halka City markii ugu horeysay taariikhdooda oo ay heerkaan ka soo gaaraan Champuion-ka waxa ayna Real finalka Champipn-ka isku arkayaan kooxda Atletico Madrid oo iyana ka soo gudbay Bayern Munich