Cristiano Ronaldo oo ka hadlay guushii ay xalay ka gaadheen Man City
Xiddiga reer Portugal ee Ronaldo ayaa ka soo kabsaday dhaawac muruqa ah oo soo gaaray, waxaana uu ka caawiyey Real Madrid inay gaaraan final-ka Champions League markii 14-aad.
Isagoo la hadlayey BT Sport ayaa waxa uu yiri Ronaldo: "Waan faraxsanahay sababtoo ah waxaan joognaa final-ka waana wax cajiib ah, ciyaar adag ayay ahayd, laakiin si ka wanaagsan City ayaa u ciyaarnay, waxaan abuurnay fursado badan, waana ka xamaasad badnayn.”
"Waan ogeyn kaddib goolkeenna in City ay cadaadis ina soo saari doonto, laakiin waan xakamaynay ciyaarta, waxaan helnay fursado ka yimid Luka Modric iyo aniga, ciyaartana waxa ay ahayd mid aan doonaynay inaan dilno.”
"1-0 waa natiijo iska dhow, laakiin anaga ayaa ka fiicnayn, ma aanan ciyaarin 15 maalmood, laakiin dadku waxa ay ilaawaan inaan si dhaqso ah u soo kabsado, waan daallanahay, laakiin xaqiiqdii waxaan ahay mid faraxsan.”
Kooxda Real Madrid ayaa la ciyaari doonta final-ka Champions League kooxda ay ku coltamaan magaalada Madrid ee Atletico Madrid, taasoo 28 bishaan Maajo ka dhici doonta garoonka San Siro.
Cristiano Ronaldo oo ka hadlay guushii ay xalay ka gaadheen Man City
Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday inuusan marnaba ka shakisanayn inay kooxdiisu gaari doonto kama dambaysta Champions League, waxaana uu xusay in xiddigaha kooxdiisa ay lugta labaad u ciyaareen