Yaad ka tagtay -yaad se uga tagtay?W/Q: Hinda Cabdi Sheekh

0
Thursday May 05, 2016 - 14:57:11 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1012
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaad ka tagtay -yaad se uga tagtay?W/Q: Hinda Cabdi Sheekh

    Qofku wuxu sharaf iyo cisii ku leyahay waddankiisa iyo dad kiisa . Waad tahriibtaye marnaba ma is waydiisay ,su'aasha ah ayaad u tagaysaa yaad se

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofku wuxu sharaf iyo cisii ku leyahay waddankiisa iyo dad kiisa . Waad tahriibtaye marnaba ma is waydiisay ,su'aasha ah ayaad u tagaysaa yaad se


dhibaatada u maraysa? Qofka bini aadamka ahi, waa in uu ka fikiraa waxa uu qorshay

sanayo iyo sida uu u qorshaysanaayo. Adigu ma waxa aad qorshaysatay in aad tahriibto?

Ma waxa aad go’aan ku gaadhay in aad waddankaga ka hajirto? Is weydi su’aasha ah

Yaad ka tagtay? Cidkale kamad tagin, ee waxad ka tagatay; walidkaga ,ehalkaga, bulshada

Soomaliyeed , waxa aad si gaar ah uga tagatay; qarran kaaga.

 

Waan dareensannahay in ay dhib uuni kaa kaxaynayso waddan kaga , balse miyeynaan dhibkaasi

Xal u heli karin ? aniga,adiga iyo inaga oo dhami miyeynaan wax badali kariin? Waddan

Kasta dadkiisa ayaa horrumariyey. Tusaale: waddamada aad uu tahriibayso , iskama qurux badna ,

Ee dhalinyartooda iyo bulshadooda ayaa qurxiyey . markaas ayaad adna moodaysaa inaan

Lagu daalin. Waar wax aan lagu daalin oon loo dhiididin layskama helo .

Inta aad u tahriibayso waddamada kale, miyeyna ahayn in aad ka fikirto sababta keentay

In loo tahriibo waddamadaas .

 

Runtii jaawaab ayaad u helaysa dib iskugu noqo oo radi jawaabta ,

Adigu miyaanaad ka dhigi Karin waddankaaga mid loo soo tahriibo ,

Waxbaarasho loo soo doonto , caafimaad loo soo doonto , laguna daydo

Horrumarkiisa ? hadii aad adigu aaminsantahay waddankaga "haa waad ka dhigi karta”

Lakiin inta aad aaminsa tahay waddan hebel ayaan wax ku soo bartay horrumar ku talaabsan maysid.

Inta aad ku faanaysid qurba jog ayaan ahay heer gaadhi maysid. Qurba joog ahaw , lakin horrumarka ay gaadheen waddamada aad joogta maxad ugu dayan wayday , oo aad waddankaga u horrumarin wayday iyo bulshadaada.

Meel kasta jog, ku na faan qurbaha laakiin (lama huuraan waa caws jiilaal) hal kii asalkaagu ka soo jeeday un baad ku soo noqon.

Walaalkayga ama walaashayda tariibayow , ayaad nooga tagaysa? Waanu ku baahannahay , waad noo baahatahay , dhamanteen waan isku baahannahay . ubixii dalka iyo umadda ayaad tahay .

Dalkaaga iyo Dadkaaga ha dhaxal wareejin .

Wax kasta oo aad kafaan tid marka aad joogtid waddankaaga ,waddamada kaieba waad ka qabataa.

Maxaa kuu diiday in aad waddankaaga , si sharaf iyo cisi ku dheehan tahay uga shaqaysatid?

Waxa jira waddamo sabool ah , balse aan waddankooda ka rajo dhigin, sida ayna uga quusanay waddankeena .

Ma’ogtahay in aad ku jirtid waddamada ugu qanisan Aduunka , waayo waxaad haysataa xoolo, bad iyo beero. Aduunka waddana mahaysto ;saddexda shay ee aad haysatid.

Maah maah soomaaliyeed ayaa tiraahda(cuni waaye waa loo cunaaye)

Ayaan khayrdadkaga laga fa’iidaysan.

 

W/Q: Hinda Cabdi Sheekh

Hinda20999@gmail.com