Xildhibaan Lagu Dhaawacay Hargeysa iyo Hal qof oo loo xidhay Dhaawaca Xildhibaanka

0
Friday May 23, 2014 - 11:58:23 in by salman abdi
  • Visits: 1189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Lagu Dhaawacay Hargeysa iyo Hal qof oo loo xidhay Dhaawaca Xildhibaanka

    Xildhibaan Xasan Cali Cabdi (Xasan Shahar) oo ka mid ah golaha deegaanka caasimadda Hargeysa, ayaa dhaawac fudud soo gaadhay shalay kadib Markii Dagaal Gacan ka hadal ahi Dhex Maray Dad Shacab ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Xasan Cali Cabdi (Xasan Shahar) oo ka mid ah golaha deegaanka caasimadda Hargeysa, ayaa dhaawac fudud soo gaadhay shalay kadib Markii Dagaal Gacan ka hadal ahi Dhex Maray Dad Shacab ah,

Xildhibaanka, ayaa waxa dhaawac ka soo gaadhay wejiga, ka dib markii sida la sheegay mid ka mid ah dad door ah oo ay wada fadhiyeen maqaaxi ka soo horjeedda dawladda hoose ee Hargeysa uu Moobayl uu gacanta ku hayey ku dhuftay.

Arrintan ayaa timid, markii Xildhibaan Xasan Shahar oo isaguna Maqaaxida fadhiyey ay ka soo yeedheen weedho lid ku ah Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden oo ah haweenay reer Somaliland ah, hasa-yeeshee hadda ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa la sheegay in Xildhibaan Shahar uu si la wada maqlayo uu u weedho laf-jab ah ugu weeraray Haweenaydaasi, ka dib markii uu akhriyey Wargeys ka soo baxa Hargeysa oo uu ku qornaa war Marwadu ku sheegtay in Midnimada Somaliya ay muhiim tahay, laakiin Xildhibaan Xasan Shahar oo warkaasi ka cadhooday ayaa ku hadlay weedho ka cadhaysiiyey dad uu ku jiray ninka Mobile-ka dhaawacu ka soo gaadhay ku dhuftay. Waxaana la tilmaamay in xildhibaanka ay sidoo kale isku buuqeen shaqsiyaad kale oo halkaasi fadhiyey,  ka dib markii hadalku ka taag-taag may.

Lama sheegin, wax khasaare ah oo gaadhay dhinaca kale, laakiin waxa warku intaasi ku darayaa in saacado kooban la xidhay Xuseen kayd ismaaciil, oo ah ninka xildhibaanka ku dhaawacay Mobile-ka.

 



Afkashacabka.com

Hargeysa/ Offie

Contact@afkashacabka.com