Waxa Haboon Inaynu Isku Ixtiraamno Waxa Inaga Dhexeeye oo ah Islaamnimada,Dhaqanka,Somalilandernimada.

0
Thursday May 12, 2016 - 17:13:08 in by Burco Office
  • Visits: 866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxa Haboon Inaynu Isku Ixtiraamno Waxa Inaga Dhexeeye oo ah Islaamnimada,Dhaqanka,Somalilandernimada.

    Anigu Uma arko Haddii Aynu Kala Fikir Siyaasadeed Noqono Inaad Tahay Target-kayga Koowaad Laakiin Waxaan U arkaa in Aynu u kala Safanay Saddex Hantiyood oo Qaranku Leeyahay(UCID,WADANI,KULMIYE) Oo Cid Gaarana Aanay Si Gaara Usheegan karin Ogow Haddii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Anigu Uma arko Haddii Aynu Kala Fikir Siyaasadeed Noqono Inaad Tahay Target-kayga Koowaad Laakiin Waxaan U arkaa in Aynu u kala Safanay Saddex Hantiyood oo Qaranku Leeyahay(UCID,WADANI,KULMIYE) Oo Cid Gaarana Aanay Si Gaara Usheegan karin Ogow Haddiiba Saddexda Xisbi Cidi Si Gaara Usheegato oo la kala Sheegto, Waxaynu Dhammaanteenba U halgamaynaa Khasaare. . Sidaan Tiraba Dhowr jeer oo Hore U xusay Sadexda Xisbiba Waa Hanti Guud oo Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Leeyahay Cid Gaarana Ma sheegan karto. . Muwaadin Kastaa Xaq Buuxda Ayuu Uleeyahay Saddexdaa Kuu Taageerayo Isagoo Sababo Cuskanaya Ama "Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga" u Taageeray Ku Qancaya amaba Sababaynaya,Ma jiro Xeer ama Qodob Dastuuriya oo Kugu Khasbaya inaad Weligaaba Mid uun Ka Mid ahaatid. . Saddexda Xisbi Tartan Xor iyo Xalaal ah baa ka dhexeeye Hanashada Umadda/Hogaan Dalka Se Waxaa Lagu kala Khabiir Sanaan Doonaa Sida loogu Qancinayo/Dhaadhicinayo Ummada Mabaadii'da Xisbiga iyo Qorshihiisa Mustaqbal ee Ku Wajahan Hogaaminta Dalka. . Waxaan si Gaara Ugu Mahad Celinayaa Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee Reer Somaliland ee Doodaha siyaasadeed ee Cilmiyaysan Dhex marto iyagoo Saaxiibo Dhow ah hadana ka kala Tirsan Axsaabta Qaranka (UCID,WADANI,KULMIYE) Waxaan se layaabaa Ragga Waaweyn ee aan waxbarsho dhigan ee inta badan iska Weerara Warbaahinta iyagoo sharaf ka dhiganaya Cay,aflagaado IWM oo uu Ku Qaadayo Saaxiibkii oo Xisbi Kale Ka Tirsan isagoo Ku Tiraabaya Hadalo Lafa jab ah,Qaranakana Ceeb ku ah Walaalkiisaa ay kala Fikir Siyaasadeedka Noqdeena Meel ka Dhac Ku ah, Odayaasha ku kala Jira Saddexda Xisbiba Ha kala xishoodaan. . Wanaag,Sharaf,iyo Horumar Bay inoo Tahay inaynu Cilmi Ku doodno Kuna Tartano, xisbiga Xisbi kale Af lagaadaynaya Bulshada magac iyo Taageero Kaga Doonayaa Ha Ogaado Isagaa Sharftiisa Hoos Udhigaya Taageeradiisana Wiiqayee . Barnaamij Siyaasadeed-ka Sannadada Soo socda Lagu hogaamin lahaa Dalka ayaa la inaga Rabaa Saddexdeenaaba Waana Ta Bulshadu Inagu Kala Saari Doonto, . Xisbul xaakimka Hadda Talada Haya Maaadaama uu Murashax cusub saaxada Keenay oo Hogaamiyihii Hore Tanaasulay Wuxuu Ka dhiganyahay "Tartame Cusub" Barnaamij Cusub waa inuu Lasoo Xaadira. . Waxaan si Gaara Ugu Mahad Celinayaa Aqoonayhanka Aanu inta badan Wada Tashano ee Cid Walba Leh (Wadani,Kulmiye,Ucid) Marka La baadna Waxaan umahad Celinayaa Asxaabtayda Gaarka ah iila Talisa ee Aan Kalsoonida  Uyahay . 


Wa bilaahi Tawfiiq _______________ Abdifatah Basher Hassan Burao-Somaliland