Haweeney AFRIKAAN Ah Oo Markii Ugu Horeysay Taariikhda Noqonaysa Xog-hayaha Guud Ee FIFA

0
Saturday May 14, 2016 - 08:47:59 in by salman abdi
  • Visits: 861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeney AFRIKAAN Ah Oo Markii Ugu Horeysay Taariikhda Noqonaysa Xog-hayaha Guud Ee FIFA

    Guddiga Kubadda Cagta ee FIFA ayaa u magacaabay Fatma Samba Diouf Samoura oo u dhalatay Waddanka Senegal in ay noqotay Xoghayaha guud ee Ururkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Kubadda Cagta ee FIFA ayaa u magacaabay Fatma Samba Diouf Samoura oo u dhalatay Waddanka Senegal in ay noqotay Xoghayaha guud ee Ururkaas.


Fatma Samoura oo muddo 21 sano ah kasoo shaqeysay Qaramada Midoobay, iyadoo hadda ahayd isku-xiraha arrimaha bani’aadamnimada iyo wakiilka UNDP u jooga Nigeria.

Magacaabisteedan ayuu madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino kaga dhawaaqay Kulankii 66-aad ee Xiriirka FIFA, kaasoo lagu qabtay Magaalada Mexico City ee xarunta Wadanka Mexico.160513163317_fatma_512x288_bbc_nocredit

Sida Qaynuunka FIFA yahay, waxaa la hubin doonaa sida ay ugu haboon tahay xilkaasi oo ay sameynayaan guddi madax banaan.

Fatma Samoura, ayaa hawsheedan billaabi doonta bartamaha June. Madaxweyne Infantino, ayaa ammaanay qibradeeda shaqo, isagoo sheegay in qibradeedu ay wax ku kordhindoonta kooxda hoggaanka FIFA.

Ugu dambeyn, Haweeneydan Afrikaanka ah ayaa ku qaadatay Shahaadada Masterka afafka Ingiriiska iyo Spanishka Jaamacadda Lyon iyo xiriirka caalamiga iyo kan ganacsiga waxay ka qaadatay machadka IECS.