Waxaan Matalayaa Xisbi Qaran Shacabka Iyo Xukuumadoodii Ay doorteena waan Isku Dirayaa Xisbiga Socod baradka Ah Ee Wadani BY Cabdiwahaab Ismaaciil Yaasiin (Ganey)

0
Sunday May 15, 2016 - 08:57:43 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1029
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaan Matalayaa Xisbi Qaran Shacabka Iyo Xukuumadoodii Ay doorteena waan Isku Dirayaa Xisbiga Socod baradka Ah Ee Wadani BY Cabdiwahaab Ismaaciil Yaasiin (Ganey)

    Xisbiga wadanni ayaa maanta noqday xisbi lagu aflagaadeeyo xisbiga kulmiye iyo waliba xukuumada Somaliland oo run ahaantii ah xukuumadii ugu waxqabadka banayd tan iyo markii aynu ku dhawaaqnay 1991 18 may gooni isu taaga jamhuuriyada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga wadanni ayaa maanta noqday xisbi lagu aflagaadeeyo xisbiga kulmiye iyo waliba xukuumada Somaliland oo run ahaantii ah xukuumadii ugu waxqabadka banayd tan iyo markii aynu ku dhawaaqnay 1991 18 may gooni isu taaga jamhuuriyada Somaliland  .


 

hadaba masuuliyiinta xisbiga wadani ayaa aad moodaa inay dhibco ku helayaan xangurufaynta iyo xagxagashada xisbiga kulmiye ayago markasta soo qaadanaya dhaliisha uu leeyahay xisbiga kulmiye laakinse aan dareen sanayn xanuunka ay leedahay dhibaato ama aflagaado aad u gaysato qofkale oo walaal kaaaya.

 

Waxaynu nahay dad bili aadan ah khaladaad kuna intaa way inaga dhacayaan qofkastaana xuman iyo wanaag labaduba way ka dhacaan laakiin miyaanay wanaagsanayn in ceebta walaalkaa ee aad dadka la dhexmarayso aad hoos ugu dhigto si adigana ceebahaaga alle kuugu asturo.

 

Waxay moodayaan masuuliyiinta xisbiga wadani inay sharaf u tahay iyaga marka ay xisbi kale iyaga dhexdoda ku aflagaadaynayaan taasina waa mid aanu ka waantoobayn xisbiga socod barad ka ah ee wadani.

 

Hadaba waxaan leyahay wadani  xisbiga kulmiye waa xisbi qaran dadaalbaanu ku yimi halkan markuu mucaaradka ahaa ee uu sidiina oo kale ahaa waxba muu aflagaadayn jirin eee isaga oo waliba mucaarada ayaa cadaadis iyo culays badan lasaari jiray taas oo uu kusoo dhaafay Samir iyo dulqaad.

 

 

Xisbi qaran baan matalayaa shacabkana waxaan ku dirayaa xukuumadooda ay waliba iyagu doorteen

Maaha mid dhacaysa qofkasta oo waxgaradana wuu ka damqanayaa taas

 

Gafafka khaladaadka iyo aflagaadada uu xisbiga wadani ku hayo xukuumada ayaa ah arin markasta soo noqnoqota taas oo dhacda markasta oo xisbiga socod baradka ah ee wadani uu lee yahay shir ama xafladba .

 

Hadaba arintii aniga naf ahaantayda iigu yaabka badnayda ee aan ku arko xisbiga wadani iyo masuuliyiintiisa xangarufaynta badanle ayaa dhacday

 maalin isniin ahayd taariikhduna ahayd 18/4/2016 maalin kaas oo xibiga wadanina uu xaflad kulahaa hotel maroodijeex ayaa masuul katirsan xisbiga wadani uu is ilaaway isla markaana ku hadaaqay kulmiye ha noolaado kulmiye ha guulaysto taas oo cadaynaysa khaladaadkooda.

 

 

 Waxaan leeyahay xisbiga wadani waxaad beerato ayaad goosanaysaa oo bari hadii aad xataa hogaanka qabato inkasta oo aanad lahayn sansaankii lagu guulaysan lahaa hadana waad daremi doontaa dhibta aad maanta ka dhex wado shacabka iyo waliba xukuumadooda

 

 

 

By: Cabdiwahaab Ismaaciil Yaasiin (Geney)

x