Asxaabigii Madoobaa Ee Uu Nebigu (SCW) u Guuriyay BY Qoraa Ibraahin Maxamed Kaahin(Ibraahin Dhuxul)

0
Sunday May 15, 2016 - 09:32:14 in by
  • Visits: 1266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Asxaabigii Madoobaa Ee Uu Nebigu (SCW) u Guuriyay BY Qoraa Ibraahin Maxamed Kaahin(Ibraahin Dhuxul)

    "ASXAABIGII MADOOBAA EE UU NEBIGU(SCW) U-GUURIYAY" ++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++ nebigu 'scw' ayaa arkay asxaabi madow, oo la odhan jiray juweybir, waxa uu nebigu scw ku yiri:- "juweybirow hadii aad guu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"ASXAABIGII MADOOBAA EE UU NEBIGU(SCW) U-GUURIYAY" ++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++ nebigu 'scw' ayaa arkay asxaabi madow, oo la odhan jiray juweybir, waxa uu nebigu scw ku yiri:- "juweybirow hadii aad guursan lahayd, haweenay aadku xafido, farjigaaga, kuguna kaalmaysa aduunkaaga iyo aakhiradaadaba, juweybir-na waxa uu yiri:-


 "rasuulkii alloow yaa wax igu falaaya, alle ayaanku dhaartaye malihi dhalasho,maal iyo quruxtoona maxay haweenay igu xulanaysaa, markaa suu nebigu 'Scw' ku yiri " juweybirow alle wuxuu islaamka hoos ugu dhigay, kuwii jaahiliyada sharafta laha, wuxuuna sharfay kuwii jaahiliyada la liidi jiray, islaamkuna waxa uu tir-tiray jaahiliyadii iyo qabiil iyo dhalasho isugu faankeeda,

 maantana dadka dhamaantood, caddaankooda iyo maddowgooda, qureyshtooda ,carabtooda iyo cajabtooduba, aadam bayka ahaadeen, aadamna alle dhoobuu ka uumay, allena maalinta qiyaame dadka, wuxuu ugu jecel yahay kan ugu adeecida iyo cabsida badan leh muslimiinta maanta, kuma ogi mid adiga wax ku dheer, hadii uusan kaa taqwo badnayn,

dabadeedna wuxuu ku yiri nebigu (scw):- waxaad u tagtaa, siyaad binu labiid oo ah kan ugu dhaladsan, inta cad waxaanaad u tagtaa siyaad binu labiid waxaanaad dhahdaa, waxaan ahay ergay rasuulkii alle kuu soo diray wuxuuna, ku leeyahay juweybir u guuri gabadhaada "dalfaa" juweybir sidii ayuu yeelay wuxuuna u tagay siyaad binu labiid, oo ay la joogaan niman tolkiis ahi, wuxuuna ku yiri" siyaadow waxaanka socdaa, rasuulkii alle waxaanan u socday arrin aniga ikhusaysa, ee ma golohaan-ka sheegaa mise , gaar ayaynu faqnaa siyaad wuxuu yiri" mayee golaha ka sheeg, maxaa yeelay fariinta, rasuulka waxay ii tahay sharaf iyo faan"

 juweybirna wuxuu u sheegay fariintii, rasuulka ee ahayd, inuu isaga siiyo gabadhiisa dalfaa, siyaad wuxuu yiri "ma rasuulkuu ayaa sidaa ikaa soo faray? Juweybir wuxu yiri"haa...! igama suurtowdo inaan rasuulka alle beenka sheego"siyaaad wuxuu yiri "gabadhayda uma guurinaayo, cidu dhiganta mooyee, oo ah ansaarta ee orod iska tag, anigaa nebiga (scw) cudurdaarkayga u sheegan doonee" juweybirna wuxuu tagay ugu danbayntii siyaad wuxuu gabadhii juweybir uguuriyey, isagoo rasuulka ku leh "allaanku dhaartee juweybir magayo gabadhayda, waxanse ugu guurinayaa adeecidaada darteed"

waxaan kasoo dheegtay "buuga la magac baxay halgankii tukayaasha ee uu qoraa c/siciid oo ka waramaaya sida loola dhaqmi jiray carabta agteeda, dadka madow" ka waran qisadan...? Dhamaad


W/Q Ibraahin Maxamed Kaahin (Ibraahin Dhuxul)
Tell:0634265672