Gabadhii Ugu Horraysay Ee Madaxwayne Ka Noqota Taiwan Oo Maanta La Dhaarinayo

0
Friday May 20, 2016 - 13:13:21 in by salman abdi
  • Visits: 595
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadhii Ugu Horraysay Ee Madaxwayne Ka Noqota Taiwan Oo Maanta La Dhaarinayo

    Madaxweynihii ugu horreeyay ee haween ah ayaa loo dhaariyay Taiwan, iyadoo dhaartuna ay ka dhacday xaflad si qurux badan loo soo agaasimay oo lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee Taipei.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii ugu horreeyay ee haween ah ayaa loo dhaariyay Taiwan, iyadoo dhaartuna ay ka dhacday xaflad si qurux badan loo soo agaasimay oo lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee Taipei.



Tsai Ing-wen ayaa ku hor dhaaratay calanka Taiwan.

Dookha Ms Tsai oo uu xisbigeedu u janjeero inay ka go’aan Shiinaha, ayaa wajahaysa hoos u dhac ku yimid xiriirka ay la leeyihiin Beijing.

Taiwan ma ahan waddankii ugu horreeyay ee qaaradda Aasiya ku yaalla ee xilka madaxweynanimada u doortay haweenay.

laakinse waxaa ay haweenaydan kaga duwan tahay hogaamiyayaasha kale ee dumarka ah sida Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Park Geun-Hye iyo Ra’iisul Wassaaraha dalkaThailand Yingluck Shinawatra in aysan kasooo jeedin qoys siyaasadda magac ku leh, waxa ayna darajadaasi ku gaartay dadaalkeeda oo kaliya.

Marka ugu horreysa waxaay wajahaysaa caqabado fara badan oo ay ka mid yahiin in ay xiriir wanaagsan la sameyso Shiinaha, iyadoo arrintaasina ay tahay mid adag.

Xisbiga Ms Tai ayaa waxaa u janjeera in Taiwan ay Shiinaha ka go’do.

Waxa ayna diiday in ay aqbasho shuruudaha xukuumadda Beijing ee ah in ay si qasab ah ku aqbasho mabaadii’da midnimada Shiinaha.

Hase ahaate waxaa lagama marmaan ah in Isfahan un ay la gaarto xukuumadda Beijing sababtoo ah ku dhawaad boqolkiiba afartan badeecadaha Taiwan ay dhoofiso waxay aadaan Shiinaha iyadoo Shiinahana u boqoolaal gantaalo ah u jeediyay dhanka jasiiradan.