Guddomiyaha Togdheer Mr Qabo oo Marki u horeysay Bulshadu U Bixisay Qabyo Tiro kuna Guuleystay inu Mar kale Rubuc Qarni Kadib Calanka Qaranka Burco ku Saaro iyo Madaxweyne kuxigenkana Keeno Gobolka+sawiro

0
Friday May 20, 2016 - 16:27:22 in by Burco Office
  • Visits: 1015
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddomiyaha Togdheer Mr Qabo oo Marki u horeysay Bulshadu U Bixisay Qabyo Tiro kuna Guuleystay inu Mar kale Rubuc Qarni Kadib Calanka Qaranka Burco ku Saaro iyo Madaxweyne kuxigenkana Keeno Gobolka+sawiro

    Tan iyo Wakhtigii Madaxwaynaha Somaliland Gudomiyaha Gobalka Togdheer usoo Magacabay Maxamed Ibraahim Aden (Qabyo-Tire) Oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo Wakhtigii Madaxwaynaha Somaliland Gudomiyaha Gobalka Togdheer usoo Magacabay Maxamed Ibraahim Aden (Qabyo-Tire) Oo
 Hore u ahaan jiray la Taliyaha Madaxwaynaha Arrimaha Dorashoyinka ayaa waxa mudadii uu joogay gobalka togdheer laga dheehan karayaa Horumar Uu Gobalka ka Sareyay Mudadii Uu badhisabka ka ahaa gobalkan
,

Badhisabka Gobalka Togdheer Maxamed Ibraahim Aden (Qabyo-Tire) ayaa tarikhda markii ugu horraysay ku dhiiraday in muddo laga joogo 25 Sano ka dib 1991 18 May markii ay Somaliland Xoriyadedii kala soo Noqotay Dalkii La isku odhan Jiray Somalia waxa Uu Dib Calanka u Saaray Magaladda Burco oo ah halkii 1991 18 may Calanka somaliland lagu saaray,
Arrintani Calanka saarka ayaa ahayd Mid si wayn usoo jiidatay indhaha beesha caalamka maadama muddo laga joogo 25 Sano ay ugu danbaysay in calanka somaliland la saaro xuska 18 may,
Dhacdadani ayaa ahayd Mid Uu Fikirkeeda lahaa Badhisabka Togdheer Mr Qabyo-Tire Oo ah Shakhsi Karti iyo Dedaal Badan,
Waxaana sidoo kale xusid mudan in badhisab qabyo-tire ku gulaystay inuu soo helo Yuusuf cisman aden Golos Oo ahaa Sarkaalkii 1991 18 May Magalada Burco gaar ahaana aqalkii lagaga dhawaqay Gooni isu-taaga somaliland Uu ahaa Sarkalkii Calanka somaliland saaray.
Gudomiyaha Gobalka Togdheer Maxamed ibrahim Aden (Qabyo-Tire) Oo mudadii uu Joogay Gobalka Togdheer waxa uu ku gulaystay inuu markii ugu horraysay dhagax dhigo aqalkii lagaga dhawaqay Gooni isu taaga somaliland oo wakhti xaadirkani burbursan,
Shacbiga gobalka togdheer ayaa iyagu uga mahad celiyay badhisabka taladani ku dhiirashada mudan ee Uu u badheyay in muddo laga joogo 25 Sano Uu Noqdo badhisabkii ugu horeyay ee ku dhiirada inuu dibu habayn iyo casriyayn ku saameyo aqalkani maadama oo uu gurigani yahay mid Qiimo badan ugu fadhiya guud ahaanba shacbiga reer somaliland,
Madal Lagu dhagax dhigay Aqalkani Lagaga Dhawaqay Gooni isu taaga somaliland oo ay Goob Joog ka ahayeen Madaxwayne ku xigenka Cabdiraxmaan Saylici,Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada,Xildhibano ka Tirsan Barlamanka iyo Guurtida Somaliland Oo ku Sugnaa Madashasi ayaa Masuliyiin iyo Waxgarad ka hadlay Madashasi Lagu Dhagax Dhigayay Aqalkasi waxay halkasi kaga dhawaqeen Magac Cusub Oo ay Bulshadda Gobalka Togdheer u Bixiyeen Badhisabka Togdheer Oo ah (Qabyo-Tire) iyadoo horre loo odhan jiray (Qabo)
 
Dhinaca waxyabaha ay bulshada gobalka togdheer ku Xasuusan Doonto Badhisab Qabyo-tire waxa ka mid in markii ugu horraysay Dadwaynaha reer burco xuska debaal dega 18 May ay kala soo qayb-galaan Madaxwayne ku xigenka maadama ay horre uga soo qayb gali jireen Uun Wasiiro iyo Xildhibano,
Sidoo kale Waxyabaha Sanadkani ku Cusbaa Debaal Dega Xuska Sanad Guurada 25 Aad 18 May waxa ka Mid ah in markii Ugu Horraysay ay dhacdo in Sadex Televison Oo kala ah Tv-ga Qaranka,Horn Cable Tv iyo Kalsan Tv ay si Live ah Guud ahaanba Bulshadda Reer Somaliland Ugu Gudbinayeen Xafladaha Lagu Xusayay 18 May Lagu Qabtay Magaladda Burco,


 
W/Q: Mohamed Ibraahim Hassan (British)

xigasho hadhwanagnews