"waxaa xusid mudan in gobol walba iyo goob walba ay qurxiyeen dhalinyarada dhiiran ee dhalaalka badan .."Sharmarke Gelle

0
Sunday May 22, 2016 - 09:02:58 in by salman abdi
  • Visits: 664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "waxaa xusid mudan in gobol walba iyo goob walba ay qurxiyeen dhalinyarada dhiiran ee dhalaalka badan .."Sharmarke Gelle

    Waxaa laga joogaa Qarni-Rubucii kadib markii dib loo yagleelay dalkii mar daadka lagu daray waxaana mudadaa 25-ka sano ah la soo faqayey dheemantii dhulka hoostiisa gashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa laga joogaa Qarni-Rubucii kadib markii dib loo yagleelay dalkii mar daadka lagu daray waxaana mudadaa 25-ka sano ah la soo faqayey dheemantii dhulka hoostiisa gashay.

Dedaal ma yarayn  daalna kuma yara cid walba oo u darban taabo galinta qaranka la dafiray waxaana soo gaadha diihaal badan cid walba oo isku diyaarisa  dardar galinta dalkan dunidu daaqadaha ka dalacatay.

Mudada intaas leeg da’ yarta dalku waxay ku noolaayeen  rajo waxaanay u adkaysteen darxumo, daranyo iyo diif walba oo kasoo gaadhay dal la diiday oo dedaal ugu jira inuu u abuuro wax walba oo sal u ah nolol dhamaystiran oo dheeli tiran.

Walaw dalka Somaliland buuxiyey shuruudaha laga rabo qaran xor ah oo dunida xarago ugu noolaada  hadana waxaad moodaa in ay wax badan ka maqan yihiin marka la eego dal aan deeq iyo dayn toona ka helin dunida inteeda kale.

Haddaba, mudo 25 sano ah kadib waxaa arbacadii loo dareeray muujinta milgaha dawladnimo iyo dareenka umadnimo, waxaana dad koox koox iyo qof qof u socda soo mareen jidadka waawayn ee gobolada dalka guud ahaan iyagoo muujinaya rabitaankooda iyo go’aankooda gaarka ah.

Ka sakow ciidankii  gaado ka ciyaarka ku marayey jidadka waawayn waxaa xusid mudan in gobol walba iyo goob walba ay qurxiyeen dhalinyarada dhiiran ee dhalaalka badan waxaanay caalamka u direen fariin cad oo aan caad sarnayn.

Ma ahayn oo kaliya kuwo bilic uun ku kabay maalintan balse waxaa muuqatay in ay ahaayeen ciidan bilaa qoryo ah oo kaalin wayn ka qaatay adkaynta amaanka iyo la shaqaynta ciidanka nabadgelyada.

Feejignaan, fiiro dheer, fan farshaxnimo badan ka muuqato  iyo farsamo heer saraysa ayey kaga falceliyeen foolaadka dalkani  faafinta maalintan fiican.

Ugu dambayn waxaan ugu hambalyeynayaa dhalinyarada Jamhuuriyada Somaliland  sida ay u bilan una boqreen maalintan tilmaamaan waxaanan ku faraxsanahay in aan ku abtirsado da’ yar aad idinku kamid tihiin.




Sharmake Axmed Muxumed Geelle

Xoghayaha Guud ee Golaha Wasiirada JSL ahna Xoghayahiii Guddida heer Qaran ee Qaban-Qaabada Xuska 18 May